SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Safarkii Madaxweyne Xasan Shiikh ee Magaalada Marka oo lagu Tilmaamey Safar Daxiis

“Mar Hadii uu Ilaah iga soo Badbaadiyey waa Safar aan loo Laaban Doonin”

Cabdulaahi Shiikh Xasan “Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan leeyahay Dalka Ma Joogo Xiligii Tododbaatameeyadii”

Waxaa Dhawaan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose Booqdey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada waxaana intii uu sii Socdey Madaxweynaha uu la kulmey weero kaga yimid Xarakada Alshabaab kuwaa oo geystey Khasaaro kala Duwan oo soo gaarey qaar ka mid Ilaalladii Madaxweynanaha oo isugu Jirey Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom , waxaa weerarkaas Cambaareeyey Qaramada Midoobey iyo qaar kale oo ka mid ah Dowladdaha Adduunka

“Waa Safar aad u Dhib badnaa maalinkaas Marnaba isma oran Safarkaan ayaa ka Badbaadi doontaa Waa Ilaah Mahaddii, hase yeeshee Anigoo oo Tii hore igu taagan ayaa soo laabadkii waxaan hadana la kulaney Dhibaato tii igu Xumeyd mar baa is iri armaa Cagahaada wax ka Deydaa oo Gaariga ka Degtaa ,Maalinkii aan ka soo baxney Muqdisho Dadkii markii hore is Jecelaa ee Qosolka isku Tuur Tuurayey,Waxaa is leedahay waxaa lagu Balamay in aan qofna Qofka kale uusan la hadlin,Gawaarida wxaa lagu ka Xeynayey intii gasha sidoo kale Cid kaa Qabaneyso Taleefonka ma jirto oo Nin weliba waxaa uu ku jiraa tan mar uun I Dhaafi “ayuu yiri mid ka mid Ilaaladii hore u sii raacdey Madaxweynaha oo diidey in Magaciisa la sheego sababo Amaan Awadood waxaa uu sii raaciyey

“Waxay Dhagaheyga Maqlayeen Daryanka Hubka waaweyn oo labada Dhinac isku ridayeen waa maalin aan laga sheekeyn Karin waxa Wadada ka dhacayo waxay Neef weyn iiga soo Go’dey markii aan soo istaagney Magaalada Afgooye,Gawaarida oo tira badnaa ayaa waxay Xeyn Xeyn u soo galayeen Magaalada Afgooye ma jirto qof Qof Fiirinaya mid waliba waxaa uu ka fekeraa sidii uu ku tagi lahaa Magaalada Muqdisho waa Safar aan oo laaban doonin “ waxaa uu sii daba dhigey

“Waxay ahayd in Madaxweynaha uu Safarkiisa Dhulka uu dhameysto waa sii Socod iyo soo socod waayo Mucaaradka waxaa uu Dowladda ka helayaa dhibco oo waxaa la leeyahay Madaxweynahii Diyaarad baa lagu soo qaadey waxayna taasi Muujineysaa in Dowlada ay ku Fashilantey Amaankii Dalka waa arrin aan laga fekerin oo u baahneyd Talo in Madaxweynaha Diyaarad lagu qaado , aniga waxaan jeclaa in Madaxweynaha uu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho isagoo soo raacin Diyaarad sidoo kale waxay arrintaan Niyad jab u tahay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Aagaas iyo kuwa Amisom”

Gudoomiyaha isbaheysiga Nabadda iyo Dimoqraadiyada Cabdulaahi Shiikh Xasan oo wax laga weydiiyey Safarkii Madaxweynaha ee Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose waxaana uu yiri “Waa arrin aad la yaab leh in Madaxweynaha , Wasiirkiisii Gaashaandhiga , Arimaha Gudaha iyo Garsoor ay Safar Daxiis ah ku tagaan islamarkaana Qosol iyo Damaashaad Xeebta ku sameeyaan iyadoo Dalka uu haatan uu marayo Xaaladiisa meel adag , meel aan sidaa uga dheereyna Madaxweynaha lagu weeraro ” waxaa uu intaa ku darey

“ Waxaa sidoo kale la yaab leh in Wasiirka Arrimaha Gudha uu Safarkaas uu ku Tilmaamo mid ku soo Dhamaadey si Nabadgelyo ah , Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan leeyahay Dalka ma joogo Xiliyadii Todobaadtameeyadii , Shacabka hada jooga lama Qaldi karo, waa Ogyiihiin in Madaxweynaha Diyaarad looga soo qaadey Marka arrin Amaan darteed , Gawaaridii iyo dadkii kale ee uu ka soo tagey in mar labaad Jidka loo galey Cidana daah kama saaro marka Safarkaas waxaa uu ahaa Safar daxiis”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 6, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;