TARTAN QUR,AANKA AH OO AY KU TARTAMEEN DUMARKA
Waxaa
maalintii arbacada oo bisha ahayd 20/03/2013 ka dhacay madaradsada AL BAYAAN ee
magaalada JOHANNESBURG dalka koofur afriko tartan Qur'aanka ah oo ay ku
tartamaayeen ardayda dhigata qaybta gabdhaha waawayn ee dugsiga.
Tartankaas waxaa ka soo qaybgalay gabdho dhan 15 gabdhood oo ku tartamaayay
qaybo kala duwan ee qur,aanka
Qaybta koowaad waxay ku tartamaayeen 10ka juz
Qaybta labaad waxay ku tartamaayeen 5ta juz
Qaybta sedexaad waxay ku tartamaayeen 2da juz
Qaybta afraad waxay ku tartamaayeen 1ka juz
Runtiina waxaa ka muuqanaayay gabdhahaas dadaal wayn oo ay geliyeen xifdinta
qur,aanka kitaabkii ilaaheey
waxaana ku guulaystay tartankaas 1ka koowaad ee 10ka juz SUCAADO IBRAAHIM
5ta juzna waxaa ku guulaystay SACIIDO AXMED
2da juzna waxaa ku guulaystay QUREESHO
1ka juzna waxaa ku guulastay DUNIYO C/LAAHI
waxaana gabdhahaas guulaystay la gudoonsiiyay abaal marin aad u fiican oo ay ku
farxeen
SUCAADO
IBRAAHIM waxay ku guulaysatay QALINKA WAX AQRIYA IYO kitaabka ARBICIINKA
SACIIDO AXMEDNA waxay ku guulaysatay QALINKA WAX AQRIYA
QUREESHANA waxay ku guulaysatay SIDOO KALE QALINKA WAX AQRIYA
DUNIYO CABDULLAHI waxay ku guulaysatay CAJALOOYIN QUR,AANKA OO DHAN AH IYO
MUSAXAF QUR,AAN AH
waxaana gudoonsiiyay gabdhaha abaalmarinta maamulaha guud ee madaarista AL
BAYAAN, MACALIM CALI IBRAAHIM CALI oo runtii ku amaanay gabdhaha sida fiican ee
ay uga soo baxeen tartanka iyo natiijada ay keeneen
waxay AL BAYAAN maamushaa 14 madaro oo ku yaalo gobolo kala duwan ee dalkan
koofur afriko, waxaana dhigta arday ka badan 1400 oo arday oo isuugu jira gabdho
iyo wiilal, waxana lagu baraa xifdinta qur,aanka iyo duruus kale oo ah
shareecada iyo af soomaaliga.
tartankana waa kii ugu horeeyay ee loo qabto madarasada AL BAYAAN EE
JOHANNESBURG sanadkan, waxaana la qabtaa sanadkii ilaa sedex tartan oo noocan oo
kala ah
MADAXA DACWADA GOBOLKA GAUTENG (KOOFUR AFRIKO) MAXAMED AADAN C/LLE JOHANNESBURG
Kala xidhiidh: ibnuadam15 [AT] hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2013
|