Somaliland oo Puntland ku wareejisey Maamulihii Shirqoolkii lagu dilay Sh.
Cabdulqaadir, oo Garoowe la keenay
Maamulka
Somaliland ayaa ku wareejiyey maamulka Puntland Cabdullaahi Cismaan Axmed
(Caynte) oo Laascaano u baxsaday kadib markii, sida xogta lagu helay, uu fulay
dilkii Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax loogu gaystay isagoo Salaada Casar ku jira
Masaajidka Badar ee Magaalada Garoowe.
Muuse Ibraahim Mohamed Dannane oo ah ninkii gaariga Laascaanood uga soo doonay
Caynte ayaa isna wali ku xiran Hargaysa, labada maamul ilaa hada mashaacin wax
ku saabsan Dannane.
Xog Somalitalk heshay ayaa tibaaxaysa, in Caynte uu ahaa ninka hagayay
shirqoolka, Garoowena kusoo dhaweeyey, gurina u kireeyey, hubkana isugu siiyey,
markii Sheikh la dilayeyna ay wada socdeen Cabdiraxman Xuseen Jama Bille oo ah
ninkii laqabtay markii xabadihii iyo bombaddii ka dhamaadeen, hadana ku xiran
Garoowe.
Xogo kale oo Somalitalk heshay ayaa sheegaya in dadka loo qabqabtay dilkii Sh.
Cabdulqaadir Nuur Faarax kadib ay gaarayaan in ka badan 60 qofood oo isugu jira
rag iyo dumar, waxaana ka mid ah dadka la tuhunkaas u xiran, Shariif Siyaad Ciye
(abuu Ibraahiim).
Dilka Sheikh Cabdulqadir ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen Kooxda
Al-Shabaab, sida maamulka Puntland iyo Culimmada Soomaaliyeed in badan ku
celceliyeen bayaanadooda iyo Muxaadaraad koodana ku sheegeen. Sidoo kale xog
laga hayo dadka Sheikha dilkiisa loo hayo ayaa sheegay inay ka tirsan yihiin
Ururka Al-Shabaab.
Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2013
|