| 
 
Warsaxaafadeed Wadahadalada Kismaayo iyo Ra''iisal Wasaaraha oo kormeeray 
Dekedda Kismaayo iyo xarunta ciidamada Xoogga dalka
 Kismaayo, March 28,2013------Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane 
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa caawa shir jaraa'id ugu qabtay warbaahinta hotelka 
Tawakal oo ay degan yihiin wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo Ra'iisal 
Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
 
 Wasiirka ayaa aqriyay warkooban oo ay Xukuumadu soo saartay, waxaana uu u qornaa 
sidatan:-
 
Halkan ka 
dhegeyso codka Shirka Jaraa'id
 Ugu horeyn, Wafdiga balaaran ee dawladu waxay ka mahad celinayaa sidii diiranayd 
ee naloogu soo dhaweeyay magaalda Kismaayo.
 
 
  Waxaan 
sidoo kale u mahadcelinaynaa ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee xoreeyay 
deegaankan, waxaan si gaara ugu mahad celinaynaa walaalaheena Kenya hawsha 
ciidan ee ay deegaankan ka hayaan. 
 Booqashadani waxay la xiriirtaa booqashooyinkii ay dawladdu ku maraysay gobolada 
iyo degmooyinka dalka. Waana midii ugu dheerayd ee dawladu gasho mudaddii ay 
jirtay, taasina waxay muujinaysaa ahmiyda ay dawladu siinayso arrimaha la 
xiriira Maamulka , dib-u heshiisiinta bulshada iyo sugida amniga.
 
 Ujeedda booqashadaani waxay ahayd, u kuurgalida xaalada deegaanka gaar ahaan 
mida Maamul,dhaqaale u guurgalida nolosha shacbiga iyo mida siyaasadeedba.
 
 Waxaa wafdigu u suurto gashay inay dhagaystaan dareenka shacabka deegaanka, ayna 
gaarsiiyaan fariinta rasmigaa ee dawladda ee dhanka maamulka iyo arrimaha 
ba’nii’aadanimada.
 
 Kadib, Markii wafdigu soo gaaray magaalda Kismaayo.
 
 Waxaa wafdigu wada hadalo mudo dheer qaatay lagalay, masuuliyiinta deegaanka 
sidii laysula meel-dhigi laahaa aayatiinka siyaasadeed ee deegaanka.
 
 Waxaana yeelanay wada hadalo ay daadihinayeen guddi farsamo oo labada dhinac ka 
kooban.
 
 Ayadoo wax badan laga wada hadlay, ayaa hadana waxaa yimid qodobo Dastuuri ah oo 
aan la dhaafi karin, waxaana rajo ka qabnaa in qodobadaas aan xal u heli doono 
mustaqbalka dhaw.
 
 Dawladu iintii ay tanaasuli kartay waa ay tanaasushay, waxaana masuuliyad dheeri 
dawlada ka saaran yahay sareynta dastuurka qaranka.
 
 Waxayna had iyo jeer dawladu diyaar u tahay in wada hadaladu sii socdaan illaa 
xal rasmi ah loo helo arrimaha deegaankan.
 
Ugu danbayn, dawladdu waxay soo saari doontaa xog rasmi ah oo la xiriirta 
arrimaha deegaanka.  
Halkan ka 
dhegeyso codka Shirka Jaraa'id
 --
 Ra''iisal Wasaaraha oo kormeeray Dekedda Kismaayo iyo xarunta ciidamada 
Xoogga dalka
 
 Kismaayo, March 28,2013------Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya 
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka kormeeray Dekedda magaalada 
Kismaayo iyo xarunta qeybta labaad ee ciidanka Xoogga Dalka.
 
 
 Ra'iisal Wasaaraha oo ugu horeyntii booqday Dekedda magaalada ayaa u kuurgalay 
qaabka maamul iyo midka howleed ee Dekedda, isaga oo ku soo wareegay qeybaha 
Dekedda oo ay xilligaasi ka soconeysay dejinta badeecado iyo qalab kala duwan.
 Booqashada ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Gaashandhigga Mudane Cabdixakiin 
Maxamud Xaaji Fiqi iyo Guddoomiyaha maamulka kumeel gaarka Axmed Maxamed Suldaan 
(Axmed Madoobe). Waxayna maamulka Dekeddu uga warbixiyeen qaabka maamul iyo 
shaqo ee Dekedda.
 
 Ra'iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday xaruntii hore ee Shirkole, oo ah 
taliska qeybta labaad ee ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna la kulmay saraakiisha 
ciidamada xoogga oo uga waramay qaabka ciidamadu uga howlgalaan gobolkan Jubbada 
Hoose.
 
 
 Ra'iisal Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidamada uga mahadceliyay halgankoodii 
dheeraa ee xoreynta gobolka, wuxuuna ka dalbaday inay ka sifeeyeen kooxaha 
nabadiidka ah dhamaan deegaanada ay wwali haystaan Al-shaab.
 
 "Dawladda iyo shacbiga Soomaaliyeed marnaba idinkama abaal dhicidoonaan, sida 
aad dhiigiina ugu hurteen difaaca dalka," ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha oo fursad 
weyn ku tilmaamay qaadista xayiraada hubka ee Soomaaliya, taasoo buu yiri 
suurtagelineysa in ciidamadu helaan hub iyo qalab ciidan.
 
 Kormeerka Ra'iisal Wasaaraha ayaa qeyb ka ah u kuurgalida xaaladdaha magaalada 
ee dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.
 
 
 
 --
 Garad Salad Hersi
 Press officer
 Kismayo, Somalia
 
Faafin: SomaliTalk.com | March 29, 2013
 |