Aabbe Maxamed Sabdow Cali waxaa Haya Cudur ku Faafaya Jirkiisa wuxuuna u
Baahan yahay Cawinaad Daawo oo Dalka Dibadiisa ah.
Bukaanka Maxamed Sabdow Cali oo Dhawaan uu ka yimid Gobolka Shabeeladda Hoose
Muqdishana u yimid si uu u ogaado Cudurka Haya,ayaa waxaa Bukaanka Baaritaan
Caafimaad ku sameeyey Dhaqtarka Dr Yaasiiin Axmed Nuur oo ah Consultants
Physician kana Shaqeeya Isbitaalka Rajo ee Muqdisho waxaana uu sheegey Dhaqtarku
in Cudurkaan uu yahay Cudur ku faafa Jirka Qofka,oo haatan ka bilowdey Shafka
una sii Gudbaya Kilkiladda kaasoo uu sheegeyin uu keeni karta in Bukaanka uu
Khatar geliyo Nafsadiisa ama Cuuryaamiyo , Dr Yaasiin waxaa uu sheegey in
Cudurka haya Maxamed Sabdiow Cali uu yahay Cudur lagu Daaweyn karo Dalka
Dibadiisa oo uu sheegey in ay Taalo Dawadiisa weliba waxaa si Fudud lagu heli
karaa Dawadiisa ,

Sidoo kale Dr Yaasiin waxaa uu
sheegey in Qoyskiisa uu isna ka baqayo in uu Bukaanka u si Gudbiyo waayo waxaa
uu sheegey in ay Muuqanayaan Astaamaha Cudurkaas ee Qoyska qaar qaba sida uu
sheegey Bukaanka wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka
Dibadiisa iyo Gudahiisa ee wax Haysta in ay gacan siiyaan Bukaankaas oo ay
Nafsadiisa Badbaadiyaan maadaama si Fudud lagu Daweyn karo , islamarkaana waxaa
uu sheegey in Bukaanka uu yahay Qof aan waxba haysan oo aan iska bixin karin
Caafimaad Dibadeed
Wariye Amiin Yuusuf Khasaaro iyo Wariye Maxaxmed Deeq Barre (Fiyoore) mar ay ku
Booqdeen Guri uu si Ku meel gaar ah u degenaa Maxamed Sabdow Cali ayaa waxay
sheegeen in ay ka muuqanaysey Bukaanka Murugo iyo Walbahaar waayo waxaa uu ahaa
qof ka Walwalsan sida uu isaga Daaweyn lahaa Cudurkaas , waxaana wax ka
weydiiney Bukaan Waqtiga uu ku bilowdey Cudurkaan waxaana uu sheegey in mar hore
uu ka dareemey jirkiisa si Tartiib ah ugu Faafayey, isagoo sheegey in uu yahay
Aabbe caruur badan ay ka sugayaan Nolol waayo waxaa uu sheegey in uu yahay nin
Beeraley ah oo Beertiisa ugu Shaqeynayey Caruurtaas waxaan uu sii daba Dhigey
“Maanta waxan u baahanahy Caawinaad waayo waxaan hada Dareemayaa in haddii aan
la iga Daweyn Cudurkaan uu Khatar gelinayo irkeyga oo uu i Fariisinay, marka
waxaan ummadda Soomaaliyeed ee ku Nool Dibada iyo Cidkasta oo wax haysta in ay
ii Gargaaraan oo ay iga daaweyeen Cudurkaan”
Hadba Cidii Dooneysa in ay Caawintaa Bukaankaas kala soo Xiriir Bukaanka
Maxamed Sabdow Cali
Tel 00252615921410 Ama
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2013
|