SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Shirkii London: Timirtii Horeba Dab loo Waa !!

  • "..... waxaa Dalka Belgium lagu qabtey Xiligii uu Madaxweynaha ahaa Shiikh Shariif, Shir Soomaaliya Qaaraan loogu ururinayey oo lagu Yabooho lacag gaareysa 260 Milyan oo Doolar. Shiikh Shariif oo wax laga weydiiyey in Qaaraankaas uu hirgelay iyo in kale ayaa ku jawaabey “Waxaa gacanta Dowlada Qaaraankaas ka Soo gaarey 3 Milyan oo Doolar mana garan karo iyadoo Soomaaliya ku jirto Xili adag ay lacagtaa Dowladda heli weyso”....

Odey Dhaqameeed aan isbar Garaneyno ayaa markii uu Saakey Waagu baryey hadal hayanta ugu badana ay tahay Shirkii Magaalada London ayaa iska hor nimid waxaan weydiiyey sida uu arko Qaaraan loogu yaboohay Dowlada Soomaaliya ee Shirka London waxaana uu yiri “Saaxiib Weliga Qaaraan Tolkaada ma ka aruurisey” markaas baa iri maya weligeey Qaaraan kama aruurin waan maqli jirey” inta Qosley buu yiri” Shirka London Maandhow waxba kama Duwana Qaaraanka aad Maqli jirtey”markaas baan iri” Maxaa ku jaban waa Howl aad u sahlan” waxaa uu yri” Shirweyne Qaaraan lagu ururinayo Tolkaada isugu yeer adiga ayaa ogaan doono in uu ka Duwan yahay Kan London iyo in kale.wuxuuna ii Sharaxay sida Tolka Qaaraanka u ururiyo.

Inta uu Tolka fadhiyo nin weliba gacanta intuu taago ayuu Lacagtii yabooha ku dhawaaqaa halkii baa Faataxada lagu marayaa, markii uu dhamaado Liiska Magacyada Qaaraanka isku darka Lacagta la yaboohay ayaa halkii baa lagu kala dareeraa, maalin ama laba ka dib waxaa bilaabanaya aruurintii Qaaraanka oo markii hore si istus Tus ah la isugu Qorey Tusaale markii aad u tagto kii ugu Tunka weynaa waxaa uu ku leeyahay Beri ii soo laabo maanta wax ma hayo , markii aad maalin kale ku laabato waxaa uu ku leeyahay weli lacag ima soo gelin maalin kale ha la ii yimaado markii ay Kabaha kaa Dhamaadaan ayuu marka u dambeysa ku leeyahay Saaxiib intaan baa hayaa ee iga qaata , markii aad weydiiso war intaa kuuguma Qorneyn ee sidaa wax u jiraa buu kuugu soo koobayaa war maalmahan Shiid baa la ahaa ee intaa ma qaadaneysaan, Aniga Tolkaan Lacag kaala qaadayey ee meesha wax kale uma tagin Odeygii Qaaraanka ururinayey waxaa uu ku qasbanaanayaa in uu intii ka qaado , maxaa moodeysaa kuwii kale ee iyana liiska ku jirey ee sidaan oo kale loogu Dhibtoodey waxaa Xaqiiqo in markii Sadex Meelood lacagtii Qaaraanka loo qaybiya Xitaa ma soo Xaroon Hal meel ,marka Shirka London waa uun Qaraankaas Tolkaada ka aruuri lagu yiri .mar mar waa jirtaa in si deg deg loo ururiyo Qaaraanka Tolka waa markii Dano Beeleed ay jirto , sidaa darteed maanta ma jirto Dowlad Dano kaa leh waana mid aad u yar .

Nin baa hadda Kor Magaalo u soo safrey markaas ayaa waxaa dhacdey in markii uu laabanayey la siiyey Xoogaa Timir ah , halkii buu ka Caraabey waxa uu sii socdo waxaa ku degey reer , waxaa Derin loo dhigey Ardaaga hore halkii buu cabaar ku Nastey , markuu Cabaar fadhiyey ayaa reerkii uu martida u ahaa waxay u keenaan Timir aad buu u yaabey waayo ninku ma aqoon Timrta oo in sideeda loo Cunno oo ma garaneyn , inta ka jaf jaftey Buu yiri “TIMIRTII HOREBA DAB LOO WAA”.

 Hadalkaan ka soo yeerey Ninkaan wuxuu Noqdey Murti ma hadho ah,marka Shirka London waa Timirtii hore dab loo waa , waxaa Dalka Belgaum lagu qabtey Xiligii uu Madaxweynaha ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed Shir Soomaaliya Qaaraan loogu ururinayey oo Xiligaas ku jirtey Colaad, Abaar iyo Cuduro, waxaana Qaaraankas Gacan taagiisii hore uu noqdey in lagu Yabooho lacag gaareysa 260 Milyan oo Doolar ,waxaa dadka Soomaaliyeed isla dhexmareen in Soomaaliya markaan uu Caalamka u soo jeestey. Shiikh Shariif oo wax laga weydiiyey in Qaaraankaas uu hirgelay iyo in kale ayaa ku jawaabey “Waxaa gacanta Dowlada Qaaraankaas ka Soo gaarey 3 Milyan oo Doolar mana garan karo iyadoo Soomaaliya ku jirto Xili adag ay lacagtaa Dowladda heli weyso” marka waa Qaaraan Afka Baarkii ah.

Qaaraanka hadda Dowladda loogu yaboohay ee Shirka London waxaa uu la mid yahay mid aan ka duwaneyn kuwii ka horeeyey ama reer Galbeed balan qaadeen, ama Carab ha Balan qaadeen ama Afrikaan , marka waxaa la dhihi karaa waa Qowda Ma Qashii waxna ha u Qaban waayo Soomaaliya oo Xaaladda Hada ay ku jirto mid ka sii daran ku jirto ayaa waxa loo qaban waayey , waxaana wax ka weydiiyey Arrimaha Qaaraanka ee Beesha Caalama Siyaasi ku xeel dheer arrimahaas waxaana uu yiri” Waagii Dagaalkii Qaboobaa ee ay jireen Isbahaysiyada Dowladaha Caalamka Balan qaadkoodu wuxuu ahaa mid ku dhisan loolan loogu tartamayo sidii loo heli lahaa ama loo kasban lahaa Dalalka Caalamka , haddi taasi ay maanta jiri lahayd waa laga yaabaa in inta badan uu soo Xarooda Qaaraanka , marka maanta taasi meesha waa ka baxdey oo Cid la Isbahaysanayo ma jirto marka Qaarankii wuxuu ku soo ururey Afka Baarkii , waxaa laga yaabaa in Xoogaa ay soo Xarooto oo Sandareerto ah taas oo lagu bixinayao Siyaasada wax reer Galbeedka ugu yeereen La Dagaalanka Argagixisada,markii ay jirtey Dowladii Milatariga uuna jirey Dagaalkii Qaboobaa Dowladaas Kaalmada ay heli jirto waa Tartankii Xodxodashada is Garabeysiga waana mida ay ku heshey Mashaariic sida Wadooyin Isbitaalo , Qalabeyn Ciidan iyo Mashaariic Ciidaa ka badan ,Marka ninkii is lahow Lacag baa soo socota Candhuufta Dib u liq .

Isku soo duuboo Shirkii Londan waxaa lagu tilmaami karaa Qaraankii Tolka laga aruurinayey oo Aakhirkii ay soo Xarootey Lacag aad u yar markii ragii Tolka ugu Tunka weynaa ayey ka baxeen balantii ay qaadeen oo markii hore u jeedkiisu ahaa Tolka iska tiiri oo yeysan Dul duleelo kaa heli Ragga kale ee Tolka ku jira , waxaana maanta Ceeb ah adiga oo maanta Allla isku kaaga darey Beero, Xoolo,Bad iyo Macaadiin in Qaaraan laguu Ururiyo ayna kuugu Yaboohayaan kuwa aad kaa Liita oo aan haysan waxa Alle kuugu Maneystey oo welibana ay u sii dheer tahay Muslinimada .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;