Wafdigii uu hogaaminayay Ra'iisal Wasaaraha oo maanta gaaray degmada
Caabudwaaq, si weyna loogu soo dhoweeyey
Caabudwaaq, March 05,2013-----Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka
Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu
hogaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka
Mudane Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Wasiir
kuxigeeno, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Caabudwaaq ee
gobolka Galgaduud.
Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha oo saaka safarka dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay
magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa markii ay magaalada soo gaareen si weyn loogu
soo dhoweeyey Barxadda Saldhigga degmada halkaasoo ay isugu soo banaanbaxeen
kumanaankun oo dadweynaha magaalada iyo hareeraheeda. Iyaga oo ku dhawaaqayay
erayo ay ka mid yihiin (Soo dhowaada Jaalayaal).
Ra'iisal Wasaaraha oo dadweynaha la hadlay ayaa aad ugu ammaanay sida ay isu xil
qaameen shacabka reer Caabudwaaq, una soo dhoweeyeen wafdiga dowladda ee u
kuurgalaya xaaladda gobolada dalka, gaar ahaana gobolada dhexe.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa yiri "Dowladda Soomaaliyeed kuma eka Muqdisho oo kaliya,
waxayna u kuurgaleysaa dhamaamba xaaladda gobolada dalka Soomaaliyeed, waana sii
wadeynaa kormeerkan" ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha oo xusay in soo dhoweyntan ay
tusineyso sida shacabka Caabudwaaq u taageersan yihiin dowladdooda.
"Waxaan idiin cadeynayaa in kaalinta dowladda aad ku leedihiin aanu diyaar
idiinla nahay, adinkana waxaan idinka sugeynaa kaalinta ay dowladdu idinku
leedahay inaad dhameystirtaan" ayuu mar kale yiri Ra'iisal Wasaaraha oo uga
mahadceliyay dadka degmada sida ay isaga difaaceen kooxaha nabadiidka ah.
Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada ayaa kula dardaarmay shacabka reer Caabudwaaq inay
nabadda iyo is dhexgalka ka shaqeeyaan, wuxuuna si gaar ah ugula dardaarmay inay
nabad kula noolaadaan degmooyinka iyo gobolada deriska la ah. taasoo buu yiri
keeni karta nabada oo horumarta.
Ra'iisal Wasaaraha ayaa u balan qaaday in dowladdu ku taageeri doonto degmada
iyo gobolkaba sidii ay u yagleeli lahaayeen maamul gobol oo ku waafaqsan
Dastuurka.
Ugu dambeyntiina Ra''iisal Wasaaraha ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka, iyo
kan degmada, odayaasha dhaqanka, haweenka, ardayda iyo dhamaan bulshada degmada,
wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada AMISOM, gaar ahaana kuwa Walaalaha
Jabuuti oo qeyb libaaxleh ka qaatay sugidda amniga gobolada Hiiraan iyo
Galgaduud.
--
Garad Salad Hersi
Press officer
Cabudwaq, Galgadud
Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2013
|