Wararkii ugu Dambeeyey ee Dagaalka weli ka socda Xarunta Ganacsiga Westgate
Mall ee Magaalada Nairobi
LIVE UPDATE: Ka daawo NTV videoga hoose
Sidoo kale daawo KTN
Live streaming video by Ustream
Iyadoo Maalintii Shaley ahayd ayaa Xarun weyn oo Ganacsi oo ku taala
Magaalada Nairobi waxaa la wareegey Koox aad u Hubeysan kuwaa oo markiiba
bilaabey in ay Dadka Rasaas la Dhacaan , waxaana ilaa iyo Hadda la Xaqiijiyey in
ay ku Geeriyoodeen 69 Qof , waxaa ku Dhaawacmey ilaa ku dhawaad 200 oo Qof iyadoo dadka
Dhintey ay ku jiraan dad Reer Galbeed oo ilaa iyo hadda aan la Shaacin Wadamada
ay ka soo jeedaan
Xarunta Westgate oo ah Xarun loo soo Dukaameysto ayaa waxaa ilaa iyo hadda
gacanta ugu jirtaa Kooxihii halkaas soo Weerarey , iyadoo Ciidamo kala Duwan oo
ka socda Wadanka Kenya ay ku Hareereysan yihiin , ,waxaana wararkii ugu Dambeyey
ay Sheegayaan in Ciidamada Kenya ay hadda gaareen Dabaqa Labaad ee Xauntaas
iyadoo kooxaha halkaas ku jira ay isugu Ururreen Dabaqa ugu Koreeya ,waxaana la
sheegey in Dad badan ay halkaas ku haystaan Kooxahaas.

Dadkii ka soo Badbaadey oo u waramayey Saxaafada ayaa sheegey in Meesha ay ka
dhacadey Musiibo aad u weyn ilaa hadda waxaa weli socda Dagaalka u dhaxeeya
Ciidamada Kenya ee halkaas ku hareereysan iyo Kooxaha halkaas weerarey , waxaana
mararka qaar la maqlayaa Qaraxyo aad u waaweyn , waxana Dadka qaar ay ka soo
boodayaan Dariishadaha Xaruntaas ,warar aan la Xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamo
Ingiriis iyo Mareykan ay gacansiinayaan Ciidamada wadanka Kenya oo Muddo Afar
iyo Labaatan Saac dagaal kula Jirey Kooxahaas.

Waraka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi waxay sheegayaan in dadka halkaas ku
Dhintey uu ku jiro nin u shaqeynayey Hayadda IIDA oo lagu Magacaabo Yaasiin
Xirsi ,waxaana maanta lagu aasey Magaalada Nairobi , sidoo kale waxaa iyana la
Xaqijiyey in ay ku Dhinteen ilaa Saddex Qof oo Soomaali ah ,waxayna Wararkii ugu
dambeeyey ay sheegayaan in uu weli Socdo dagaalka Kooxaha halkaas weerarey ay u
Afduuban yihiin dad fara badan.
Warar ayaa sheegyaa in Xubno ka
tirsan Qoyska Madaxweynaha Kenya ay ku jiraan dadka halkaas ku Dhintey ama ku
waxyeeloobay sidoo kale warar ayaa sheegaya in Xarunta weli lagu haysto
Dibolmaasiyiin reer Galbeed ah sidaa waxaa lagu ogaadey Gawaarida ay kaga tageen
Xarunta Horteeda sidoo kale dadka reer Kenya ayaa Buux dhaafiyey Isbitaalada
Magaalada Nairobi si ay u helana dad ka maqan oo markii ugu dambeysey lagu
sheegey in ay ku jiraan Xarunta ganacsiga Westgate
Madaxweynaha Kenya oo Shir Jaraaid qabtey ayaa falkaas ku Tilmaamey mid
Argagixso isagoo hoosta ka xariiqey in ay dagaal la Geli doonaan Kooxaha
Argagixisa ha joogaan Gudaha ama dibdda waxaana uu Tacsi u Direy dadkii hlkaas
ku geeriyoodey sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo haatan ku
sugan Cariga Mareykanka ayaa isna Dhambaal tacsi ah u Direy Madaxweynaha Kenya
isagoo sheegey in Dowladiisa ay aad uga Xun tahay wixii ka dhacay Xarunta
Westgate
Afhayeenka Guud ee Xarakada Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo
ka hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Shabaab ayaa sheegay in Ciidamo
ka tirsan Mujaahiddiinta Al Shabaab in ay qaadeen Weerarkaas isagoona sheegay
inuu yahay mid ay kaga aar gudanayaan Duulaanka Ciidamada Kiinyaanku ku soo
galeen gudaha Soomaaliya.
Cali Dheere Af Hayeenka ayaa ku Celiyay Digniin ay hore Shabaabku ugu jeediyeen
Dalka Kenya iyagoona mar kale ugu baaqay in ay isaga baxaan Dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Xaraakada Shabaab ayaa ku Goodiyay haddii Xukuumadda Kenya ay u
Hoggaansami weydo Awaamiirta ay u soo Jeedinayaan oo ah in Ciidamadooda Dalka
Soomaaliya kala baxaan in Magaalada Nairobi aysan Xasiloonaan doonin
Xaaladda Xaafadda Islii ee Soomaalidu degto ee Magaalada Nairobi ayaa deggan in
kastoo la dareemayo cabsi fara badan oo ay qabaan Soomaalida halkaa degta.
qaar ka mid ah Soomaalida halkaa ku Dhaqan oo la hadlay Warbaahinta Caalamka
ayaa sheegay in marka ay dhacdo tii shalay ka dhacaday Magaalada Nayroobi oo
kale ay dhacdo in lagu Qamamaamo Dadka Islaamka ah ama Soomaalida ah kuwaas oo
si Naxariis darra ah loola Dhaqmo
.Soomaalida ku dhaqan Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa ku
jira xiligan Hubsasho ay Hubinayaan sida ay noqdaan Xaaladaha cakiran ee ka
soconaya goobta ay Mashaqadu ka dhacday Weastaran Gate.Dukaamada qaar ayaa la
furay iyadoo Gaadiidka Magaaladuna ay shaqeynayaan in kastoo cabsina ay jirto
.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Waraysi: Prof. Axmed Samatar oo ka hadlay Musuq Maasuqa Dawladda Federaalka
Soomaaliya.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 22, 2013
|