Ra’iisul Wasaare Shirdoon Oo Cambaareeyey Qaraxii Jimcadii Ka Dhacay
Makhaayada U Dhow Xeebta Liido
Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa si
kulul u cambaareeyey Qaraxii (Jimce, 01, Mar, 2013) ka dhacay Makhaayad ku dhow
xeebta liido halkaas oo ay ku dhaawacmeen todoba qof.
“Argagixisadu waxay caadaysatay inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,
waxayna hadda u muuqdaan inay yihiin naf lacaari marba hadii dagaalkoodii ku soo
ururay inay dhalinyaro la marin habaabiyey qaraxyo ku soo rakibaan, waxaan u
sheegayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in laga midoobo la dagaalanka
Argagaxisada, maxaa yeelay maahan kuwo beegsanaya Dowladda oo qura ee waxay
beegsanayaan shacabka qaybihiisa kala duwan” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Saacid
Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa Eebe uga baryey inuu caafimaad taam ah
siiyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii maanta. Wuxuuna ugu baaqay shacabka
Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan si looga hortago cadowga duulaanka ku soo
qaaday.
---DHAMAAD---
--
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | March 2, 2013
|