SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xildhibaanadii Mooshinka ka keeney Xukuumada Ra'iisul Wasaare Shirdoon oo laga hor Istaagey Kulan Qaddo ah oo ay ku lahaayeen Hotel City Palace.

Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr “Is Hortaagaas waxay Dhaawaceysaa Hanaankii Qaranka Soomaaliyeed “

Xildhibaan kale ayaa yiri "Haddii Xildhibaanada Danta Ummada Soomaaliyeed ka shaqeynayaan Maanta Qaddo ma Cuneen."

Sabti, May 18, 2013: Markii Saacadu ahayd 12:30 Duhurnimo ayaa waxaan u Dhaqaaqney aniga iyo Koox Wariyayaal ah Hotelka City Palace halkaas oo ay ka dhaceysey Kulan Qaddo ah oo ay isugu Imaanayeen Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlanaamka kuwaas oo ahaa Xildhibaanadii Mooshinka ka keeney Xukuumadda Raiisul Wasaare Cabdi faarax Shirdoon Saacid , hase yeeshee intii aan u sii soconey Hotelka ayaa Wadooyinka gala Hotelka waxaan ku aragney Ciidamo fara badan kuwaas oo noo diidey in aan gudubney , balse Muran ka dib ayaa waxaa nala ku sii daayey Aqoonsigii aan wadaney ee Warayinimo.

Markii aan Hotelkii gaarney ayaa waxaa nagaley Dareen ah in aysan meesha u ekeyn in uu ka dhacayo wax kulan ah waxaana yaraa Dhaqdhaqaaqa Hotelka , waxaan iska faraiisaney meel Kuraas taaley, markii aan halkaa Muddo ku sugneyn , ayaa waxaa noo soo galey Laba Xildhibaan oo ay ka muuqato Caro aad u weyn , markiiba waan u yeerney waxaan weydiiney sida ay wax u jiraan , mid ka mid ah ayaa waxaa uu la soo boodey “Dowladii aan Dooraney oo Codka Kalsoonida siiney ayaa maanta naga joojisey Kulan aan halkaan ku lahayn”.

Markii ay Afkiisa ka soo yeerete Kulankii ayaa la joojiyey ayaan weydiiyey Ciida ka dambeyso Joojinta Kulankooda, waxaana uu yiri “Waa la yaqaan kuwa joojiyey waana wax aan aad uga Xumahay in sidaa ku dhaqanto Dowlad si Dumoqraadi ah loo soo doortey waxaana Xaqiiqo ah in lagu tuntay Dastuurkii dalka oo qoraya in Mawaadinka Soomaaliyeed uu si Xor u qabsan karo Kulamo iyo Banaanbaxyo aan wax u dhimeyn Amaanka dalka”

Mid ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka mid ahaa Xildhibaanada ka soo horjeedey Mooshinka, diideyna Magaciisa la sheego ayaa yiri mar aan kula kulmey Hotelka “Waxaan ka mid ahaa Xildhibaanadii sida aad ka uga soo horjeedey in Xildhigaan Mooshin ka dhan ah Xukumaada Raiisul Wasaaraha Saacid la keeno hadda waxaa idiin sheegayaa in aan taageersanahay Kooxdii Mooshinka keentey waayo Berina tan oo kale ayaa nagu dhici kara marka waxaa Habooneyd in Kulankaas aan la joojin “

Mid kale oo mid aha Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka laga keeney Xukuumada Saacid oo aan wax ka weydiiney sida uu u arko Is hortaaga lagu saameyey Kulankii ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada ayaa yiri “ waxaa ogaadey in Kulnakaasi uu ahaa mid aan jirin oo la doonayey in Sumacada Dowlada lagu Xumeeyo mida kale hadii uu jiro Kulankaas Xildhibaanada iska dhigaya in ay u adeegayaan Danta ummada Soomaaliyeed waxaa Dhab in Kulankaas uu ku baxaya Qadadiisa Hanti gaareysa intaa oo kun oo Doolar waayo imisa Qoys Soomaali ah oo maanta Baahan ayey wax u Tari lahayd Lacagtaas sida macnodarada ah loo bixinayo marka waa Xildhibaano eegaya dontooda Qura “

Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa yiri “Dhacdaan looga hor joogsadey in ay Kulan yeesheen waxay dhaawaceysaa Hanaankii Qaranka ku dhisnaa waana mid keeni karta in Baarlmaanka uu Waajibaadkisa uu Gudan waayo marka intii Sameysey is hortaagaas waan in Gudoonka Baarlmaanka uu talaabo ka qaado waayo waxaa la is hortaagey waa Shuruucdii dalka u degsanaa marka kuwa sidaa sameeyey way talo Xumaayeen”

Xildhibaanada Mooshinka ka keeney Xukuumada Raiisul Wasaare Shirdoon ayaa waxaan wax ka weydiiyey Sababta Xilgaan Mooshinka looga keeney Dowlad Jirtey Wax ka yar 7 Bilood waxayna qaarkood ku jawaabeeen “Amaankii oo faraha ka baxay, Ciidamada Dowladda oo wax Mushaar ah qaadan muddo Dheer , Sida loola dhaqamey Maxaabiis ku jirtey Xabsiyada Dowlada oo Meydadkoodii la soo dhigey Dariiqyada Muqdisho iyo sida ay Dowladda uga jawaabtey, Dhul Boob lagu hayo Hantidii Qaranka , wax ka qabasho la’aanta Magaalada Kismaanyo, Xirnaanshaha Wadooyinka Muqdisho ,soo qabqabashada dad aan waxba galabsan, Lacagihii Dowlada soo galey halka ay mareen iyo arrimo fara badan."

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;