SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Idiris Xasan Faarax “ Ciidmada Itoobiya ee ku Sugan Gobolka Gedo iyagaa qaata Canshuurtii Gobolka lagu Hormarin lahaa waxaana u soo jeedinayaa Dowladda Federaalka…”

Gobolka Gedo oo inta badan ay gacanta ku hayaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Itoobiya iyo kuwa Kenya ayaa waxaa ay cabasho aad u weyn ka soo yeertey Bulshada halkaa ku dhaqan ka dib markii ay sheegeen in Degmooyinka Gobolka Gedo ay Xadgudubyo ka geystaan Cidamadaas islamarkaana waxay sheegeen Dadka halkaa ku dhaqan in Gobolka laga hor sitaagey wax kasta oo Hormar ha Noqoto Dhinaca Caafimaadka , waxbarashada iyo Adeegyadii kale ee Bulshada

Siyaasiga Idiris Xasan Faarax oo nala soo Xiriirey ayaa waxaa uu si aad ah uga Hadley Tacadiyadaas ka dhacaya Gobolka Gedo oo uu sheegey in ay si gaar ah uga Dambeeyaan Ciidamada Itoobiya Isagoo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiriv “Gobolka Gedo waxaa Xiriir Ganacsi la leeyahay Shacabka Itoobiya iyo Kenya waxaa Gabolka Gedo uu kaalinta Sedexdaa kaga jiraa Gobolada Dalka marka ay timaado Dhinaca Canshuurha kastanka marka laga reebo Muqdisho iyo Berbera “

“Dakhligaas Faraha badan ee Gobolka soo gala maanta waxaa qaata Ciidamada Itoobiya oo ay u ururriyaan Shaqsiyaad aan dooneyn Horumarka Gobolka iyadoo la Ogyahay in Itoobiya ay Dooneyso in Gobolka uu sidaa ku sii jir oo ay iska Urursato Dhaqaalahaas Gobolkana oo uu ka baaba’sanaado Dhinaca Waxbarashada , Caafimaadka iyo Adeegyadii kale ee ay u baahnaayeen Bulshada Gobolka”ayuu yiri Idiris Xasan Faarax oo sheegey in Gobolka Gedo uu marayoXiligaan meeshii ugu Xumeyd/

Idiris Xasan Faarax ayaa u soo jeediyey Sideeda Xildhibaan ee ka soo jeeda Gobolka Gedo in ay u guntadaan sidii wax looga qaban lahaa Xadgudubyada iyo Tacadiyada ay Ciidamada Itoobiya ka geysanayaan Gobolkaas oo uu sheegey in ay diideen in Canshuurta Gobolka soo gasha lagu Hormariyo Deegaanada Gobolka uu ka kooban sidoo kle waxaa uu soo jeediyey dadka u adeegaya Ciidamada Xabashida in ay Taariikhda idiin Xusi Doonto.

Mudane Idiris Xasan Faarax ayaa u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay wax ka qabato Dhibaatooyinka Gobolka Gedo ka geysanayaan Ciidamada Itoobiya waxaa uu intaa ku darey “ Dowlada Federaalka iyadaa Wadanka ka Madax ah marka waxaa leeyahay il gaar ah ku eega waxa ka dhacay Gobolkaas oo ay geysnayaan Ciidamada Itoobiya sidoo kale Shacabka waxaa u soo jeedinayaa in ka dhiidhiyaan Gumeysiga Itoobiya ee hortaagan Horumarka Gobolka Gedo


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;