SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Halka Milyan Caruurta ah Ma Geedaha Hoostoodaa Wax Lagu Barayaa?

Tan iyo markii la Magacaabey Wasiirada Adeega Bulshda waxay markiiba ku Dhawaaqdey in Caruur Gaareysa Hal Milyan ay Wasaaradeeda siin doonto Waxbarasho lacag la’aan ah waxaana Mashruucaaan soo Dhaweeyey Bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan waayo Muddo 22 Sano ma jirin Caruur ay Dowlad si lacag la’aan ah ku Bareyso sidoo kale waxay Wasiiradu Balan qadey in halkaa Milyan ay wax Barayaan Kun Macalin.

Waa arrin lagu farxo in Caruur Soomaaliyeed oo Tiradaa la’eg ay Waxbarasho lacag la’aan ah heleen,Hadaba su’aasha is Weydiinta Mudan waxay tahay in arrintu ay u Muuqato “waan Socon weyney Aan Orodno” Waayo Bulshada Soomaaliyeed si wanaagsan ayey uga wada Dherergsan yihiin in Mashuurcaan uu ku yimid Qof Riyoodey waayo maka hore in Caruur wax la Baro waa wanaagsan tahay hase yeeshee waxaa ka horeeya Arimo fara badan.

Dowladii hore ee Milatariga inta aan Carrurta loo Dirin Dugsiyada waxaay Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ka Hirgelisey Dhismayaashii Dugsiyadii Caruurtaas wax lagu Bari lahaa ,markii la Diyaariyey Agab loogu talagaley Waxbarshadii ayaa waxaa Bilowdey Mashruucii loogu Magacdarey Waxbarashada Khasabka waxaana Waalid kasta lagu Khasbey inay Caruurtooda Dugsiyada u diraan waxaana uu Mashuurcaas uu noqdey mid lagu Guuleystey, Hadaba Dowladaas waxay ka tagtey Dugsiyadii oo u baahan oo keliya in la Dayatiro oo Boorka Dib looga jafo.

Mashrruca Wasaarada adeega Guud ee Dowladda ee Qaybteeda Waxbarashada ma muuqtaa mid Hirgaliyo , waxaa Xaqiiqo ah Hadii aan Indhaha la istireyn in aysan Suurta gal ahayn in uu Mashruucaas uu Hirgalo waa mide Dugsiyadii Dowladda lahayd waxaa si gaar ah loo siiyey Shaqsiyaad kuwaa oo Caruurta Soomaaliyeed Waxbarashadooda lacaga fara badan uga qaata marka Dugisyadaas waxaa tegi karo nin Jeeb Buuran ,waxaana Xaqiiqo ah in Dugsiyadii Dowladii hore aan Dhihi karo ilaa saddex Miliyan Caruur ah ayaa wax lagu Bari kara

Nin Odey ah oo markii Wasiirada ku dhawaaqdey in caruur gaareysa Hal Miliyan la siinayo Waxbarasho lacag la’aan ah oo aad ugiu Faraxay Warkaas ayaa haatan Candhuuftii dib u ligay isaga oo Calaacalaya ayaa yiri . Mashruucaan la leeyahay Hal Milyan oo Caruur ah ayaa wax lagu Barayaa waxaa leeyahay Qoladii ku dhawaadey Mashruucaan waa kuwa Maskaxdooda Foorta waxaana ku Tilmaami karaa Madaxii oo Majiihii loo Rogey War Caruurta ma Geedaha Hoostooda ayaa wax lagu Barayaa waa kuwaa iskuuladii la siyey Hayado Shisheeye iyo Shaqsiyaad oo maanta Caruurta Soomaaliyeed lacagao fara badan looga qaadayo marka waxaa leeyahay Dowladda Soomaaliyeed yeysan Taariikh Xumo idiin Imaan intaa aad Riyooneysaan|

Hooyo Saynab iyadoo ka hadleysa Mashruucaan la sheegey in Hal Milyan oo Caruur ah wax lagu Barayo ayaa tiri “Waxaan ka mid ahaa Dadkii laga saarey Dugsigii Farasmada oo markii nalaga saarayey Dowladu noo sheegtey in Caruurta Soomaaliyeed si lacag la’aan ah wax lagu Barayo maanta fiiri intii Jeebka weyneyd ayaa Caruurtooda wax lagu Barayaa marka waa uun Khiyaano Ummada Soomaaliyeed laga galey waxaana Dowladda Soomaaliyeed aan leeyahay Taariikhdu waa ma Hadho ah yeysan .

Ismaaciil Farxaan waa Macalin wax ka Dhiga mid ka mid ah Dugsiyada Gobolka Banaadir isagoo ka hadlaya Mashuuca ay wadato Wasaarada Adeegga Guud ayaa yiri “Waxan Ogahay in oo la Qosheeyey in Dugsiyo ay Dowlaedu hore u lahayd oo Shaqsiyaad horey loo siiyey in lagu jilayo Mashruucaan si loo indha Sarcaadiyo Bulshada Soomaaliyeed,waxaana Ardeyda Dhigata Dugsiyadaas laga dhigayaa kuwa lagu bilaabayo Mashruuca la soo Dhoob Dhoobey ee Wasaarada haatan wadato marka waxaan leeyahay Cidda Hor Boodeysa Mashruucaas Ummada maanta jirta waa kuwa wax weliba og oo aan wax loo Qarin Karin.

Dugsiyadi Shaqsiyaadka la siiyey waxaa ka md ah Dusigii 21 Oktoobar , Dusigii Kaasa Balbalaare , Dugsigii 1-da Maajo , Dugsigii Cismaan Geedi Raage,Dugsigii Amiir Nuur ,Dugsigii Banaadir , Dugsigii Xamar , Dugsigii Raage Ugaas , Dugsigii Dhagax Tuur , Dugsigii Maxamuud Mire,Dugsigii Farsmada ee Polly Technico , Dugsigii sare ee Howlwadaag, Dugsigii Xamar Jadiid, Dugsigii Maxamuud Xarbi waxaa sooo Dugsiyo ah oo ay Dowladu leedahay ayaa haatann waxaa ku shaqeystaan Shaqsiyaad oo qaar laga dhigey Jaamacado iyo kuwa kale Burbursan kuwaa inta la wareegto ayey Hal Milyan wax lagu bari karaa iyo ka badan .

Aduunka marka la fiiriyo Dugsiyada Dowladu leedahay iyo kuwa Gaarka loo leeyahay waa kuwo isla siman hadii aad Tagtid Maamulka Soomaaliland Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dowladu leedahay waa kuwo isku Tiro ah , marka la fiiriyo Dunida Ardeyda wax ka barata Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa wax ka Barta Dugsiyada Dowladu leeyahay waxaa inta badan la Dhiira geliyaa ardeyda wax ku soo Baratey Dugsiyada Dowlada , waxaana Xaqiiqo ah hadii Dugsiyadaas Dowladu leedahay iyo Mashruucaan la isku Sar Goyn lahaa waxaa la dhihi karaa Dowladu waa ka Go,an tahay in Mashuurcaan uu Hirgalo marka waa Mashuurcaan aan lagu Bixi Talooyin fara badan iyo Daraasad Dheer lagu sameyn oo lab la Kac ku yimid

Guntii iyo Gunaadkii markii loo baxayey Ololihii Farta Soomaaliiga Ardeydii ka qayb gashey waxaa markii hore loo Diyaariyey Agabkii dadka wax lagu bari lahaa waxayna Dowladu soo saartey Sabuurad isku laabmeyso oo ay u dhan yihiin Agabkii kale ee Waxbarashada marka Dowladda gaar ahaan Wasaarada Adeega Guud Bulshada waxaa la dhihi kara arrinta Mashrucaan waa ay ku Deg degtey, marka waxaan u fadhinaa halka uu ku dambeeyo Mashruucaan Halka Milyan ee Caruur ah lagu siinayo Waxbarsho Lacag la’aan ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;