Wasirka Arrimaha Gudaha oo faah faahin kooban ka bixiyay kulamadii maanta ee
dowladda iyo maamulka Kismaayo
Kismaayo, March 27,2013------Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane
C/kariin Xuseen Guuleed oo galabta shir shir jaraa'id u qabtay bahda warbaahinta
magaalada Kismaayo ayaa faah faahin kooban ka bixiyay kulamo ay saacadihii ugu
dambeeyey la qaateen qeybaha kala duwan ee magaalada, gaar ahaana maamulka
magaalada, odayaasha, iyo waxgaradkaba.
Wasiirka ayaa tilmaamay in kulan ay maanta wada yeesheen guddiyo matalaya
dowladda iyo maamulka Kismaayo oo soconayay saacado lagu gorfeeyey qodobo ay ka
mid ahaayeen sidii maamul rasmi ah loogu dhisi lahaa jubbooyinka, dhaqangelinta
Nidaamka Federaalka, iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, gaar ahaana dakhliga ka soo
xarooda Dekedda iyo Garoonka, iyo qodobo kale, waxaana Wasiirku uu sheegay in
natiijada rasmiga ah ay warbaahinta u sheegi doonaan marka ay soo dhamaadaan
kulamadan.
Guddiyada matalaya labada dhinac ayaa waxaa kala hogaaminaya Wasiirka Arrimaha
Gudaha iyo Amniga Mudane C/kariin, halka dhanka maamulka Kismaayo uu hogaaminayo
Macalin Maxamed.
Wasiirka ayaa dhanka kale, xusay in ay jirto ifafaalo wanaagsan oo ku aadan in
wadahadaladani ay ku soo dhamaadaan is faham. wuxuuna shacabka ka codsaday inay
taageeraan go'aanada la gaaro.
--
Garad Salad Hersi
Press officer
Kismayo, Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2013
|