Wariye Amiin Yuusuf Khasaaro oo Daah furey in loo Gurmado Xabsiga Dhexe iyo
Maxaabiista
(Qoraalkii Amiin
Yuusuf Khasaaro laguma Khasaarin)
“Marnaba
ma fileyn in Qoraalkii Amiin ka Qorey Xabsiga Dhexe uu kale kulmayo Cannaan iyo
Caga jugleyn,maxaa wacay Weriye waa Toosh u Shidan Shacabka,waana Qareen u dooda
Dadka aan Codkooda la maqlin,Qalinkii Weriye Amiin wuxuu Dhalay mire Siyaasadeed
iyo mid Dhaqaale,waxaa Qoraalkaas ku toosey Dad ka Hurday wixii loo
idmaday,wuxuuna Badbaadiyay Naf qaali ah oo qiima badan,Wariyuhu waa Waardiyaha
Noolaha iyo ma Noolaha ku Dhaqan Adduunka”
Qalankii Amiin Yuusuf Khasaaro wuxuu Dhaley Gurmad Har iyo Habeen ah waxaa
Xabsiga si deg deg ah u tagey Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ,Wasiirio
ka socdey Wasaarada Adeega Bulshada , waxaa tagey Takhaatiir Gurmad ah oo Daawo
Badbaado ah gaarsiiyey Maxaabiistii la Il Darneyd Xanuunadii kala duwanaa,
waxayna u qabteen Howlo Baaris Caafimaad.
Wariye
Amiin Wicidii Masuuliyiinta Xabsiga Dhexe iyo Qoraalkii uu ka qorey Xabsiga iyo
Maxaabiista wuxuu ahaa Kala Maan , Qalinka Amiin wuxuu u Hiilinayey Horumarka
Xabsiga iyo Badbaadinta Maxaabiista iyo daryeelka Ciidanka Asluubta , maxaa
wacay Xabsiga waa Xabsi Gaboobey oo u baahan Dayactir iyo Dib u habeyn ,
Islamarkaana Maxaabiistu u baahan tahay Daryeel Guud oo joogto ah , balse
Madaxdii Xabsiga waxay Qalinkii Qoraaga u arkeen mid Shiddo Abuur ah oo dad gaar
ah lagu Xumeynayo , isku dhicii kala maanka waxaa ka Dhashey in Qoraa Amiin uu
ka Cudurdaarto wixii la Toosnaa balse Qalooc loo arkey Maadaama Qoraakiisa ula
jeedey wax toosin iyo Wanaag , Qalinka wax buu Qoraa Dadkana wax buu Akhriya
basle waxa ka soo baxo kala Maan kala u jeeda ah ,balse haddii Qoraalka dib loo
Macaansado wuxuu dhalaa Hal Maan oo Horumar Sameeya
Soomaalida waxay Tiraahdaa Mayd Maxaa u dambeeyey , Kaas la sii Sido , Wariye
Amiin Qalinkiisii Qayliyey oo Qada Badan ka Daadatey wuxuu dhaley in Xabsiga
Dhexe iyo Maxaabiista ku Xiran uu kormeer shaqo ku tago Raiisul Wasaaraha
Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ,Madax Meel ka
Sareyso oo la Salaaxo ma jirto, mar hadii Awoodii Fulinta ee Dowlada Federaalka
ee Soomaaliya soo aragtey Xabsiga Dhexe iyo Xaaladiisa , waxay ku tusineysaa in
Suxufiga Mawaadinka ah Tilmaamihiisa Waxtaraan waxna Toosiyaan
Qoraalkii Amiin ee Cinwaankiisa uu ahaa “ Xasan Shiikh, Saacid iyo Jawaari soo
Fiiriya Xabsiga Dhexe”waxay Dhashey Badbaadada Boqolaal Maxaabiis ah iyo dib u
fiirinta Dhismaha Xabsiga iyo Daryeelida Ciidamada Asluubta, Xilka Suxufiga waa
in uu dadka Wargeliyaa , marna Dadka wax Baraa , marna Dadka uu Maaweeliyaa ,
waa Madaale aan la Dirsan balse Dadka wax u tara , Qoraalkii Amiin Yuusuf
Khasaaro laguma Khasaarin kala Maankii ee Qoraalka wuxuu Dhaley Daawo iyo Dryeel
Horumarineed , Qoraagu waa Qalin Maal,Hal Abuur ah oo Har iyo Habeen Horumarka u
taagan , wixii Hurdana Habeen iyo Maalin ka kacsha
Xasan Shiikh, Saacid
iyo Jawaari soo Fiiriya Xabsiga Dhexe
W/Q Axmed Maxamuud Dhicisow (Yaanyo)
Qoraa iyo Suxufi Soomaaliyeed
Tel 00252619915666
xampress@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2013
|