SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Qarax Ismiidaaminta ahaa oo la Doonayey in lagu Dilo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Booqdey halkii Qaraxu ka Dhacay

Xarakadda Al-Shabaab oo sheegatey Masuuliyada Qaraxaasi


Barqanimadii Axadda ayaa Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay waxaa lala Eegtay Gaari siday Wafddi Turki ah oo Kulan la soo qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya.Wararka ayaa sheegaya in Wafdiga markii uu ku soo laabtay Kulankii ay la yeesheey ayaa Gaari sida la sheegay Kaarib ahaa lala beegsaday gaarigii Wafdiga waday kaasoo isla goobtii ku qarxay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa markiiba waxaa ku dhimatay illaa toban qof oo u badnaa dad Rayid ah oo meesha marayay halka qaarkoodna ay ahaayeen Wadayaasha Gaadiidka B.L.ka ah iyo kirishbooyadooda oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn goobta uu Qaraxu ka dhacay.



Mid ka mid ah Sarakiisha Ciidamada Dawladda oo halkaa ka shaqaysa ayaa Saxaafadda u sheegay in Indhihiisu uu ku arkay illaa Sidddeed Dhimasha ah oo ay ku jireen Dad Ganacsi ku haystay halkaa iyo Haweneey Masaakiin ahayd oo halkaa ka tuugsanaysey.

Waxaa isaguna halkaa soo gaaray Guddoomiyaha Degmada hodan Dhabaneey oo mar uu Saxaafadda la hadlay sheegay in iminka ay ku hawlan yihiin daad gureeynta Dadka Dhaawaca ah iyo Asturidda kuwa halkaa ku Geeriyooday isla markaana uusan xiligaa bixin Karin Tira koob rasmi ah inta dhimashada iyo dhaawacu ay gaarayaan.

Guddoomiye Dhabaneey ayaa sheegay in Dawladdu ogtahay wax Shacabku aanu ogeyn markii dhawaan Waddooyinka la xirayna ay Shacabku ku qaylinayeen Maxaa Waddooyinka loo xiray isagoona sheegay in arrimahan iyo arrimo kale oo la filanayo ay lagaga hor tagayayay Xiritaanka Waddooyinkaas.



Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay in mar kale ay dhici karto dhacdo tanoo kale ah isla markaana ay la shaqeeyaan Ciidamada sidii looga hor tegi lahaa falalka kuwan oo kale ah. Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Madiina Duniyo Cali oo Saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in Isbitaalka la soo gaarsiiyay Illaa Labaatan qof oo seddax ka mid ah ay Geeryoodeen markii Isbitaalka la keenay.

Duniyo ayaa intaa ku dartay in in laba iyo Toban ka mid ahaa Bukaanada la soo gaarsiiyay Isbitaalka dib loo celiyay ka gadaal markii loo qabtay Adeeggii Caafimaad ee ay u baahnaayeen. Siddeed ka mid ah dadkii dhaawacooda la soo gaarsiiyay isbitaalka Madiina ayaa la dhigay halkaas oo iminka lagu baxnaaninayo.

Afhayeen u Hadlay Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegey in ay ka dambeeyeen qaraxaasi isagoo Tilmaamey in Ujeedada Qaraxa ay hayd in ay ku Naafeeyaan Wax uugu yeerey Caddowga Ilaaheey , waxaana uu intaa raaciyey in Muqdisho aysan jirin meel ka xiran ama ka caagan,waxaana uu sheegey in Howlgalada Noocaas oo kale ay sii wadi doonaan

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed oo booqday meesha uu Qaraxu ka dhacay ayaa hadal kooban oo uu jeediyay ku sheegay in dawladdu wax ka qaban doonto falalka Amnidarro ee Magaalada ku soo badanaya iyadoo gaariga Wasiirka oo ah Nooca Xabadu karin ay waxyeelo weyn ay ka soo gaartey Qaraxaasi,ayaa goor dambe laga qaadey Km4 oo ahayd halka Mashaqadu ka dhacdey Sidoo kale Qarax kale ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir halkaa oo la sheegey in uu Booqaanayey Madaxweynaha Dowladda Federaalka waxaana ku dhaawacmey Shan Aaskari oo ka mid ah Ciidamada Dowladda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.com

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;