SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Puntland oo ka digtay koox Xildhibaano ah oo wadda mooshin ka soo horjeeda Rai’sul Wasaaraha Dawladda Federaalka

Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa tibaaxay in ay jiraan "koox Xildhibaano ah oo wadda mooshin ka soo horjeeda Rai’sul Wasaaraha (Dawladda) Federaalka", islamarkaasna waxaa Puntland ka digaysaa "soo cusboonaysiinta isqabqabsiga siyaasadeed ee Hey’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya."

Waxaana warsaxaafadeedku intaas raaciyey"Dowladda Puntland ayaa aaminsan in dano gaar ahaaneed oo ku wajahan helida xafiis siyaaseed ay ka dambayso tallaabadan..." Hoos ka akhri warsaxaafadeedka oo dhamaystiran:

WAR SAXAAFADEED

12 May 2013

Dowladda Puntland ayaa si weyn uga digaysa soo cusboonaysiinta isqabqabsiga siyaasadeed ee Hey’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana jira koox Xildhibaano ah oo wadda mooshin ka soo horjeeda Rai’sul Wasaaraha Federaalka oo xilliga uu magacaaban yahay dhan yahay muddo 7-bilood ah, Dr. Cabdi Farax Shirdon (Saacid).

Iskudaygaan ayaa dhuminaya wakhti, dhaqaale, iyo dadaalkii wadajirka ahaa ee Soomaalida iyo Beesha Caalamka ay geliyeen in la dhiso Hey’daha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xilligii Dowladdii Federaalka ee KMG ahayd waxaa hareereeyey isqabqabsi siyaasadeed oo curyaamiyey awoodii Dowladdu ay ku fulin lahayd waajibaadkeedii, ayna u gaarsiin lahayd adeegga bulshada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dowladda Puntland ayaa aaminsan in dano gaar ahaaneed oo ku wajahan helida xafiis siyaaseed ay ka dambayso tallaabadan, waxayna Puntland ugu baaqaysaa Hey’adaha Federaalka Soomaaliya inay ku mashquulaan hirgelinta howlaha Qaran, sida maaraynta caqabadaha dhaqaale oo dalka gudahiisa ka jira, xal u helida faragelintii lagu sameeyey Dastuurka Federaalka, ka shaqaynta amniga, iyo taageeridda dhisida Maamullada Federaaliga ah ee dhiman.

--- DHAMAAD ---

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;