SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Shirkii 12-aad ee Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika oo ka furmay gobolka Minnesota

Waxaa Jimcadii (Sept 6, 2013) si rasmi ah uga furmay Masaajidka Abubakar As-Saddique Islamic Center ee magaalada Minneapolis, shirkii 12-aad ee golaha Imaamyada ee waqooyiga Ameerica.



Ugu horayntii waxaa lagu soo dhaweeyey Sh. Maxamed Idris oo kalmad kooban oo wacdi ah ka jeediyey, Sheikha oo ah lataliyaha Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisii "Waxaan aad ugu faraxsanahay inuu ilaahay golahaan intaan oo masaajid iyo maraakis isugu keenay. Waxaan kasoo bilawnay meel fog maantana waa 12 jirsaney. Marbuu majlisku fikrad keliya ahaa. Marna dhawr 3 iyo Afar ayuu xubnihiisu ahaa. Maantana 21 markas iyo ducaad 100 gaareysa ayaa shirka loogu talagalay. Waxaan dhihi karaa anoo soomaali ku dhex jira gudo iyo dibad, majliskanu ilaahay fadligiis wuxuu tusaale u yahay midnimada iyo isu geynta dadaalka muslimiinta, mana ogi soomali dhexdeeda tajruba midnimo iyo wax wadaaga oo intaas socotey, mirahaasna dhashay, ilaa maantana cid kusoo biirta mooyaane cidi kama bixin, taasina waa ilaahay fadligiis, waana inaan ilaahay ugu shukrino"

Shirka waxaa furay Sh. Axmed Nuur oo ah ku xigeenka Shuurada, iyo imaam ka Masaajidka Abubakar ee Seattle Washington, Sheikh Axmed ayaa ilaahay u mahad celiyey, mahadaa kadibna wuxuu soo dhaweeyey dhamaan xubnaha isu taga golaha imaamyada ee waqooyiga Maraykanka, Sheikh Axmed ayaa si gaar ah ugu mahad celiyey Sh. Maxamed Idris Axmed oo ka mid ah aasaasayaashii golaha Imaamyada, Sh. Axmed Nuur hadaladiisii waxaa ka mid ahaa. " Golahaan sida la sheegay wuxuu ku bilowday 4 masaajid maanta waad arkaysaan meesha uu marayo, Majliskan wuxuu muhiim u yahay dhamaan ummada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika, gaar ahaan Maraakista Islaamiga iyo ducaada, kuwaasoo ku howlan sidii ay Jaaliyaadan Soomaaliyeed ee wadamaad ku soo qaxay ay ugu kaalmayn lahaayeen sidii ay diintooda ugu dhaganaan lahaayeen, sidoo kale wali waxaan ku fakaraynaa sidii aan Majliska usii balaarin lahayn"

Intaa ka dib waxaa lagu soo dhaweeyey Sheikh Yusuf Abdulle oo ah xoghayaha golaha shuurada ee majliska, oo jeediyey warbixin ku saabsan wixii u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay, arimihii uu xusayna waxaa ka mid ahaa, habsami u socodka golaha shuurada iyo hubinta fulida dhamaan go'aamadii lagaaray sanadkii hore, iyo xalinta khilaafaadka maraakista iyo guud ahaan dacwada.

Sidoo kale waxaa goobta hadalo kazoo jeediyey shirkana maamulayey, gudoomiyaha golaha fulinta ee Majliska Sh. Abdullahi Nur (Abul fadli), “Go’aanadii lagaaray sanadkii lasoo dhaafay intoodii badnayd waa fulineen, qaar aan fulina waa jiraan, wax yaabihii u qabsoomay masliska waxaa ka mid ah, in masaajidii la dhisay loo aruuriyey dhaqaale, in muta’maraadkii sanawiga ahaa qabsoomeen, in Masaajido cusub lagu soo daray Majliska iyo in Masaajidada qaarkood imaamyo loo diray” Sidaa waxaa yiri Sh. Abul Fadli.

Galinkii danbe ee shirka ayaa lagu soo dhaweeyey marti sharaf ka socotay Masaajida xubnaha aan ka ahayn Majliska iyo dad acyaan ah, dhamaantoodna waxaa lagu sharfay inay dhagaystaan qaabkii lagu aas aasay Golahan balaaran, waxqabad kiisa iyo inay kalmado kasoo jeediyaan.

Taariikhda Golaha:

Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika waa dalad ay ku kulan sanyihiin 21 masaajid oo ku yaala Maraykan ka, dalada imaamyada Soomaaliyeed waxaa la aasay 2000.

Golaha isutaga Imaamyada ee waqooyiga Ameerika waa hay'ad aan faa'iido doon ahayn ama organization non for profit ah. Golaha Iimaamyada ee W/qooyiga Ameerika wuxuu hirgalay bilowgii sanadkii 2001 iyadoo ay hogaaminayaan culimmada Soomaaliyeed si ay u daboolaan baahida Diimeed iyo Dhaqameed ee mushtamaca ku cusub W/qooyiga Ameerika. Golaha Imaamyada ee W/qooyiga Ameerika waxaa hoos yimaada 21 Markis/Masaajid.



UJEEDOOYINKII LOO AAS AASAY GOLOHAAN WAXAA KA MID AH

1- Dhismayaasha Masaajida iyo Maraakista Islaamiga ah.
2-Midaynta Awooda Masaajida iyo Maraakista jaaliyada Soomaaliyeed
3-Xalinta qilaafaadka jaaliyada mid guud iyo mid ahba. sida Xalinta dhibaatooyinka qoysaska.
4-Ka jawaabida masaa isha diiniga ah (Fatawa).
5-Iclaaminta iyo sheegida soogalida iyo dhamaadka bisha ramadaan si loo ilaaliyo midnimada umada.
6-Diyaarinta ducaad {Culimo} si ay jaaliyada uga haqabtiraan baahida.
7-Wacyi galinta dhalinta da’da yar ee qurbaha,si looga ilaaliyo dhaqan xumada iwm.
8-Gaarsiinta Dacwada {Islamka} Dadyooga kale ee aanan muslimka ahayn.

MASAAJIDA IYO MARAAKISTA KU MIDAYSAN GOLAHA.

1- Abubar As-Saddique Islamic Center Minneapolis, Minnesota
2- Abubakr Islamic Center of Washington Seattle Washington
3-Ibnu Taymiah Mosque and Islamic Center Columbus, Ohio
4- Arahma Mosque Owatonna, Minnesota
5- Al-Taqwa Mosque Kansas, MOSUORI
6- Al-Sunnah Mosque Atlanta, Georgia
7- Al-ansar Mosque San Diego, California
8-Al-Rahma Mosque Phoenix, Arizona
9- Al-faruq Mosque and Islamic Center Nashville, Tennessee
10- Al-Huda Mosque Salt lake City, Utah
11- Al-Ihsan Islamic Center St. Paul, Minnesota
12-Omaha Islamic Center Omaha, Nebraska
13- Billaal Mosque Portland, Maine
14- Boston Islamic Center Boston, Massachusetts
15-Al- Irshad Islamic Center Eden prairie, Minnesota
16-Lewiston Islamic Center Lewiston, Maine
17-Daru-Salam Mosque, Burnsville, Minnesota
18-Barron Islamic Center, Barron, Wisconsin
19-Abu Hurairah Mosque, Columbus, Ohio
20-Billal Mosque and Muslim Community Center Louisville, KY
21- Rochester Islamic Center Rochester, Minnesota

Shirka ayaa sii socday Sabtidii.

Xasan Dhooye
Minneapolis, Minnesota
 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;