SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Muqdisha oo Laga Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Madaxbanaanida Saxaafadda.

Munaasibad si heer sare ah loo soo Agaasimay laguna xusayay Maalinta Madaxbanaadida Saxaafadda Caalamiga ee 3-da May ayaa ka dhacday Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho. Munaasibaddan oo ay iska Kaashadeen Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo ARTICLE-19 waxaana ka soo qayb galyn Siyaasiin, Guddiga Baarlamaanka u Qaabilsan Warfaafinta iyo Qaybaha Warbaahinta ka hawl gasha Magaalada Muqdisho.

Furitaankii Munaasibadda ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somaliyeed Nusoj Maxamed Ibraahim Bakistan oo Hambalyo u diray dhamaan Saxafiyiinta Caalamka ku kala sugan isagoona u rajeeyay in Xuskaan Xuskiisa ay ku gaaraan Nabad iyo iyo Horumar.

Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa ka hadlay Taciyadda loo gaysto Saxafiyiinta Soomaaliyeed isagoona Sanadkii la soo dhaafay ku tilmaamay inuu ahaa Sanadkii ugu waxyeeleynta badneyd ee Saxafiyiinta ka hawl gasha Gudaha Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee Nusoj ayaa soo qaatay Saxafiyiinta qaarkood oo aan ilaalin Anshaxa Saxaafadda kuwaasoo uu sheegay in ay qoraan wax walba isagoona uga digay Saxafiyiintu in ay Qoraan ama sheegaan warar aan xaqiiqa ahay,



Patrick Mutahi oo ka socda Difaacayaasha Xuquuqda Saxafiyiinta Article 19 oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu maanta si weyn ugu faraxsan yahay Munaasiabadda inuu kala qayb galo Saxafiyiinta Soomaaliyeed isagoo ku sugan Magaalada Muqdisho.Mr Mutahi ayaa dhankiisa ka hadlay Dhibaatooyinka soo gaara Suxufiyiinta Soomaaliyed isagoona Xusay Sanadkan oo keliya in ay Geeryoodeen illaa afar Saxafi kuwaas oo hawlahooda gudanayay.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Maareeyihii hore ee Tiyaatarkii Qaranka Xildhibaan Cabdi Xaashi oo iminka ah Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Barlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay Nidaamka Saxafinimada iyo Asluubta wanaagsan ee looga baahan yahay Saxafiga Soomaaliyeed isagoona ku taliyay in shaqada iyo Waddaninimada la isku lifaaqo.

Ugu dambayntii ayaa isaguna waxaa halkaa ka hadlay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Is gaarsiinka Cabdishakuur Cali Mire oo ka hadlay Xiriirka Wasaaradda iyo Wariyayaasha Madaxbanaan isagoon hoosta ka xarriiqay inuu soo dhaweynayo sidii wada shaqayn dhab ah ay u wada yeelan lahaayeen Wasaaradda iyo Warbaahinta Madaxabanaan.



Wasiir ku xigeenka ayaa soo jeediyay Dhaliilaha uu Saxaafadda Soomaalida u hayo isagoo dhankoodana qaatay Dhaliilaha ay Warbaahinta Madaxabanaan u hayso. Gabagabadii Xafladda ayaa isaguna waxaa ka hadlay Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan Guddiga Xuquul Insaanka Baarlamaanka. Xildhibaan Xoosh ayaa Xusay in dadaal badan ay u galayaan sidii ay u soo celin lahaayeen Xuquuqda Saxafiyiinta Soomaaliyeed ka maqan isagoo dhankooda Saxafiyiinta Soomaalida ka codsaday in ay fuliyaan Waajibaadka looga baahan yahay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;