SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

War-saxaafadeed

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo casho sharaf iyo kulan la qaatay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland

  • iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb-galay furitaanka 2 Dakadood oo cusub oo maanta laga dhagax dhigay Djibouti

Djbouti, September 8, 2013----Iyadoo todobaadyadii ugu danbeeyay ay jireen hoos u dhac ku yimid xiriirka u dhexeeya Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa xalay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” waxaa uu casho ugu sameeyay hotelka Kempinski ee magaaladda Djibouti Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole.



Kulankan cashadda ah oo ay goobjoog ka ahaayeen labada Wafdi ee Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland waxaa uu ku dhacay jawi aad u wanaagsan iyadoo la isla soo qaaday xiriirka ay Puntland sheegtay in ay hakad galisay.

Kulankan waxaa dhanka Wafdiga Ra’isul Wasaaraha kamid ahaa Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Wasiir ku-xigeenadda Ganacsiga iyo Khayraad, halka dhinaca Wafdiga Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud faroole ay kamid ahaayeen Wasiirrada Arimaha Gudaha iyo Caafimaadka ee Puntland.

Markii ay cashadu soo dhamaatay waxaa Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya uu kulan gaar ah oo saacado qaatay uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamuud faroole.

Kulankan waxaa la qiyaasayaa in uu u xuubsiiban doono wada hadalo kale oo rasmi ah oo dib loogu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqaynta Maamulka Puntland iyo Dawladda Federlaka Soomaaliya

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia
Djibouti, Mob: +25377093297
Email:ridwaanhaji@gmail.com

###Dhammaad###

Xayaysiis Ha moogaan Salaam African bank... Xaggee ka eeg: http://somalitalk.com/xayaysiis/salaam/bank.html


War-saxaafadeed

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb-galay furitaanka 2 Dakadood oo cusub oo maanta laga dhagax dhigay Djibouti



Djbouti, September 8, 2013----Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo Marti-sharafta 1-aad ka ahaa munaasabad balaaran oo lagu furayay Dakaddii 6-aad iyo 7-aad ee Dalka Djibouti oo uu weheliyo Madaxweynaha Dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele waxaa ay dhagax dhigeen Dakadaha cusub ee Djibouti oo qaban doonta adeegyo kala duwan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay dalka Djibouti munaasabadihii lagu dhagax dhigayay labada Dakadood ee Dameer-joog iyo Dorale oo fulin doona adeegyo badan oo dalka iyo gobolka ah.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu aaminsanyahay, kuna shaqayn doono fikirka ah in Dakadaha Gobolka iyo Soomaaliya la balaariyo isla markaana la casriyeeyo dhamaan Dakadaha ku yaala Xeebaha Soomaaliya si ay ugu adeegaan Soomaaliya iyo Geeeska Afrika.

“Hammigu waa in ka sokoow khayraadka Soomaaliya la abuuro dhaqaale kasoo xarooda Dakado casri ah, Soomaaliya waxaa ay leedahay Xeebta ugu dheer Afrika iyo Bad khayraad badan.” Ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi faarax Shirdoon Saacid.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku jooga dalka Djibouti booqasho rasmi ah oo qayb ka ah xiriirka iskaashi ee dhinacyadda Amaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay iyo Soomaaliya.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia
Djibouti, Mob: +25377093297
Email:ridwaanhaji@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;