DOWLADDA CUSUB EE SOOMAALIYA IYO NOOCYADA SHACABKA
HORUDHAC
Maqaalkan waxaa igu dhaliyey inaan qoro markaan maqlay dad dhahaya wadaadada
siyaasadda galay iyo kuwa dagaalamaya ayaa waxay dadka nacsiinayaan diinta
Islaamka. Dadka sidaa dhahaya waxaan u kala soocnayn diinta Islaamka iyo dadka
aaminsan. Diinta Islaamka waa diin sax ah oo kheyr kaliya keenta laakiin dadka
aaminsan ee muslimiinta waxay isugu jiraan kuwa diinta ku dhaqma ee ka run
sheega iyo kuwa aan ku dhaqmin ee sheegta magaca diinta. Dadkaasi waxay intaasi
ku dareen inay Soomaalid ay cilmaaniyadda dooran doonto haddii dowladdan cusub
ay dhacdo sida shacabka Romanka ay u naceen masiixiyidda ka dibna ay u doorteen
nidaamka cilmaaniga (diinta oo nolosha laga fogeeyo). Dadkaasi waxay ku
doodayaan in dowladdii hore ay wadaadidii ku jiray fashiliyeen tannina ay
wadaada ku jira ay fashilin doonaan.
Aniga waxay ila tahay inay lama huraan tahay inaan helno hal beeg aan ku kala
cabirno dhaqanka wanaagsan ee horumarka keena iyo dhaqanka xun ee dib u dhaca
dhaliya, iyadoo aan la fiirin qof, qabiil, urur diineed, ama urur siyaasadeed.
Haddii halbeegaasi aanu jirin waxaa dhici kara caddaalad daro lagu naco shaqsi
ama qabiil am urur Islaami ama urur siyaasadeed iyadoon la sameyn qiimeyn sax ah
oo dhameystiran. Sayid Cali (RC) wuxuu yiray: Waligaa hal beeg ka dhigo xaqa
(Qiyamka Islamka) adigoo ku cabirayo yaa wanaagsan iyo yaase xun (oo haddii
qofkii, ama qabiilkaaga ama urur diineed ama urur siyaasadeedkaaga ay xaqa iyo
dhaqan wanaagga raacaan adigana iyaga raac, haddiisa ay ka leexdaan waddadaasi
markaasi ha raacin).
FURSAD SIIYA DOWLADDA SOOMAALIYA EE CUSUB
Marka hore madaxweyne Hassan iyo dowladdiisu aan fursad fiican siino waayo weli
sanad ma jirsan si loo qiimeeyo oo la cabiro waxqabadkeeda dhinacyada dowlad
wanaaga, amniga, caddaaladda, horumarka dhaqaale, la dagaalanka musuqmaasuqa,
midnimada, madaxbanaanida. Ilma lix bilood jira oo guur guuranayo oo kufoo dhac
ku jira ayaad leedahay muxuu ilmaha u ordi waayey.
Sidoo kale waxaa jira taxadiyaadka (challenges) iyo dhibaatooyin badan dowladda
heysta ama hortaagan oo aan la soo koobi karin. Sidaa darteeda, dowladda waxay
mudan tahay in la taageero oo garab loo noqdo lana siiyo waqti ay wax ku qaban
karto ka dibna lagula xisaabtami karo.
NOOCYADA SHACABKA
Waxaan u arkaa in shacabka afar qeybood loo qeybin karo: 1. Taageerayaal
2. Daneystayaal 3. Dowlad Diid 4.Mucaarad dowlad.
1- Taageerayaal:
Waa in badan oo shacabka ka mid ah oo rabta dowladnimo iyo kala dambeyn oo u
ooman nabad, caddaalad, midnimo, horumar iyo madaxbanaani. Kuwani waxay
aaminsan yihiin inuusan qofka uusan waxba ahayn haddii uusan dowlad lahayn.
Haba ahaato dowladdiisu mid tabar daran. Sidaa darteeda taageero ayey dowladda
siinayaan si ay u rumowda nidaamka dowladdnimo ee Somaaliyeed.
2. Daneystayaal:
Kuwani waa danaystayaal oo qaar dowladda ku jiri kara iyo kuwaan ku jirinba.
Kuwa dowladda ku jira maslaxadooday ugu jiraan. Waxayna taageeraan meeshay ay
maslaxadooda ka arkaan oo dan kama gelin dowladda horumarkeeda, dalka iyo
dadkaba.
3- Dowlad diid oo 3 nooc ah:
a- Kooxo
diimeed qaarkood oo xag jir ah oo isugu jira kuwa hubeysan iyo kuwaan
hubeysnayn: Kuwani ma ogola in ay dowladda shaqeyso ama ay jirtaba waayo waxay
aaminsan yihiin dowladda inay ahayn dowladda xalaal ah ama dowlad Islaami ah oo
shareecada Islaamka ku xukunta.
b- Ururo xag
jir ah ama dad la shaqeeya dowlado kale:
Waxay aaminsan yihiin dowladdan haddii ay dhisanto oo ay awood yeelato inay
khatar ku tahay jiritaankooda iyo jiritaanka dowladaha ay la shaqeeyaan. Sidaa
darteed waxay ka shaqeeyaan fashilinta ama taag daraynta dowladda cusub.
c. Kooxda aan deganayn: Kooxdani ma degana, waddanka inuu degana dan uma
arkaan. Waa kooxo ama afraad aaminsan in lala xisaabtami doono haddii la helo
dowladda degan oo awood leh oo caddaalad sameyneyso. Sidee darteeda ma rabaan
dowlad oo dhan. Fowdada, dilka iyo dhaca ayaa u ah sahay ay ku noolaadaan.
4- Mucaaradka dowladda waa laba nooc oo kala ah:
a- Mucaarad deg
degayo: Waa kuwa ka soo horjeeda dowladda oo ku qiimeyey dowladda inay
fashilantay iyagoo wax waqti ah aan siin si ay u qiimeeyaan dowladda iyo
waxqabadkeeda. Hal beeg cad oo ay wax ku qiimeeyaana ma lahan.
b- Mucaaradka
bisil: Waa kuwa aan ku qanacsanayn qaabka ay dowladda ku timid ama qaabka ay wax
u waddo laakiin ogol inay jirta oo ay shaqeyso marxaladdan, waqtina la siiyo,
iyagoo leh hal beeg (starndard) ay wax ku qiimeeyaan una qoran barnjaamijyadooda
markii loo baahdo inay wax bedelaan. Waxay aaminsan yihiin isbedel weliba oo
dowladeed in loo marayo waddada sharciga hadda jira ama iman doona oon gacan ka
hadal ahayn. Kooxdani way naqdiyaan ama saxaan dowladda markay ku arkaan wax
khalad ah ama khalad u arkeen. Kooxdani way niyad fiican yihiin oo waxay daacad
u yihiin diintooda, dadkooda iyo dalkooda.
GABO GABO
Labo waa lama huraan in si fiican loo fahmo.
Ta hore, in loo fahmo inay dowladdu tahay
adeegto ama qabbaan ama khaadim
(servant) oo waxay u shaqeeysaa shacabka oo shacabkaa leh. Adeegto waxaa lagu
yaqaan inay dhagaysato sayidkeeda (master) oo ay u shaqeyso oo ay ka amar
qaadato. Shacabka waxay dowladda u keensatay inay u adeegto. Taasi micnaheed
waxaa waaye inay dowladda sameyso waxay shacabka rabto oo xalaal ah oo macquul
ah iyadoo isticmaalayso dhamaan aaliyaadka ugu suurta galka ah awood ahaan.
Shacabka waxay rabaan: shareeco oo lagu xukumo, nabad, midnimo, caddaalad,
adeegyo bulso oo horumar leh, tacliin iyo caafimaad iwm.
Ta labaad, waa inaan fahamnaa in shacabka uu yahay sayid (loo adeege).
Sayidka wanaagsan waa inuu u naxriistaa oo uu la shaqeeyo khaadimkiisa.
Shacabka wanaagsan waa in ay dowladda la shaqeysaa oo ay waqti siisaa si ay u
gaarto hadafyadeeda waa weyn ee ay ugu khidmeynayso shacabkeeda (ku dhaqanka
shareecada, dowladnimo, nabadeyn Soomaaliya oo dhan, horumar, caddaalad, midnimo
iyo walaalnimo).
Imaam
Xasan Jaamici, J.D.
Director
of Minnesota Dawah Institute &
Adjunct
Prof. Of William Mitchell College of Law
kala xiriir: xasanjaamici@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2013
|