Soomaaliya: Siyaasadda Geeska Afrika ee Maanta
Mahad Kooshin
Maarso, 21, 2013
Guud ahaan dalalka dunidu waxay leeyihiin dan ee ma leh saaxiib, asii ay danta
daleed qeexayso in dalku uu yagleelo saaxiibbo badan oo joogto ah oo danaha lagu
gabraarto. Siyaasaddu na waa wixii suurogal ah oo kula gudboon, ma aha wixii aad
lexejeclo u qabto ee waa wixii had iyo goor dantu ku jirto, ayada ayaa waddo kuu
jeexda ee adigu waddada uma jeexdid. Isla mar ahaantaas na waa hawlaha dawladeed
ee la xiriira arrimaha siyaasadeed ee dalalku ay leeyihiin. Dal walba xiriirka
uu dal kale la leeyahay waa u siyaasaddiisa gaar ahaaneed ee uu aayihiisa,
jiritaankiisa iyo ujeeddooyinkiisa ku furdaamiyo.
Haddaba siyaasadda Soomaaliyeed dhankaas waxaad mooddaa in ay muddo dheer
dhantaalnayd oo ay ku dhisaalnayd dan-beel, horraantii burburkii dawladdii dhexe
iyo ka dib ba. Ma muuqato dhiirrinaan, garasho iyo dhug loo leeyahay arrimaha
adduunweynaha iyo siyaasadaha geyiga Geeska Afrika. Ma muuqato siyaasad
xambaarsan danaha guud ee dalka. Waa la dheelliyay intii la liici karay, waa
laga maahsanaa isbeddelada dhacayay oo la moogganaa qaab looga miro dhaliyo.
Sidaas awgeed Soomaaliya ma yeelan saaxiib joogto ah oo dan siyaasadeed ay la
wadaagto. Sidaas darteed siyaasadda Soomaaliyeed waxaa saameeyay jahowareer iyo
habow.
Waxaa in muddo ah farogalin ku hayay dalal ay ugu darraayeen Itoobiya iyo Masar.
Run ahaantii labadaas dal siyaasadda Soomaaliya dhumuc weyn ayay ku lahaayeen
jiritaankeedii. Waxaa labadaas dal dhexaadiyay loollan gahayray oo ku salaysan
biyaha webiga Niil. Sidaas awgeed ayay dawladihii is xigay ee Masar ay isku
taxalujiyeen in ay Soomaaliya la yeeshaan gacansaar iyo saamayn ay ku fuliyaan
danaha Masar. Waxay kaalin weyn Masaaridu ku lahayd dagaalkii ‘77dii ee
Soomaaliya ku guuldarraysatay dhan siyaasadeed, militariyeed, dhaqaale iyo sibil
ba ee waxyeelladiisii ay teer iyo maanta aloosan tahay.
Farogelintii Itoobiya ku haysay Soomaaliya labaantankii sano ee burburku jiray
siyaasad ahaan iskaashigii Masar iyo Soomaaliya ayaa door weyn ku lahaa.
Itoobiya waxay ka foojignayd dawlad Soomaaliyeed oo soo celisa xiriirkii
militariyeed, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay la lahayd Masar. Kaas oo
Itoobiyaanku u arkay khatar ku soo food leh maadaama Masar danayso in ay
Itoobiya ku furto furimmo dagaal oo hor leh, gaar ahaan dawlad Soomaaliyeed oo
aagga bari colaad kaga soo qaadda. Hankaas siyaasadeed ayuu Soomaaliya ka lahaa
madaxweynihii hore ee Masaarida ee Anwar Saadaad markii uu u ololeeyay in
Soomaaliya ku biirto ururka Jaammacadda Carabta.
Masaaridu dedaal dheer ayay had iyo goor ugu jirtaan aafaynta Itoobiya. Tusaale
ahaan waxaa jira ciidan kumaandoos ah oo ay Masar leedahay oo u tababbaran in ay
ka dagaallamaan dhulal hawd iyo dhir miiran ah, taas oo Itoobiya ugu dhigan
ciidan loogu talo galay dhulkeeda. Si ay cadaadis Itoobiyaanka u saaraan ayay
Masaaridu xiriir dhinacyo badan leh la leedahay dalalka Suudaan iyo Soomaaliya
oo labaduba soohdin dheer la wadaaga Itoobiya. Dhawaan waxaa magaalada Qaahira
ee xarunta Masar warbaahinta ugu gooddiyay Itoobiya taliye sare oo ka tirsan
ciidammada Sucuudi Carabiya, kaas oo si bareer ah oo aan looga baran
Sucuudiyiinta ugu hanjabay Itoobiya ku na tilmaamay dal lid ku ah danaha iyo
arrimaha dawladaha Carbeed.
Geesta kale dawladda Itoobiya waxay ku hawlan tahay taageero ay ka kasbato reer
Galbeedka oo ay u muujiso in ay tahay dal qaddiim ah oo Kiristaan ah oo sabool
ah oo ay ku oodan yihiin dalal ay ka jiraan Islaamiisteyaal xagjir ah oo
yididdiilo weyn u leh in ay tirtiraan jasiirad Kiristaan ah oo dhexdooda ku
taal. Itoobiyaanku waa dadka ugu waddanisan Afrika waxaa na ka jira barnaamijyo
taban oo dadweynaha iyo ciidammada lagu baraarujiyo oo ku saabsan dagaalka qabow
ee biyaha webiga Niil. Biyaha webiga Niil boqolkiiba sagaashan waxay ka soo
gororaan buuraha Itoobiya. Biyuhu Masar waa u nolol oo la’aantood waa baa’ba.
Dagaalka qabow ee labada dal wuxuu soo jiray teer iyo 1929dii markii la saxeexay
Heshiiskii Niil.
Haddaba dagaalkaas qabow Soomaaliya dheef ugu ma jirto dhan walba, waxaa habboon
in dalku gaar ka ahaado siyaasadaha isdiiddan iyo danaha qallafsan ee dalalku ay
leeyihiin. Ogsoonaanta iyo u hoggaansanaanta xaqiiqdaasu waa in ay siyaasiyiinta
Soomaaliyeed u lahaato taxaddar weyn oo aan yarayn. Isla mar ahaantaas waa in
siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay danaha dalka iyo dadka u baadigoobaan qaabka ay
siyaasiyiinta dalalka kale ugu heeggan yihiin oo waxtarkooda lagu cabbiro
heerarkaas.
Dhawaan ayay ahayd markii Masar ay Muqdisho u soo dirtay wasiirka arrimaha
dibedda oo ay ku dhawaaqday iskaashi dheellitiran. Heshiiskaasu waxa uu durba
walbahaar ku abuuray madaxda dawladda Itoobiya, waxaa xigay in ciidammadii
Itoobiya ee saacidayay ciidammada dawladda Soomaaliyeed ee ku sugan gobollada
Bay iyo Bakool dib-u-gurasho ku dhaqaaqay, sidaas awgeedna ay Shabaab qabsatay
Xudur.
Danta siyaasadeed ee uu dal leeyahay waxaa ugu horraysa sugidda soohdimaha iyo
xiriirka deriska, taas oo ka horraysa xiriirrada dal ama dalal fog lala yeesho,
gaar ahaan marka uu loollan iyo dagaal qabow ka dhexeeyo dal dhaw iyo mid fog.
Xodxodashada Masaaridu waa mid dan daleed lagu gabraarto oo aan u roonayn
Soomaaliya iyo guud ahaan Geesta Afrika. Mar waa colaad hor leh, mar waa
Carabysi iyo saamayn, mar na waa siyaasad gurracan.
Masuuliyiinta Muqdisho waa in ay u dhugyeeshaan tagtadii shalay, waa in ay ka
foojignaadaan ujeeddooyinka gurracan iyo dalalka durba meelo fog uga gacan
haatiyay oo aan dhib hor leh loo loogin bulshada daashay. Khaas ahaan kuwii
shalay ku dhaayaday ba’ii iyo hooggii ummaddu dhexmaquurtay oo ay weli ka soo
kabanin. Ma jiraan gacaltooyo iyo gacanqabad ay Masaaridu iyo ururka Jaammacadda
Carabtu Soomaaliya tareen oo la taaban karo muddadii burburka, haatan oo ay
Soomaaliya cagaheeda ku istaagaysana ma muuqdaan kuwo hor leh, waxaa un muuqata
fursad ay dareemeen oo burinayaan, taas oo waxyeello mooyaane faa’iidooyin aan u
holladayn dalka iyo dadka.
Mahad Kooshin
Mahadkooshin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2013
|