SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

  • Jaamacadda Muqdisho oo soo Gabagabeysay Todobaad loogu Magacdaray Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda
  • Dalalka Soomaaliya iy Yeman oo maanta Heshiis Iskaashi ah kala saxiixday
  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS Oo Maanta Furay Kalfadhiga Seddexaad Ee Golaha Shacabka  

Jaamacadda Muqdisho oo soo Gabagabeysay Todobaad loogu Magacdaray Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda

Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah Jaamacadaha ugu Faca-weyn Soomaaliya ayaa shalay kusoo gaba-gabeysay magaalada Muqdisho Tartan ay ugu magacdartay Todobaad dhaqanka kaasoo lagu soo dhaweynayay Ardayda cusub ee ku soo biirtay Jaamacadda.

Munaasabaddan ayaa waxaa inta badan lagu soo Bandhigay suugaan ay ka mid ahaayeen: Gabayo iyo Buraanbuor, waxaana ka mid ahaa arday halkaas ay kasoo jeediyeen Gabayo ay ku cabirayeen Waxbarashada iyo qiimaha ay bulshada u leedahay.

Gabayada laga soo jeediyay goobta ayaa waxaa ka mid ahaa mid loogu magacdaray: ( Jaamacadda Muqdishaay …. Adaa Majaraha aqoonta u haya Dalkeena maanta), kaasoo ay si weyn ugu Riyaaqeen dadkii Toddobaadkan ka qaybgalayay.

Waxaa kaloo halkaa isku bartay ardayda cusub iyo hormuudyada Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadaha Muqdisho, iyadoo Toddobaadkan dhaqanka uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho, macallimiinta iyo Maamulka Jaamacadda.

Aadan Axmed Xuseen (Aadan Xerow) oo ku hadlaya guddiga Barnaamijkan soo qaban-qaabiyay ayaa halkaas hadallo kasoo jeediyay isagoo ugu horreyn u hambalyeeyay ardayda cusub kana sheegtay goobta inay yihiin arday nasiib-badan oo jaamacadda kusoo biiray xilli kulliyado cusub lagu biiriyay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar oo hadalkiisa ku billaabay - Ma dheellinayso jaamacadda Muqdisho, mana dheellin doonto, Insha Allaah, waxaanan rajaynaynaa inay horumar intan ka badan u sameyso bulshada Soomaaliyeed. Jaamacadda Muqdishana ma aha jaamacad aan bulshadeeda waxba u qaban, waayo waxay soo saartaa dad akhlaaq wanaagsan leh.

“Jaamacaddu waxay mar walba mahad u haysaa dadka gacanta ka geysta, maalin baana u mahadcelin doonaa,” ayuu yiri guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho isagoo ku yiri hadal uu kula dardaarmayay macallimiinta wax ka dhiga jaamacadda: “Waxaa waajib idinku ah inaydaan ilmaha khiyaamin oo si fiican wax-u-bartaan. Waayo jaamacaddu waxay astaan u tahay inay siiso ummaddeeda waxbarsaho tayo leh.”

Dhanka kale, waxaa Xaflad qado sharaf ah loo sameeyey Macallimiinta iyo shaqaalaha ka hawlgala Jaamacadda Muqdisho, taasoo qayb ka ah sidii loo dar-dargelin lahaa howlaha waxbarasho ee sannadka soo socda.

Xaflada oo uu soo Af-jaray guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho ayuu kula dardaarmay Macallimiinta Jaamacadda inay howlahooda sare u qaadaan maadaama ay Sannadkan Jaamacadda kusoo biireen Kulliyado cusub iyo arday ka badan kuwii hore

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


War-saxaafadeed

Dalalka Soomaaliya iy Yeman oo maanta Heshiis Iskaashi ah kala saxiixday (Sawiro)


Sanca, Sept, 10, 2013….Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Heshiis-iskaashi ah waxay magaaladda Sanca ay kula Saxiixatay Dawladda Yemen kadib kulammo maalmihii lasoo dhaafay ay lahaayeen Mas’uuliyiinta labadda Dawladood oo looga hadlayay iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyadda Amaanka, Siyaasadda,Ganacsiga, Dhaqaalaha, Waxbarashadda iyo Arimaha Bulshada.



Heshiiskan oo ay goobjoog ka ahaayeen Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” iyo Ra’isul Wasaaraha Dalka Yemen Mudane Maxamed Saalim Bassanduwa waxaa u kala Saxiixay Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ee Yemen Dr. Maxamed Al-Sacadi.

Heshiiska-Iskaashi ee labada Dawladood ay Maanta ku kala saxiixdeen Sanca waxaa uu xoojinayaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ay wadaagaan. Waxaana ugu muhiimsanaa arimahan:

1- Iskaashiga dhinaca Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.
2- Iskaashiga dhinaca Waxbarshada iyo Dhaqanka, Tacliinta-sare iyo Warbaahinta.
3- Iskaashiga dhinaca Diplomaasiyadda, Nabadgalyadda, Gaashaandhiga iyo Cadaaladda.
4- Iskaashiga dhinaca Arimaha Bulshada iyo Qaxootiga.

Waxaa heshiiskan fulintiisa u xilsaaran Guddi heer wasiir ah oo ay hogaaminayaan Wasiiradda Arimaha Dibadda ee labada dal, waxaana shirarkooda ay ku qabsan doonaan magaaladda Muqdisho iyo Sanca.

Waxaa kaloo la isla gartay in heshiiskan ay ka farcami doonaan heshiisyo gaar ah oo u dhexeeya Wasaaradaha kala duwan ee labada dal oo si faah faahsan u qeexi doona iskaashiga labo Wasaaradood oo kasta.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Sanca, Yemen
Email:Ridwaanhaji@gmail.com


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Maanta Furay Kalfadhiga Seddexaad Ee Golaha Shacabka 

Sept 10, 2013: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhiga Seddexaad ee Golaha Shacabka ayadoo Madaxweynahana uu Baarlamaanka ka hor akhriyey waxyaabaha u qabsoomay Mudada sanadka ah ee uu xilka hayo.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga Seddexaad ee Golaha Shacabka oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa,Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xildhibaanno,xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida qaarkood iyo fanaaniin taariikh weyn ku leh fanka Dalkeenna oo iyagu Munaasabadda kusoo bandhigay suugaan qiimo leh.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo khudbaddii ugu horeysay ee Munaasabadda jeediyey ayaa yiri “Inkastoo Baarlamaanka uu gu’ jirsaday hadana guullo badan ayaa la gaaray waxaana mahadaas iska leh Alle ka sokoow Xildhibaannada Golaha Shacbiga oo iyagu waajibaadkooda shaqo u gutay si hufan,guulaha la gaarayna waxaa ugu horeeya hindise sharciyeedyadii faraha badnaa ee Baarlamaanku ansixiyey”

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeeyey gu’ jirsigiisa maadaama ay maanta ku beegantahay sanad kadib markii loo doortay xilkan waxaana uu Alle uga baryey inuu u fududeeyo mas’uuliyadda saaran oo ah mid aad u culus.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale ka hadlay himilooyinka la hiigsanayo mustaqbalka oo ay ugu horeeyaan dhameystirka Dastuurka KMGka ah oo la gaarsiiyo heer ay dadweynuhu u codeeyaan iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah bisha September sanadka 2016ka taasina la gaari karo hadii si isku duubni ah loo wada shaqeeyo sidoo kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu u mahad celiyey Gudoomiyeyaasha degmooyinka Howlwadaag iyo Warta Nabadda oo ku ammaanay doorka muuqda ee ay ka qaateen dayactirka xarunta Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda ka jeediyey khudbadiisa dastuuriga ah ayaa ugu horeyn ku tilmaamay taariikh lama ilaabaan ah oo aanay cidina qarin Karin sida Baarlamaanku u shaqeeey mudada sanadka ah ee uu jiro gaar ahaanna kalfadhiyadii lasoo dhaafay, taasina ay tahay wax aad loogu farxo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyey waxyaabaha u qabsoomay mudada sanadka ah ee uu xilka hayo waxaana uu xusay in waxbadan la qabtay waxyaabahaasi la qabtayna ay ku hirgaleen isku duubnida iyo wadashaqeynta hay’adaha Dowladda,sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha ka hadlay hormarrada laga gaaray dhinacyadada ammaanka, ku baahinta nidaamka dowliga ee gobollada Dalka,xiriirka dibadda,la dagaalanka musuq maasuqa, ku qancinta dalalka caalamka in Soomaaliya ay dhaqaale ku taageeraan isagoo Baarlamaankana uga hor mahad celiyey dowladaha Turkiga iyo Norway oo noqday dowladihii ugu horeeyey ee Soomaaliya toos qasnadeeda dhaqaalle ugusoo shuba iyo xasilinta Dalka oo uu Madaxweynuhu xusay in guul laga gaaray maadaama kuwa xadgudubyada geysan jiray la horgeeyey Cadaalladda oo ciqaab adag la mariyey taasina ay keentay iney yaaraadaan falal uu kufsiga ka mid ahaa.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad u bogaadiyey sida ay Xildhibaannada Golaha Shacabka gacan uga geysteen ku baahinta dowladda ee gobollada Dalka maadaama ay Xildhibaannada Baarlamaanka safarro shaqo ku tageen gobollada Dalka ayagoo khatar u bareeray, waxaana uu Madaxweynaha Baarlamaanka u rajeeyey guul.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka soo xeray ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka ee safarrada shaqo ugu kala maqnaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku amray iney kusoo gudbiyaan mudo Laba cisho ah warbixinnada ay kasoo ururiyeen goobaha ay safarrada shaqo ku kala bixiyeen si baahida ay shacabka kasoo qaadeen loogu gudbiyo cida wax ka qaban karto.

---DHAMAAD---

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

 


Xayaysiis Ha moogaan Salaam African bank... Xaggee ka eeg: http://somalitalk.com/xayaysiis/salaam/bank.html

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;