Qormadii uu DONALD KIPKORIR Soomaalida ugu gafay, dhulka Soomaaliyeedna Kenya
iyo Itoobiya u kala qeybiyay oo Af-Soomaali lagu turjumay – Qore Aden Colujoog
ARAR: Dhamaan dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ku salaamayaa salaanta
islaamka, Asalaamu Caleykum Waraxma tulaahi wa barakaatuhu, bacda salaam, codsi
iiga yimid qaar ka mid ah asxaabteyda iyo kuwo ku xiran qoraaladeyda awgood,
waxaan halkaan kusoo gudbinayaa qoraal aan turjumay, kaasoo ah mid horay dadka
Soomaaliyeed ee akhristay iyo intii maqashayba si weyn uga careysiiyay. Qoraalkaas oo uu cinwaankiisu ahaa “Why Kenya and Ethiopia ought to annex and
divide Somalia?“, ayaa waxaa sanaddii 2008 qoray qoraa Keenyaan oo la yiraahdo
Donald Kibkorir, kaasoo kusoo baxay bogga hore ee jariidadda Daily Naiton ee
dalka Kenya. Qoraalkaas oo dhan markii laga eego qowmiyadda umadda Soomaaliyeed meel ay
joogtaba si weyn loogu gafay, ayaa haddana dhanka kale sida aad hoos ku arki
doontaanba waxuu qoraagu horay usii odorosay in ay Kenya iyo Itoobiya waajib ku
tahay in dhulka beylahda ah ee Soomaaliyeed oo aanay jirin cid ka hor taagan ay
qeybsadaan kuna kala darsadaan dalalkooda. Waxba yaanan hadalka ku dheeraane, waa kuwaan hoose qoraalkaas oo aan turjumay
iyo asaga oo Ingiriis ku qoran ee kii aad rabto kaga bogo nuxurka uu
xambaarsanaa qoraalkaas jaa’ifada weyn xambaarsan, dadka Soomaaliyeedna ku
tilmaamay in ay yihiin wax aan jirin oo u baahan in la qeybsado, dabadeedna
masrax siyaasadeedka adduunka lagu matalo:
—————————————————————————————————————————
Why Kenya and Ethiopia ought to annex and divide Somalia?”
by DONALD KIPKORIR, dkipkorir@ktk.co.ke
Friday, October 03, 2008
———————————————————————————————————
Maxay Kenya iyo Itoobiya iskugu fidin waayeen oo ay u qeybsan waayeen
Soomaalia?
Waxaa turjumay: ADEN COLUJOOG, adencolujoog@yahoo.com
Sabti, Juun 08, 2013
———————————————————————————————————
Maxay Kenya iyo Itoobiya iskugu fidin waayeen oo ay u qeybsan waayeen
Soomaalia?
Bishii hore, Lehmans Brothers iyo Merrill Lych, bangiyadii
maalgelinta ee adduunka ugu weynaa, ayaa noqday kuwo kacay, waxaana marqaati ka
aheyn khal-khalkii dhaqaale ee ka dhacay caasimadaha reer galbeedka, ayada oo
waxyaabihii caalamka ugu hadal haynta badnaana ay ahaayeen: Sidii ay Washington
u heli laheyd samato-bixinta bangiyada kacay, 50 nin oo shufto arxan laawe-yaal
hubeysan ah oo qaarka sare qaawaan, oo saran doonyo uusan sameyskoodu fiicneyn
ayaa xeebaha Soomaaliya ku qabsaday markab ay saran yihiin 33 taangi oo noocoodu
yahay T-72, gantaalada garbaha laga rido iyo qoryaha lidka diyaaradaha. Kaddib
markii aan arkay qabsashadii markabkii MV Faina iyo wadahadaladii istaagay ee
maraakiibtii dagaalka ee Mareykanka iyo Ruushka ee ku hareereysnaa ayaa waxaan
ku fekeray laga yaabee in la joogo waqtigii mushkiladda Soomaaliya xal waara
laga gaari lahaa. Ilaa iyo sanaddii 1960, wadanku waxuu ahaa mid fawdo ah oo guri u ah
argagixisada iyo burcad badeedka. Burcad badeedku waxay noo sheegeen in hubka ay
qabsadeen ee khalkhalka iyo jahawareerka ku abuuray Washington in uu ku socday,
Nairobi iyo Khartuum. Hadday run tahay meesha hubka loo siday in ay tahay
Koofurta Suudaan, sida ay sheegeen, waxaan la meel taaganahay markii ugu
horeysay go’aanka ay qaadatay xukuumadda Kibaki. Anigu waxaan taageere u ahay qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda xataa haddii
uu naga horkeenayo wadamada aan cadowga nahay ee ku kaca falalka sheydaanimo ee
ay xukuman kaligood taliye-yaasha sida Khartuum. In la caawiyo dowladda Koofurta
Suudaan ee aan qorshaha fog ka leenahay waa lagama maarmaan, in aan sidaas
yeelnana ka xishoon meyno. Runta jirtaaye waxay tahay, maadaama aan nahay xulufada reer Galbeedka, Kenya
waxay cadow ku tahay wadamada Carabta oo ay Suudaan ku jirto. Haddaba in la’isku
balaariyo Soomaaliya waxay ka mid tahay qorshe daneedkeena, waana in aan sidaas
yeelno hadda inta uu socdo bur-burka dhaqaale ee ay indhaha adduunka naga sii
jeedaan. Soomaaliya waxay dal ahaan un uga muuqataa maabka adduunka, waana dal fashilmay.
Waa dal u kala jajabay unugyo badan oo ay tiiba iskeed u madax banaan tahay iyo
jifo-jifo. Xubnaha 90-ka ah ee uu golahooda howl-wadeenada ka kooban yahay waxay
astaan u tahay tirada unugyada rasmiga ah. Wadankaan Geeska Afrika malahan
dowlad shaqeysa. Waxa loogu yeero dowladda ku meel gaarka ah ee uu hogaaminayo
Cabdulaahi Yuusuf Axmed, waxay xabsi ahaan ugu jiraan ayaga oo dhiban dhismaha
madaxtooyada. Ma jiro ciidan taagan iyo mid fadhiya iyo nidaam xeer ilaaineed
toona. Arrinta marka dhan walba laga eego, Soomaaliya waa god modow marka la eego
xeerka caalamiga ah. Marka la raaciyo Afganistaan iyo bakistaan, dhamaantood
waxaa loo yaqaan dhulka tababarada iyo gabaadka argagixisada caalamiga ah. Kenya
waxuu dhib weyn kasoo gaaray falalka argagixiso-nimda, taasoo u hor seeday in ay
qarka u fuusho bur-bur ku yimaada ilaha dhaqaale ee dalxiiskeeda. Ma awoodi
karno in aan mar kale wajahno weerar sidaas oo kale ah. Waxaan leenahay awood
aan ku hormarino dalxiiskeena si aan ula tartano, haddiiba aanan ka dheereyneyn
dalalka Masar iyo Koofur Afrika. Laakiin sidaas ma sameyn karno haddii ay
Soomaaliya sii ahaato dowlad la’aan. Soomaaliya waxay daris yihiin dalalka
Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Waa run, in ay Itoobiya iyo Kenya kaliya yihiin
kuwa danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya. Jabuuti wali waxay ku nooshay noolal badwi ah, waana xarun un wax lagu keydiyo
ama laga dhoofiyo oo aanan xataa awoodi karin in ay biyo siiso dadkeeda oo
gaaraha 600,000 oo qof, kuwaasoo lagu qasbay in ay cabaan biyo Faransiiska laga
keenay ama Kooka Koola. Haddaba, Jabuuti waxay banaanka ka tahay baaritaanka
loogu jiro sidii xal waaraa looga gaari lahaa mushkiladda Soomaaliya. Kenya iyo
Itoobiya waa in ay kala gooyaan Soomaaliya oo ay kala qeybsadaan, ayada oo ay
qeybtana ka bilaabmeyso loolka darajada 4 halka uu ka gooyo, ayada oo uu dal
walbana qaadanayo dhulka loolkaas ka sareeya ama ka hooseeya. Qeybtu waxay
labada wadanba ku kordhineysaa dhulkooda qiyaastii 300,000 sq km iyo dad ay
tiradoodu gaareyso shan milyan. Markii ay Kenya iyo Itoobiya u diraan ciidamadooda wada socda Soomaaliya oo ay
ku dhawaaqaan isbalaarintooda, waxaan ku matali doonaa dunida, xaalkuna waxuu
noqon doonaa mid dhamaaday oo aanan dib looga wada hadli doonin. Sanadkii 1845,
dalka Ameerika waxuu isku balaariyay oo uu dhulkiisa ku darsaday gobolka Texas
oo uu ka boobay dalka Mexico, waxaana lagu qasbay sharci dejiye-yaashii gobolka
Texas in ay sharciyeeyaan oo ay aqbalaan sharciga cusub ee gobolka lala
wareegay. Isku fidintaas iyo ku darsashadaas gobolka Texas ilaa iyo manta waa
jiraa oo waa dhaqan galay, si aad si fiican arrinka ugu sii fahanto, madaxweyne
George W. Bush waxuu ku faraxsan yahay in uu yahay nin u dhashay kana soo jeeda
gobolka Texas. Kenya iyo Itoobiya, markay sharci dejie-yaasha Soomaalida ogolaadaan oo ay meel
mariyaan qeybta dalkooda iyo sida aan dalalkeena ugu kala darsanay, isbalaarintu
wayba dhaqan gashay. Mar kastaba, inta badan, haddii aanay mar walba aheyn,
sharci dejiyeyaasha Soomaalida waxay joogaan Nairobi. Waxaan isugu geyneynaa mid
ka mid ah Hoteeladeena waxaana u qeybineynaa sharcigii lagu kala qeybiyay
dalkooda. Markii ciidamadii huwanta ay Jarmalka ka xoreeyeen Fuhrer Adolf
Hitler, waxay u direen sharcigii Berlin. Qarashka nooga baxayo isku fidinta
Soomaaliya waxaa laga bixin doonaa Muqdishu. Sida la ogyahay, Soomaaliya waxaa
dhex ceegaaga saliid fara badan, gaas dabeeci ah, macaadinta uranium-ka iyo iron
ore. Wax yar kaddib un markaan isfidino, waxaan macsuumi doonaa saaxiibadeena aan
isku ujeedada nahay ee wadamada dibadda (fadlan, maya china) in ay yimaadaan oo
ay qeyraadka noo soo bixiyaan. Keenyaatigu waa in ay ogaadaan, in kasta oo ay
Soomaaliya tahay dal bur-burburay ama fashilmay, haddana waxaa jira meelo ay ku
fiican yihiin oo soo jiidasho leh. Ayaga oo aanan laheyn hanaan dhaqaale oo
degsan, haddana marka la xisaabiyo dakhliga guud ee dalkooda (its gross national
income per capita is) waa US$600 (Sh40,000), halka uu kaayagana ka yahay $550
(Sh36,800). Jaamacadahooda oo aanan qarash loogu tala galay laheyn ee ay
mileeshiyooyinka hubeysan waardiyeen, saddex ka mid ah waxay Afrika kaga jiraan
100-ka ugu horeeya. Sharciga adduunka waxuu mamnuucayaa in ay dowladi xoog ku
gasho xuduud uu dal leeyahay iyo kuwo siyaasad ahaan u madax banaan. Soomaaliya
labadaas midna malahan. Laakiin, sharciga sidoo kale waxuu aqoonsanayaa in aan
dib loo celin karin howl dhamaatay sida wadamadii ka go’ay USSR iyo Yugoslavia,
iyo isku balaarintii ama isku fidintii gobolka Texas. Qawaaniinta caalamiga way neceb tahay in dib loogu noqdo howl soo dhamaatay, waa
haddii la rabo adduunku in uu hagaago. Hadaanan isku fidin Soomaaliya hadda,
waxaan noqon doonaa kuwo uu dhib kasoo gaaro dowlad la’aantooda oo ay yada la
degto, mana noqon doono kuwo gaara qorshaho siyaasadeedkooda arrimaha dibadda ee
ay gobolka ka leeyihiin, ama hanashada goolka aan rabno in aan hiigsano sanada
2030. Waqtigii Soomaaliya la’isku fidin lahaa oo la kala qeybin lahaa waa hadda,
haddii aan sidaas yeelnana, dowladaha Mareykanka iyo Ruushka aad bay raali uga
noqon doonaan. Waxaa turjumay: ADEN COLUJOOG, Tifatiraha Allgedo.com,
adencolujoog@yahoo.com
Tarjumo kale ee
2008 ee Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Halkan ka eeg
Halkaan ka akhri qormada la turjumay oo ku qoran luuqadda Ingiriiska
Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2013
|