"U Dulqaadan mayno Askari Asluub daran, ma aqbali doono kufsi iyo shacabka
in la dhibaateeyo" Madaxweynaha DFS
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa
tibaaxay in Shiikh Xasan oo booqasho ku tagay Xarumaha Ciidanka Xoogga
Dalka ee Gobolka Banaadir, lana hadlayey ciidamada in ayaa yiri “U Dulqaadan
mayno Askari Asluub daran, ma aqbali doono kufsi iyo shacabka in la dhibaateeyo.
Cidina kama sareyso Sharciga. Askarigii Dambi galena Maxkamad ayaa lasoo
taagayaa, waxaana lala keenayaa Sarkaalkiisa”.
Warsaxaafadedka oo dhamaaystiran hoos ka akhri..
Madaxweynaha oo booqday lana dardaarmay Ciidanka Xoogga Dalka
JS/XM/DOC/620/13
(Muqdisho, Soomaaliya March,24, 2013)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Mudane Xasan Shiikh ayaa kormeer guud ku
tagay Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Wasaaradda
Gaashaandhiga iyo Xarunta Taliska Xoogga Dalka ee Villa Baydhabo.
Madaxweynaha oo kormeerkiisa Gobolka Banaadir ku aadan maanta ayaa soo indha
indheeyey xaaladda guud ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Halkaas oo uu
kula kulmay Saraakiisha iyo qaar ka mid ah ciidanka xoogga Dalka.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa mar uu la hadlayey Ciidanka Xoogga Dalka kula
dardaarmay inay dhowraan sadexda wax ee ay ku dhaartaan oo ah Dalka, Diinta iyo
Dadka.
Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey in Ciidanku uu dhowro Asluubta iyo Anshaxa
Xoogga Dalka wuxuuna sheegay in Ahmiyadda koowaad ee dowladdu ay tahay Amniga
dalka lagana doonayo Ciidanka Xoogga inay keenaan.
“U Dulqaadan mayno Askari Asluub daran, ma aqbali doono kufsi iyo shacabka in la
dhibaateeyo. Cidina kama sareyso Sharciga. Askarigii Dambi galena Maxkamad ayaa
lasoo taagayaa, waxaana lala keenayaa Sarkaalkiisa”
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan dowladi jiri Karin Amni la’aan,
“Waana inaan si wadajir ah oo iskuduubni leh u difaacnaa Dalkeena, kana caabinna
Cadowga gudaha iyo Dibadaba”
“Isbedelka Ciidankeena waad garan kartaan, Shalay maanta ayaan ka fiicanahay,
Berrina Guul waarta ayaan gaareynaa Insha Allah”
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2013
|