War Saxaafadeed: Golaha Wasiirada oo Shir aan caadi ahayn isugu yimid Caawa
ayaa Cambaareeyey Weeraradii Argagaxisada ee ka dhacay Magaalda Nairobi
Halkan ka dhagayso kulanka Wasiirada
Muqdisho, 23, Sept, 2013…Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ayaa caawa isugu yimid shir aan caadi ahayn, iyadoo uu shir
guddoominayay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kheyraadka Dalka mudane
Cabdirisaq Cumar Maxamed waxaana shirka looga hadlay Arrimaha Amniga dalka iyo
weerarkii Argagaxisadu ka gaystay goob laga dukaamaysto oo ku taala magaalada
Nairobi iyo.

Ugu horayntii Golaha Wasiirada waxay tacsi tiiraanyo leh u direen Ehelkii iyo
Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Xuseen Cabdislaam oo ka tirsanaa golaha
Baarlamaanka oo shalay kooxo hubaysin ku dileen xaafada Buulo Xubeey.
Dhanka kale ku simaha Ra’iisul
wasaaraha ayaa sheegay in kooxda nabad diidka ah looga adkaan karo oo kaliya in
shacabka iyo dowladu wada shaqeeyaan.
“Alshabaab ugxantooda waxay taalaa Soomaaliya, waxaana looga adkaan karaa iyadoo
lagu taageero dowladda Soomaaliya qorshaha ay u dajisay la dagaalankooda, waana
in iskaashi dhan kasta ah laga sameeyo sidii loola dagaalami lahaa kooxdaan”
ayuu yiri kusimaha Ra’iisul Wasaaruhu
Markuu soo idlaaday shirka ayaa waxaa saxaafada la hadlay wasiirka Gashaandhiga
mudane Cabdixakiim Xaaji Fiqi isagoona faahfaahin ka bixiyey qodobada shirka
looga hadlay
“Xukuumadda Soomaaliya iyo Shacabkeeda oo isku duubaan waxay aad u
cambaaraynayaan weerarkii axmaqnimada ahaa ee lagula kacay dadka shacabka ah,
waxayna tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaski iyo qaraabadii dadkoodu ku wax
yeeloobeen weerarkaas, waxay sidoo kale xukuumadda Soomaaliya u muujinaysaa
dowladda Kenya sida ay u gabar taagan tahay ulana qaybsanayso murugada ka
dhalatay weerarka waxashnimada ah ee ay soo qaadeen kooxda argagaxisada
Alshabaab oo caado ka dhigtay in ay bartilmaameedsadaan dadka nugul oo an
hubaysnayn” Ayuu Yiri wasiirka gaashaandhiga oo dhanka kalana xusay in khatarta
joogtada ah ee ay ku hayaan kooxaha nabad diidka ah Soomaaliya iyo dalalka
dariska ah. Waxayna u muuqataa mid ku sii fidaysa caalamka intiisa kale, wayna
adagtahay in laga hortago hadii aan si dhab ah dowlada Soomaaliya loogu
taageerin dhismaha ciidamada qalabka sida.
Sidoo kale golaha wasiirada ayaa ka dooday dhibaatooyinka ka dhalan kara
weerarada noocaan ah, waxayna soo jeediyeen talooyin ku aadan shacabka
Soomaaliyeed ee ku nool Kenya. Waxaa kale oo golaha Wasiiradu go’amiyeen:
- · In loo diro Kenya Wafti heer wasiir ah oo qaada dhambaalka shacabka
iyo kan dowladda, si loogu muujiyo shacabka iyo dowlada Kenya sida ay ula
qaybsanayaan dhibaatada dhacaday.
- · In loo tacsiyeeyo dowalda Kenya iyo dowladaha kale ee ay dadkoodu ku
dhinteen
- · Waxaa Goluhu Baaq u dirayaa shacabka Kenya, iyadoo loo muujiyanayo in
Argagaxisada caalamka aysan u kala socnayan dhibaataynta shacabka aan waxba
galabsan wadankuu doono ha u dhashee.
- · In iskaashi dhan kasta ah laga sameeyo sidii loo wiiqi lahaa awooda
kooxaha Argagaxisada ah.
- · In shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya is dajiyaan, una muujiyaan
wada shaqayn buuxda dowladda iyo shacabka reer Kenya
Golaha wasiirada ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha amniga iyagoona soo
dhaweyey guulaha ay gaareen ciidamada qalabka sida iyo goobhii ay dhawaan kala
wareegeen kooxaha nabad diidka ah. Waxay sidoo kale Goluhu baaq u direen
Hay’adaha samafalka inay la soo gaaraan dawooyin iyo cunto dadka ku waxyeeloobay
fatahaada Wabiga oo khasaaro xoogan gaarsiiyey tulooyin ku xeeran magaalada
Jowhar
----DHAMAAD---
Communication Office
Mogdisho-Somalia
media@opm.gov.so
Prof Jawaari “Waa lagama maarmaan in dowladaha gobolka markale sameeyaan iskaashi si xal kama dambeys ah loo helo” WARSAXAAFADEED
Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay ammaanka gobolka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay iney dowladaha gobolka iskaashi u sameeyaan si xal kama dambeys ah looga gaaro falalka argigixisanimo kadib dhacdadii suuqa Westgate ee magaalada Nairobi. Hadaba Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku qoran luqadaha Somali iyo English hoos ka dheeho:-
Halkan ka akhri Warsaxaafadeedka Jawaari
---DHAMAAD--- Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so
LIVE UPDATE: Ka daawo NTV videoga hoose
Sidoo kale daawo KTN
Live streaming video by Ustream


Waraysi: Prof. Axmed Samatar oo ka hadlay Musuq Maasuqa Dawladda Federaalka
Soomaaliya.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2013
|