SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xarumaha lagu Sameeyo Kaararka Aqoonsiga (ID CARD) ee Muqdisho oo Maalmahaan Mashquul Noqdey

Iyadoo weli ay ka Xiran tahay Wadadda Makka Al Mukarama iyo Wadooyinka qaarkood Gawaarida Daabusha Dadweynaha ee loo yaqaan (BL-ka) loona Ogal yahay oo keliya in ay maraan Gawaarida yar yar oo ah kuwa raaxada kuwaas oo Waddada Makka Al Mukarama iyo Wadooyinka kale ay ku maraan Kaar Aqoonsi (ID CARD ) marka Ciidamada Dowladda weydliiyaan.

waxaad arkeysaa marka Ciidamada Kaar loo taago Durbadiiba waa ku sii deynayaan, weliba waxaa intaa Dheer in la akayo Dad aan meelna u shaqeyn hadana Wadada ku Gudbaya Kaar Aqoonsi,oo meel uu ka socdo aan la aqoon,

Si aan wax badan uga ogaado ayaa waxaan Todobaakaan Booqdey mid ka mid ah Goobha lagu sameeyey Kaararka Aqoonsiga ,mar aan Damcay in aan wax ka daabacdo Waraaqo ayaa Dadkii halkaas u furneyd waxay ii sheegeen in aysan waqti u hayn Daabacaada Waraaqaha.

Milkiilihii lahaa Xaruntaas ayaa u tagey waxaa weydiiyey sababta la iigu diidey in wax la ii Daabaco maanta waxaana uu si hoose iigu yiri” Saaxiib Maalmahaan Shaqo ayaa noo soo baxdey oo aan ka helney Faaiido fara badan marka Maadaama aad Macaamiisheena aad tahay waan kuu Daabaceynaa Warqadaahada ee Waxyar na sug , markiiba Kursi ii dhawaa ayaan Fariistey waxaana ku Mashquuley Shaqada Hakadka gelisey Dabaabcaadihii kale .waxayna Dhagaheyga ku soo Dhacayeen dad soo galaya oo Oronaya “Ma ii sameysey Kaararkii Aqoonsiga “

Markii aan ogaadey Howsha Dheeraadka ah ee halkaas ka socota ayaa waxaan weydiiyey Ninki lahaa Goobtaa Su’aal ahayd maxay tahay Faaiidada aad maalmahaan hesheen ? markiiba inta ii soo dhawaadeey ayuu yiri “waan kuu sheegayaa ee Magaceyga ha Xigan ?waxaan ku iri Magaacada ma Xiganayo ee si wanaagsan iiga Jawaab Su’aasha ? Markaas buu Su’aashii si Saraaxad leh iiga Jawaabey wuxuuna yiri ”Marka ugu horeysa Xirnaansha Wadada noogama Darin Soomaalida waxay Tiraahdaa “Qof Dhibkiis Qof kale ayey Faaiido u tahay” Walaal waxaan Sameynaa Kaararka Aqoonsiga ee lagu marayo wadooyinka .

Waxaan weydiiyey Kaararka Aqoonsiga waxay u baahan yihiin Dalab marka ma hesheen Dalabkaas “ waxaa uu ku Jawaabey “Haa Dalab fara badan ayaan helney oo ku aadan Sameynta Kaararka Aqoonsiga “ waxaan weydiiyey Halkee ayey idiinkaga yimaadaan Dalabkaas? Wuxuu ku jawaabey “ Saaxiib Waxaada waa Afkaaga kala Qaad ee aan Tiriyo Ilkahaaga “ Saaxiib ma waxaa rabtaa in aad I Xirto waaba kaa Shakiyee “ waxaan iri “Saaxiib sidaa ma ah ee Su’aasha iiga jawaab aniga Askari ma ihi ee waxaan ahay Wariye wax Qora” waxaa uu yiri hadaan kaaga jawaabayaa” Dalabka ugu badan waxay nooga yimaadaan Hayadaha Dowlada oo dhan, Hayadaha Samafalka, Dugsiyada, Jaamcadaha,iyo Shirkadaha

Waxaan weydiiyey Su’aal ahayd qofkii idiin yimaadaba ma u sameysaan? Waxaa uu ku Jawaabey “Haa qof kasta oo naga Dalbada Kaar Aqoonsi waan u sameynaa xitaa Shisheeye ha noqdo “ oo maxay idiin yiraahdaan “ haa marka ugu horeysa waxay na yiraahdaan ‘Saaxiib Aqoonsigaas ma sameyn kartaa” waxaan ugu Jawaabnaa “ Haa “ Kaar kasta waan sameynaa “ waxaan weydiiyey dadka ugu badan halkee ka yimaadaan ee aad u sameysaan Kaararka Aqoonsiga “ waxaa uu ku Jawaabey isagoo Qoslaya “ Soomaliya marka aad joogtid wax waliba waad ka heleysaa oo lacagtaada kuma Ciileyso “

Waxaan weydiiyey Maalinkii imisa Kaar Aqoonsi baad Sameysaan “ waxaa uu ku Jawaabey” Maalinkii marka ugu yar tahay waxaan Sameynaa ilaa laba Boqol oo Kaar “ waxaan sii daba dhigey Su’aal ahayd halkii Kaar Imisaa ku sameysaan” waxaa uu ku Jawaabey “ waxaan Halkii Kaar ku sameynaa 12 Doolar marka maamahaan faaiido fara badan ayaan helney “ waxaan weydiiyey Kaararaka aad Sameysaan ma keli keli mise Koox ayaad u sameysaan “ waxaa uu yiri “Qofkii Hal Kaar doonaya waan u sameynaa midkii doonayo Kaarar fara badan waan u sameynaa”

Waxaan weydiiyey Ma jiraan wax Sharuud oo aad ku xirtaan dadka aad u sameysaan Kaararka Aqoonsiga “ Shuruuduhu ma adka waxaan keliya ku xirnaa in uu la yimaado Sawir hase yeeshee mararka qaar Sawirka waan u sameynaa oo waa deg deg “ waxaan weydiiyey sow looma baahna in Shaabad lagu dhejiyo Kaarka Aqoonsiga? Waxaa yiri “ Waa Runtaa Kaarka waxaa u baahan yahay Shaabad lagu Dhifto marka taana waan heynaa oo waa noo Fududahay”

Ma waxaa heysaan Shaabada Madaxtooyada “ Saaxiib waxaagu waa aan ku xiro ee maad iga Dhaaftid Su’aashaas hada kama Jawaabi karee” Maya saaxiib horaa ku iri Magacaada iyo Xaruntaada ma soo xiganaya ee ii sheeg” isagoo indhaha ka Mirig Mirigsiinyo ayuu yiri “Waa Runtaa saaxiib meel naga caagan ma jirto dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa , Madaxtooyo ha Noqoto, Wasaarad ha noqoto , meel kastoo oo aad uga baahato Shaabadeeda waa naga heleysaa xitaa Waxaan Sameynaa Kaararka kuwa ay adag tahay in la Farsameeyo

Soomaaliya markii ay ka burburtey Dowladii hore waxay Dukumentiyadii Dowladda u gacan galeen Dadka Shacabka maanta Muqdisho kama waayeysid wax kasto la xiriira Staambooyinkii ay Dowlad ku shaqeyn jirtey ama Madaxtooyo ha la haato, ama Wasaarad ha la haato ama Dukumenti noocuu doon ha ahaado marka waxaas oo Dhan waxaa looga Gudbi karaa iyadoo la helo System isku Xiran oo lagu ogaan karo Kaarka Beenta ah ama kan Runta ah ,waxayna u baahan tahay Dadaal Dheeraad waxaana Xaqiiqo ah in Wasaaradaha qaar weli looga shaqeeyo Habkii Teebka ee Sanadihii Lixdameeyadii, waxaa ka sii yaab badan Qoraalada Wasaaradaha qaarkood waxa lagu soo daabacaa meel Banaanka ka ah Wasaaradaha way yar tahay Wasaarad laga helayo Qalab wax lagu Daabaco inta taasi jirto way adag tahay in aan gaarno maanta Aduunyada wax ku qaybsaneysa Habka (Digital Divide).

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;