SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Warsaxaafadeed: Shirka London oo furmay

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha DFS ayaa faahfaahin ka bixiyey shirka lonodn, hoos ka akhri:

Madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirka London sheegayna in Somaliya ay diyaar tahay

(London, UK 07 May 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Mudane David Cameron ayaa si wadajir ah u furay una wada hoggaaminaya shirka London.

Ra’iisul Wasaare David Cameron ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka baaxadda leh ee ay ka gaartay dhinacyo badan, sheegeyna inay weli jiraan caqabado farabadan oo u baahan in caalamku uu ka saacido Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad taariikhi ah ku furay shirka London oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 54 dal iyo hay’adaha caalamiga ah oo ay ku jireen Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaareyaal ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo doorkiisa saliimka ah ee uu markii labaad shir Soomaaliyeed ku qabto London labo sano gudahooda.

Madaxweynahu waxuu yiri “ Waxaa laga yaabaa in dadku is weydiiyo maxaa Soomaaliya waqtigan loo saacidayaa? Wallow ay jiraan horumar baaxad leh, haddana weli waxaa taagan caqabado fara badan oo u baahan in laga saacido shacabka Soomaaliyeed.” Madaxweynaha oo tusaale u soo qaaday geed yar oo uu ku tallaalay Madaxtooyada maalintii dhirta Soomaaliya 17kii April ayaa sheegay “In geedkaas yar uu u baahanyahay in la waraabiyo oo laga celiyo cayayaanka dili kara inta uu ka baxayo oo uu geed weyn ka noqonayo. Sidoo kale Soomaaliya waa geedkaas oo kale oo u baahan in si joogta ah looga warqabo inta uu ka xidideysanayo oo marka uu baxana ay dad badan ku raaxeysan doonaan, Soomaaliyana waa sidaas oo kale” ayuu madaxweynahu sheegay.

Madaxweynaha ayaa caalamka u sheegay “ In Dowladda uu hoggaaminayo ay tahay mid caalamku uu kalsooni ku qabi karo oo qorsheyaasha noo degsan ee dhanka amniga, garsoorka iyo dib-u-habeynta maaliyadda ay keeni karaan inay shacabka Soomaaliyeed ka saaraan dhibkii soo socday muddo 22 sano ah oo shacabku ay helayaan horumar iyo barwaaqo.”

--

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;