Cali Samatar: Halyey Soomaaliyeed
Waxaa in dhowayd mareegaha Soomaaliyeed ka soo shaacbaxayay eedo iyo
aflagaaddooyin aan loo meel dayin oo lagu oogay Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo
ku saabsan dad ay waxyeello ka soo gaareen dagaalladii dalka ka qarxay
siddeetameeyadii. Jeneraal Cali Samatar waxa uu xubin sare ka ahaa hoggaankii
sutiga dalka hayay ‘70dii iyo ‘80dii. Waxa uu hawlo ka soo qabtay Golihii Sare
ee Xisbigii Hantiwadaaggii Kacaanka Soomaaliyeed iyo ciidammada Xoogga Dalka
Soomaaliyeed (XDS). Waxa uu gutay waajibaadkiisii waddannimo iyo Soomaalinnimo
ee uu u guntaday; taas oo faraysay in uu dal iyo dad ka difaaco cadow gude iyo
mid dibadeed ba. Masuul ahaan intaas ka yar lagama fileen lagama na aqbaleen
garaad ahaan. Waa halyey Soomaaliyeed u soo halgamay dadkiisa iyo dalkiisa.
Soomaaliya waxaa dabayaaqadii toddobaatameeyadii iyo horraantii siddeetameeyadii
ka curtay dagaallo sokeeye oo isa soo tarayay, dhammaantood Itoobiya ayaa laga
soo abaabulay oo waxaa hormuud u ahaa rag badan oo canshuuntii Soomaaliya wax
lagu soo baray. Raggaasu waxay dalka u ahaayeen cadow sokeeye (jabhadihii) la
saftay cadow shisheeyeed (Itoobiya) oo u hanqal taagayay burburinta qarannimada
iyo jiritaanka jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Godobta ay galeen ma ahayn mid
cayiman oo soohdin leh. Waxay ujeeddooyinkoodii u tiigsadeen wax wal ba oo ay
awoodeen. Waxaa ka mid ahaa; gudbinta sirta dalka, afduub sibil iyo militeri,
isku dirka qabiillada, idaacado lagu baahiyo cadaawad gudaha laga dhaliyo oo
cadowgu maalgeliyay, miinaynta waddooyinka, dhaca bangiyada, dhaca hantida
dadweynaha, baxsad iyo waxyaalo kale oo qaran lagu dhabarjebiyo intii tabartood.
Waxaa jiray qaar ka waantoobay markii ay garawsho u yeesheen fadqalallada ay u
geysanayeen dadkooda iyo dalkooda, kuwaas oo dalka iyo dadku ba cafis u fidiyay
ugu dambayn.
Intaas oo waxyeello iyo hagardaamooyinkii taxanaha ahaa ee ay u maleegeen
dalkooda ayaa waxay ku saan saabnaayeen gocashooyin qabiileed ama tabashooyin
dhaqaale oo waayahaas guud ahaan ba dalka ka jiray. Run ahaantii duruufihii
waayahaas baahsanaa ee dalka ka jiray kuma koobnayn Soomaaliya keliya ee waxaan
la wadaagnay dalal badan oo soo korayay. Hoggaan militariyeed, dhaqaale abaaday,
sibil gadooday iyo dhammaantoodii arrimihii qallafsanaa ee waayuhu sideen ee
siddeetameeyadii Soomaaliya aafeeyay waxay ka jireen Afrika badankeed. Waa na
midda dhalisay in talisyaal badan burbur soo foodsaaray horraantii
sagaashameeyadii. Itoobiya lafteedu waa ay nala wadaagtay duruufahaas, maanta na
labada dal xalkoodu waa kaaf iyo kala dheeri, oo waxay Itoobiyaanku Soomaalida u
arkaan dad liita garasho ahaan. (Itoobiyaanku waxay Soomaalida ugu faanaan in ay
dagaalladii sokeeye uga gudbeen haybad iyo hannaan dadnimeed dhalad ah oo ay
Soomaalidu ka maran tahay.)
Duruufihii dunida saddexaad ee ‘70dii iyo ‘80dii Soomaali wixii u xigay waa la
wada ogsoon yahay. Kurka ayay faas af beelay iskala dhacday. Soomaaliyi sida
dadyowga kale ugama soo kaban aafooyinkii. Waxyaalo badan baa taas u sabab ah;
ugu horrayn; Soomaalida oo aan lahayn aqoonta indheergarashada dadyowga kale ee
Afrika. Waxaa burburay haykalkii aqooneed ee Soomaaliyeed, waxaa xigay dhammaan
tiirarkii bulsheed oo dhan. Aqoon beddelkeed na dareen lar, ciil iyo caadifad
uur mariid oo caqliga maran lagu garto ayaa dhisaalaysan. In badan baa culummada
saynisku gorfayn ku ogaatay camalkaasu saamaynta uu bulsho ama qof ku yeesho.
Wax badan baa laga qoray oo bulshooyinka loo bandhigay laga na waaniyay
dib-u-dhaca iyo dhibaatooyinka uu la imaan karo. Aqoontu na waa qaabka keliya ee
looga barbaaro habkaan Soomaali ahaan laga ahaan iyo ekaan waayay.
Dagaal na marka uu dhaco laba koox ayaa is hardida, labadu ba waa ay leeyihiin
masuuliyadda khasaaraha. Mar na ba dheef ma wadaagaan sababta oo ah dagaal dheef
ma leh (mar adaa wax yeelay mar na adaa lagu yeelay). Teer iyo inta ay
Soomaalidu isla meelayso falanqaynta dhaqammada silloon ee camalkaas ee ay ka
waantowdo mindi mindi ku taag, reerkayga ayaa reerkaaga ka habboon, aan
aargoosanno, iyo caadooyinka la mid ah ee aan laqa qaangaarin, waxyeellada
camalku facyada dambe ayay hogol colaadeed u ballaysimaysaa.
Mudane Cali Samatar waxa uu ka hor tegay koox uu madaxweynihii hore ee Itoobiya
soo hubeeyay oo heeshiis kula galay kala goynta Soomaaliya. Jabhaddii SNM ayaa
dagaal bareer ah ku soo qaadday magaalooyinka gobollada waqooyiga Soomaaliya oo
ku dhex dagaallantay dadkii si ay u fuliso hammigeedii. Waxay himmiladeedu ahayd
xaqiijinta tabaabushlaha ahaa in qabiilka Isaaqu yeesho dal u gooni ah keligood.
Waxay jabhaddu taageero ka heshay qabiilka oo ay gabbaati ka dhigatay dadkii
magaalooyinka iyo tuulooyinka oo ay xidid ahaayeen, asii horraantii dagaallada
dad badan oo waqooyiga u dhashay ujeeddadaas mid gurracan u arkay oo qaaddacay
oo dawladda Soomaaliyeed la safnaa. Waxaa jabhadda guddoominayay Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) oo haatan ah madaxweynaha maamulka Soomaalilaan oo weli
adduunweynaha ka baadigooba aqoonsi caalamiyeed la siiyo qabiilkiisa dal ahaan.
Dadkii qaxoontiga ahaa ee deggenaa gobolladaas iyo dadkii kale ee deggenaa
Awdal, Togdheer, Waqooyi Galbeed, Sool iyo Sanaag ayay jabhaddii SNM ee uu
Siilaanyo hoggaaminayay xaaqid qabiilaysan ku bilawday. Dabadeed markii
adduunweynuhu diidmo hoosta uga xariiqay qaybinta Soomaaliya ayaa lafihii dadkii
qaxoonta ahaa la soo faagay oo la yiri waa sibil ay XDS laayeen.
Haddii Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Itoobiya dalka iyo dadka ku soo
hoggaanshay (heshiiskii labada dal dhexmaray ka dib) oo uu hubkii gaasas dhan oo
ka tirsanaa ciidammadii Itoobiya ku harqiyay Hargaysa, Burco iyo magaalooyin
kale oo uu dagaalka dad badan oo aan beeshiisa aan u dhalan ku waxyeelleeyey;
isna ma halyey baa? Mise dambiile-dagaal?
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dagaal dhex maray. Doodda ku saabsan Mudane Cali
Samatar gundhiggeedu waa halkaas. Ma halyey baa? Mise dambiile-dagaal? Labada
jawaabood waxaa kala leh labo dhinac oo Soomaali ah oo uu qaar u ahaa nin
difaacay dalkiisa, qaar na dambiile-dagaal laayay dadkoodii u dagaallamayay dal
ay dhisaan. Labada dhan aad ayay u kala dheer yihiin aragti ahaan, waa se hubaal
oo dhaqan Soomaaliyeedka waayahaan dambe hirgalay ee ka arradan
hor-u-socodnimadu ayaa meesha ka dhalaalaya. Taas oo sii ragaadinaysa xal waara
iyo xasuus wanaagsan.
Waxaa xal buuxa lagu hanan karaa ayada oo niyadsami, Soomaalinnimo, caddaalad
dheellitiran iyo meeqaam Soomaaliyeed lagu tashado oo lagu falanqeeyo dhammaan
tabashooyinka dadweynaha Soomaaliyeed. Sababta oo ah dhanka kale; nin
argaggixisadiidu waa nin kale halyeygiis, nin na halyeygiisu waa nin kale
argaggixisadiis. Dhankaan waxaa yaal colaad iyo caddaalad darro hor leh oo aan
laga fiirsan oo la mid ah halkii eedaha bilawgoodu ka agaasimmay.
Caddaalad waxaa lagu hantaa wadahadal iyo maan sugan oo runta la bahoobay.
Halkaas baa baxdadii shalay loogu gar bixin karaa oo intii aafoowday boogta
looga dhayi karaa, oo joogtada maantayto lagu dheehan karaa, oo timaaddada
beritoole macaankeeda lagu dhadhansan karaa qaraarkeeda na lagu duwi karaa. Waa
sida ay faleen waddammadii Soomaaliya la wadaagay waayihii dagaalladu curteen
iyo marxalahadihii oo Itoobiyadii lala diriray dhexdeeda ka dhacday, maanta na
Muqdisho iyo Addis Ababa safaarado isweydaarsannay oo tagtadii hore baal loogu
laabay. Waa sidaas sida Soomaaliyi ku badbaadi karto isir ahaan oo ay dadyow iyo
dalal kale wax kula wadaagi karto. Umad kale dunida wax ba kulama yeelan karto
oo dad kale lama heshiin karto haddii ayadu heshiin weydo. Bulshoweynta
Soomaaliyeed na inta wanaagga u heellan waxay mudan tahay bogaadin la xiriirta
waayo’aragnimadeeda iyo Soomaalinnimadeeda ay kaga garwaaqsadeen aargoosi iyo
dib-u-guclayn joogto ah ama oofo la faago inta ba.
Mudane Cali Samatar waa halyey Soomaaliyeed. Dal cadow ah uma tegin oo hub iyo
saanad uu dadka iyo dalka Soomaaliyeed ku burburiyo kama uu soo qaadan. Intii uu
dal iyo dad difaacay ayuu mudnaan u leeyahay. Waxaa ka mid ah dadkii ka cararay
magaalooyinkii jabhaduhu weerareen oo magaalooyin nabdoon nolosha ku simay. Inta
Soomaalinnimada qaddarisa oo maankoodu saafi yahay ayaa u hiillinaysa. Inta
calanka Soomaaliyeed kor ka yeeshay ayaa ka difaacaysa kuwa calanka Soomaaliyeed
gubay oo shisheeye la saftay. Intaas ayuu halyeey ku yahay oo uu taariikhda
soojireenka Soomaaliyeed mudnaan ugu yeeshay. Intaas iyo inteer ayay
bulshoweynta Soomaaliyeed hiil iyo hoo’ ula garab taagan tahay.
Waxaa aakid ah in uu nin na agnaan ka ahayn dagaalkaas iyo dagaalladii
Soomaaliya aafeeyay oo dhan. Maadaama Soomaalidu ay wax ba isla meeldhigi karin,
waxaa habboon dawladdu in ay xaajada la tiigsado xeerarka dalka u yaal ee lagu
maamuuso halyeyda ee ka madaxbannaan aanooyin qabiileed. Intii caddaalad darro
tebaysa ha ugu hagaagto waaxyaha caddaaladda dawladda Soomaaliyeed.
Mahad Kooshin
mahadkooshin@hotmail.com
Qoraalladii hore ee ku saabsan Cali Samatar
http://somalitalk.com/tag/cali-samatar/
Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2013
|