SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra'iisul Wasaare Saacid Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo oo Maalintii Seddaxaad Ku Sugnaa Dalka Jabuuti, isla Markaana Ka Qayb-galey Dhismaha Dhagax Dhiga Laba Dekadood Oo Dalka Jabuuti Ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Hotel Kempiniski caasimadda dalka Jabuuti casho sharaf ugu sameeyey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland iyo xubno la socdey oo ay hoteelka wada deganaayeen.

Ra’iisul Wasaare Saacid iyo wafdigiisa ayaa cashada ka hor kulan al-baabadda u xiran la yeeshey Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole iyo xubano ka tirsan maamulkiisa.

Kulanka kadib Af-hayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji oo saxaafadda la Hadley ayaa waxaa uu marka hore faah faahiyey imaatinkii ay yimaadeen dalka Jabuuti, kulamadda Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshey madaxda sare ee dalka jabuuti, halka ay uga sii gudbayaan wafidga ra’iisul wasaaraha iyo ujeedadda cashadii waxaa uuna yiri

“Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa casho sharaf u sameeyey wafdiga madaxweynaha Puntland md. Cabdiraxmaan faroole. Waxyaabo aad iyo aad u fara badan ayaa laga Hadley mudadii cashada lagu jirey, gaar ahaan ahmiyadda ay leedahay dadka soomaaliyeed in ay laabta isu furaan, waxyaabaha mararka qaarkood tuhunada ah ayna tahay in la iska qanciyo oo lays fahansiiyo. Kulan aad iyo aad u muhiim ah ayuu ahaa, dowladda soomaaliyeed mowqifkeeda waa in dadka soomaaliyeed isku soo dhawaadaan dhibaatooyinkii dalka ka dhacay in aan markale dib loogu noqon, lagana gudbo burburkii dhacay, is-fahan iyo is- af-garad lagu dhameeyo”.

(Fadhiga Cashada iyo shirka jaraa’id ee Ridwaan Xaaji oo dhameystiran hoos ka daawo)

Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xaruntiisa ku qaabiley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayey 07/09/2013. Ra’iisul Wasare Saacid, waxaa kale oo uu la kulamay Ra’iisul Wasaraaha dalka Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Ra’iisul wasaaruhu intii uu ku sugnaa dalka Jabuuti waxaa uu ka qayb-galey Dhagax dhiga Dhismaha Deked cusub oo ay sannadkii ka dhoofi doonaan in ka badan laba milyan xoolaha nool ee geeska afrika iyo balaarinta Dekedda labaad ee dalka Jabuuti, islamarkaana ka mid ah dekadaha ugu cas-risan geeska afrika, taasoo keydin doonta seddax milyan ee Konteeran.

Laakiin marka si guud loo eego wafdiga ra’iisul wasaaraha, xaaladda xukuumadda uu hogaamiyo iyo waxa shacabka soomaaliyeed ay ka sugayso xukuumadiisa ayaa waxaa la dhihi karaa hal bacaad lagu lisey. sababtoo ah, ciidamadda Xukuumadda soomaaliya iyo Shacabka ay matalaan, labada dhinac ma ahan kuwo isku kalsoon. Sidoo kale maamulka guud ee xukuumadduna wuxuu u muuqdaa mid u shaqeeya qaabkii hore ee xukuumadihii KMG-da ahaa kuwaasoo wax kasta ay ka bilaabanayeen Xildhibaan, wasiir iyo ra’iisul wasaare ayna ku ekeyd madaxweyne.

Waxaan muuqan doorkii Xog-hayeyaasha hay’adaha xukuumadda, agaasimeyaashii guud iyo kuwii waaxaha, Iyadoo waliba ay u dheer tahay kor u qaadida maamuladda hubeysan ee is-magacaabey, kuwaasoo u abaabulan qaab dowlado shisheeye. Xukuumaduna, waqti, dhaqaalo iyo maskax badan ka lumiyey. Waxaa sidoo kale xukuumadda soomaaliya mash-quuliyey Shaqaalaha Urur Goboleed, kuwo qaaradeed iyo kuwo caalami, kuwaasoo ku daaban dowladdo dano iska soo horjeeda ka leh dalka Soomaaliya kuna qaba dano muuqda iyo kuwo qarsoon.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com


Xayaysiis Ha moogaan Salaam African bank... Xaggee ka eeg: http://somalitalk.com/xayaysiis/salaam/bank.html

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;