Dr. Jamaal Barrow Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo
iskaashiga caalamiga oo la dardaarmay 20 Diblomaasi oo Soomaali oo tababar u
jooga South Africa .
Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Pretoria ee caasimadda
South Africa ayaa maanta si rasmi ah loogu wadaa in loogu furo tababar
diblomaasi heerkiisu sareeyo , kaasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee South
Africa ay ugu deeqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee
Soomaaliya.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr.
Jamaal Maxamed Barrow ayaa kula kulmay diblomaasiyiintaasi Protea Hotel Hatfield
ee Magaalada Pretoria kadib socdaal dalxiis ah oo diblomaasiyiintaasi ay ku soo
kala bixiyeen deegaanka Pilanesburg gaar ahaan Sun city iyo Manyane Resort ,
waxaana uu kula dardaarmay inay ka faa’ideystaan tababarka , si ay ugu
saldhigaan istiraatiijiyadda iyo qorshaha ay ku shaqeyn doonto Wasaaradda
Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudada afarta sano ee soo aadan.
Dr. Jamaal Barrow Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa muujiyay baahida xilligan
loo qabo sare u qaadida aqoonta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed , si loo helo jiil
ambaqaadi kara shaqada ,horumarna ka sameyn kara howlaha baaxadda leh ee
Wasaaraddu ay hiigsaneyso.
Diblomaasiyiintani oo tababar muddo 30 cisho ah maanta uga furmaya wadanka South
Africa oo tiradooda ay gaareyso 20 ruux ayaa waxa ay si niyadsami ah u soo
dhoweeyeen dhiiragelinta ay ka heleen Wasiir Jamaal Barrow iyo Wasiirada kale ee
Wasaaradda , waxa ayna balan-qaadeen inay ka soo dhalaali doonaan howlaha loo
igmaday, tixgelin gaar ahna ay siin doonaan tilmaamaha iyo fariimaha wanaajinaya
muuqaalka siyaasadda dibadda, si sare loogu qaado magaca iyo sumcadda qaranka
iyo shacabka Soomaaliyeed .
Isha warka: PPR
info@mofa.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | March 5, 2013
|