- Golaha Wasiirada DFS oo ka dooday qorshe ku aadan dib u soo celinta
hantida dowladda, gaar ahaan Warshaddihii dalka
- Soomaaliya oo dooneysa in ay xubin ka noqoto Gudiga u Qaabilsan Xuquuqul
Insaanka ee Qaramda Midoobay
War Saxafadeed Shirkii Golaha Wasiirada Golaha Wasiirada oo shirkoodii maanta
ka dooday qodobo dhowr ah
Khamiis, March 21, 2013----Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo
looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen qorshe loogu magac daray “The
New Deal”, Arrimaha Amniga, iyo soo celinta hantidii dowladda gaar ahaana
Warshaddihii dalka.
Wasiirka
Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciilmooge
Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in ugu horeyn golaha Wasiiradu warbixin ka
dhegeysteen guddigii loo xilsaaray inay keenaan faah faahinta dilalkii
todobaadkii hore ka dhacay Muqdisho kaasoo lagu dilay dhalinyaro, waxaana
arrintan ka warbixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka mid ah guddigii loo xil
saaray dhacdadaas.
Wasiirka ayaa sheegay in warbixinta guddiga kadib, ay Goluhu isla qaateen in dib
loogu dhigo kulanka dambe ee golaha, si go’aan looga gaaro. Wasiirka
Warfaafinta, ayaa sidoo kale faah faahiyay warbixin golaha Wasiirada ay ka
dhegeysteen khubaro ku xeel dheer barmaamijka loogu magac daray “The New Deal”,
kaas oo ah qorshe ballaaran oo ay dhaqangelinayaan dalalka deeqaha bixiya isla
markaana dalalka deeqaha la siiyo ay ku dalbanayaan baahidooda gargaar, si looga
taageero.
Qorshahan ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta in golaha wasiiradu ay soo
dhoweeyeen, ayna isla garteen in hay’addaha kala duwan ee dowladdu ku dhaqmaan.
Si loo helo taageero ka tarjumeysa baahida shacabka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in golaha Wasiirada ay ka doodeen qorshe ku
aadan dib u soo celinta hantida dowladda, gaar ahaana Warshaddihii dalka,
wuxuuna xusay in ay isla garteen in la magacaabo Guddi Qaran oo ku magacaaban
Dikreeto madaxweyne, isla markaana leh awood ay ku fuliyaan howlahooda. Taasoo
sahleysa in si dhameystiran dowladdu u hesho goobihii, iyo qalabkii Warshaddaha
dalka.
Ugu dambeyntiina, Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Golaha Wasiiradu ka hadleen
codsiyo ay soo jeediyeen dad Soomaali ah kuwaasoo doonaya inay helaan Jinsiyadda
Soomaaliga iyo weliba Baasaboor, maadaama aabayaashooda ay Talyaani ahaayeen
hooyooyinkoodana Soomaali, wuxuuna xusay in dib loogu dhigay inta laga meel
marinayo sharciga Jinsiyaddaha, kadibna laga gaari doono go’aan.Soomaaliya.
---Dhamaan---
Garad Salad Hersi
Press officer
Soomaaliya ayaa u tartameyso in ay ka mid noqoto Gudiga Xaquuqul insaanka ee
Qaramada Midoobay
WAR SAXAAFADEED
Muqdisho 21 Maarso 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan ku saabsan Xuquuqda Aadanaha la yeeshay Khabiir
ka socda Qaramada Midoobay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kusoo dhoweeyey xaruntiisa Villa Soomaaliya khabiir
ka Madaxabanaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya
mudane Shamsul Baari.
Kulankan muhiimka ah ayaa Madaxweynaha iyo Khabiirku ay saxaafadda u jeediyeen
shir jaraa’id oo wadajir ah.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii ku bilaabay hadalkiisa Tacsi uu u diray Ehelkii
iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen muwadiniintii ku geeriyooday qaraxii maalin
hore ka dhacay magaaladda Muqdisho. Kadibna wuxuu ka hadlay arimaha ku aadan
xuquuqul insaanka.
“Soomaaliya waxey dooneysaa in ay xubin ka noqoto Gudiga u Qaabilsan Xuquuqul
Insaanka ee Qaramda Midoobay. Waana in aan ka noqono hormuud dhinaca Xuquuqul
Insaanka. Sidoo kalena aan waafajino wax walba oo aan qabaneyno.”
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in uu dib u habeyn ku sameeyo,
dowladda qeybaheeda kala duwan oo ay ka mid yihiin Amniga iyo Cadaaladda.
Mar-dhaw ayaa magaaladda Muqdisho waxaa ka dhici doona shir loo qaban qaabiyay
sidii loogu hormarin lahaa oo dib u habeyn loogu sameyn lahaa cadaaladda iyo
amniga. Waxaana ka soo qeyb geli doona quburo isugu jira Soomaali iyo ajaanib.”
Ugu danbeyntii ayaa Madaxweynuhu wuxuu yiri” waxaan idiin xaqiijinayaa ,
dhammaan muawaadiniinta Soomaaliyeed in muhiimadda Tiirka kowaad ee dowladda uu
yahay Amniga taasna qeyb uu ka yahay xuquuqul Insaanku . Waana ay ka go’an tahay
dowladda Insha Allahna waan gaari doonaa.”
Wixii faah faahin ah kala xiriir Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta ee
Madaxtooyadda @ media@presidency.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2013
|