Bayaankii Culimmadu kasoo saartay Nadwadii ka socotay Masjid Rowda
Waxaa caawa oo taariikhdu tahay 08/03/2013 kusoo gabagaboobay Masaajidka
Rowda ee magaalada Boosaaso ee Puntland, Nadwo cilmiyeed socotay afar habeen,
cinwaan keeduna ahaa “ Iska jira Xadgudubka” (quliwiga) Nadwadaas ayaa ka
hadlaysay Xadgudubka fahamka diinta iyo noocyadiisa, sida; muuqaaladiisa,
sababihiisa, raadkiisa iyo daawadiisa. Waxaa ka qayb qaatay culimmo kala duwan,
waxaana aad looga digay, lana cadeeyey xadgudubka Kooxda Shabaab, kaasoo gaaray
meeshii ugu fool xumayd oo ah inay ku dhiiradaan weerarida Masaajida, iyo laynta
dadka tukanaya, taasoo ay ugu danbaysay dilkii caalimkii Soomaaliyeed Sh.
C/qaadir Nuur Faarax lagu dhex toogtay masaajidka Bader salaada dhexdeeda.
Nadwadan oo qayb ka ah olole dacwadeed oo socon doona sadex billood, ayna soo
qaban qaabisay mu’asasada Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta, lagagana digayo
waxyaabaha lagu halaagsamo. Ayaa gabagabadii Nadwada waxaa Culimmadii ka qayb
gashay soo saareen bayaankan;
1- Waxaan ummada ugu baaqaynaa qabsashada Kitaabka iyo Sunnada Nabiga (scw) iyo
faafinta iyo difaaca manhajka saxda ah, maxaa yeelay iyagaa xadgudubka ka
noqonaya gabaad adag, sidoo kale waxaan ku baaqaynaa faafinta fiqiga
sahlanaanta, ee tilmaanta u ah diinta Islaamka. Iyo kadigida shubhooyinka kuwa
xadgubay ay bulshada ku dhex faafinayaan, iyo barashada manhajka firqooyinka
dhumay si looga digtoonaado in xiraaf kooda.
2- Waxaan ummada ugu baaqaynaa inay fahamto khatarta uu leeyahay xadgudubka ay
wado kooxda Al-Shabaab, iyo inaan la isku khaldin shareecadii reebtay
xadgudubka, lana dagaalantay iyo xadgudbkii la reebay laftigiisii. Isla mar
ahaantaana waxaan ka digaynaa ka hortaga xadgubka in loo adeegsado la dagaalanka
Dacwada, ducaada iyo Diinta Islaamka.
3- Waxaan ku baaqaynaa in cilmiga laga qaato culimmada ehelka u ah, sida
illaahay qur’aankiisa ku sheegay, Waydiiya kuwa cilmiga leh hadii aydnaan idinku
cilmi lahayn, "فاسئلوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون" waxaana ku baaqaynaa in laga
digtoonaado kuwa isu ekaysiinaya culimmada ee illaahay iyo rasuulkiisa ku been
abuuranaya iyo goobaha ay fikirka xadgudubka ku faafiyaan, sida; warbaahintooda,
qoraaladooda iyo fataawooyinkooda.
4- Waxaan ugu baaqaynaaa maamulada waddanka ka jira inay gutaan masuuliyada ka
saaran ilaalinta ummada iyo amnigeeda, sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in la
adkeeyo midnimmada iyo isku xirnaanta waaltinimo ee bulshada. Waxaan kaloo ku
baaqaynaa in dhamaan qaybaha bulsha ee kala duwan ay kawada qayb qaataan sidii
looga hortagi lahaa khatarta halista ah ee kooxda Shabaab, iyadoo la adeeg
sanayo wado kasta oo suura gal ah Shareecadana ku banana.
5- Waxaan ku baaqaynaa in la daaweeyo sababaha xadgudubka keenaya, siyaasad
ahaan, mushtamac ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Iyo sidoo kale in la dhidbo nidaam
cadaaladeed oo ku qotoma shareecada Islaamka, bulshaduna u simantahay, maxaa
yeelay cadaaladu waa saldhiga dowladnimmada iyo daganaanshaha.
6- Waxaan ugu baaqaynaa madaxdda Al-shabaab iyo xubnahooda inay illaahay u soo
noqdaan, kana waan toobaan gaalaysiinta muslimiinta iyo daadinta dhiigooda, iyo
inay dib ugu soo noqdaan Sunnada Nabiga (scw) iyo ummaddooda ay ka baxeen.
7- Waxaan ugu baaqaynaa Maamulada, Isimmada, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan
inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan, magangalinta, iyo nolol usamaynta
dhalinyarada kasoo baxa fitnada Shabaab, una toobad keena illaahay, una soo
noqda Sunnada Nabiga (scw) iyo ummadoodii fikirka takfiirku ka dhexsaaray,
hubkana ugu dhiibay.
Culummada ku Saxiixan Bayaanka
1- Sh. Daahir Aw Cabdi
2- Sh. Axmed Daahir
3- Sh. Xasan Xuseen
4- Sh. Maxamed Macalin Axmed
5- Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari
6- Sh. Axmed Cabdisamad
7- Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu Xasaan)
8- Sh. Cabqani Qorane
9- Sh. Xasan Dhooye
10-Sh. Maxamed Maxamud Ciise
11-Sh. Axmed Faarax Garaase
12-Sh. Maxamed Faahiye Ciise
13-Sh. Abdiraxmaan Aw-ciise Muuse
14-Sh. Cismaan Maxamud Xaajid Dirir
15-Sh. Faarax Maxamed Cajab
iyo Culimo kaloo badan
Faafin: SomaliTalk.com | March 8, 2013
|