Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey Aaskiisii ka dib oo Saxaafada Sheegtey in ay
sii Socon doonaan Howlaha Saxaafadda
Alle Ha u Naxariistee Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey oo ka mid ahaa Dadkii Shalay
ku Dhaawacmay Qaraxii Ex, Fiyoore oo Xalay ku Geeryooday Isbitaal Madiina ayaa
saaka lagu Aasey Magaalada Muqdisho.Aaska Marxuumka oo ay ka soo qayb galeen
qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay Saxaafaddu u horeysey ayaa waxaa halkaa
khudbado kala duwan ka soo jeediyay Mas’uuliyiinta Ururka Suxufiyiinta
Soomaaliyeed iyo Ehelada Marxuumka.
Xoghayaha Guud ee Nusoj Maxamed Ibraahim Bakistaan oo Aaska kaddib halkaa ka
hadlay ayaa ugu horeynba waxa uu Alle uga Baryay Wariyaha in Ilaaheey
Naxariistii Janno uu ka Waraabiyo Eheladii Saxafiyiintii iyo Qaraabadii kale ee
uu ka tagayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Bakistaan ayaa sheegay in Sanadkan Weriye Nuxurkeey in uu noqonayo wariyhii
labaad ee lagu Dilo gudaha Magaalada Muqdisho isagoona intaa raaciyay in
Wariyaasha ka shaqeeya Soomaaliya waayadii dambe ay ku shaqaynayeen xaalad aad u
daran isla markaana qaar badan oo ka mid ah ay ku waayeen Naftoodii khaaliga
ahayd.
Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Bakistaan ayaa sheegey in shaqada
Saxaafaddu ay sii socon doonto Wariyayaasha iyo bahda Saxaafaduna aysan
hawlahooda u joojinayn cagjuglayn iyo isku day Dil oo loo gaysto.
Ugu dambayntii ayuu Xoghayaha ugu yeeray Saxafiyiinta Soomaaliyeed in ay ka
dhabeeyaan isku duubnidooda iyo meel uga soo wada jeedkooda dhibaatooyinka loo
gaysnayo.
Qaar ka mid ah ehelada marxuumka oo iyaguna goobtaas ka hadlay ayaa ka
sheekeeyay taariikhda Nuxurkey oo ay ku sheegeen inuu ku dhashay Gobolka
Shabeelaha Hoose, tacliintiisana uu halkaa ku qaatay.
Ehelada ayaa xustay in Nuxurkey uu Ifka uga tegay hal wiil oo seddax Bilood jir
ah iyo Hooyadiisa iyagoona ka codsaday Saxafiyiintii iyo dadkii kale ee halkaa
isugu yimid in ay iska wada cafiyaan
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2013
|