SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Deeq isugu Jirta Qalab Waxbarasho iyo Caafimaad oo ay soo Dhiibeen Shacabka Mareykanka oo Hayadda SWDC ku Wareejisey Wasaaradda Adeega Bulshada

Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC) ayaa waxaa ka dhacdey Munaasabad ku saabsan Wareejin Deeg isugu Jirta Qalab Waxbarasho iyo Mid Caafimaad oo Hayadda ku Wareejineysey Wasaarada Adeega Bulshada ,waxaa Deeqdaan soo dhiibey Shacabka Mareykanka oo ay ugu talagaleen Ummadda Soomaaliyeed,waxaana Aruurinteeda ka qayb qaatey Hayadda SOMCARE oo inta badan ka shaqeysa u Gargaarida Ummada, waxayna deeqdaas ay soo Gaarsiisey hayadda SWDC.

Maryan Daqal Xuseen oo ah Xiriiriyaha Hayadda SWDC ayaa Deeqdaas waxay Gudoonsiisey Maxamed Cumar oo ah Agaasimaha Wasaaradda Adeega Bulshada Qaybteeda Haweenka iyo Caruurta, mar uu halkaas ka Hadley Agaasimaha waxaa uu ugu horeyntii u MahadceliyeyShacabka Mareykanka oo uu sheegey in ay Deeqdaan ay timid Xilli si weyn ay ugu baahan yihiin Caruurta Soomaaliyeed ,

Maxamed Cumar waxaa sidoo kale uu u Mahadceliyey Hayadaha SOMCARE iyo SWDC oo uu sheegey in ay yihiin Hayadu ay ka go’antahay sidii Shacabkooda waxa ugu qaban lahaayeen , isagoo kula dardaarmey in ay halkaas ka sii wadaan Deeqaha Noocaan oo kale ah oo ay sida aadka ah ugu baahan yihiin Bulshada Soomaaliyeed .

Maryan Daqal Xuseen oo iyana halkaas ka hadahey ayaa u Mahadcelisey Hayadda SOMCARE oo ay sheegtey in la’aanteed aysan Deeqdaas soo gaari la hayn Shacabka Soomaaliyeed , waxayna ku boorsisey in ay halkaas ka sii wado Howlaha ay Bulshada Soomaaliyeed ugu adeegayaan, sdoo kale waxay Masuuliyiintii ka socotey Wasaarada adeega Bulshada u soo jeedisey in ay Deeqdaas gaarsiiyaan Dadkii loogu tagalay

Deeqdaan oo ka koobneyd Qalab Waxbarasho iyo mid Caafimaad ayaa waxaa ka mid ahaa Buugaag, Qalmaan, Qalab kala duwan oo ay Caruurta ku Ciyaaraan oo dhamaantood ahaa Qalab Waxbarasho ,Dhinaca Qalabka Caafimaadka waxaa ka mid ahaa Daawooyin loogu talagaley dadka Dhaawaca ah, Kuwa Nafaqooyinka iyo Noocyo kala duwan oo lagu tacaalo Cudurada kala duwan ee Dalka ka jira

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;