SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Hayadda SWDC oo Dad Tabaaleysan u Qaybisey Deeq ay soo Dhiibeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada London

Hayadda Somali Woman Developments Center ( SWDC ) ayaa waxay Magaalada Muqdisho ka qaybisey Deeq ay soo dhibeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Magaalada London ee Cariga Ingiriiska waxayn Deeqdaas ay ka Koobneyd Noocyo kala Duwan oo Dhar ah oo isugu jira Dharka Haweenka ,Ragga , Caruunrta , Kabo iyo Bustayaal

Deeqdaan oo ay Ururinteeda ay ka qayb qaateen Gabdho Soomaaliyeed ee ku Nool Magaalada London, oo kala ah Caasho Diini Cawaale, Khadiijo Aadan, Caasho Maxamed Diini , Khadiijo Xamuud iyo Maama Xalwo ayaa ah Gabdho la shaqeeye Cabdi Muuse Maaxay oo ah Samafale Taakuleeye Dadka Dhibaateysan waxay sheegeen mar ay la soo xiriireenWarbaahinta in ay Dharkaas ugu talagaleen Dadka Soomaaliyed ee Tabaaleysan.

Maryan Dakhal Xuseen oo ah isku Xiraha Dhinaca Haweenka ee Hayada SWDC ayaa mar ay u warameysey Qaybaha Warabaahinta ayaa ugu horeyn waxay u Mahadcelisey Gabdhaha Soomaaliyeed ee soo dhiibey Deeqdaas oo ay sheegtey in ay si aad uga Damqadeen Dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan , waxay kaloo sheegtey in Deeqdaan Dharka ah loo qaybiyey 19 Kaam oo ay ku jiraan dad barakacayaal kuwaas oo ka kala yimidf 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir

   

“Deeqdaan waxay ka Koobneyd 28 Bundadood oo ay ku jiraan Noocyo kala duwan oo dhar “ayey Tiri Maryan Dakhal Xuseen oo sheegey dadka loo qaybiyey ay gaarayaan ilaa Shan Boqol oo Qoys kuwaas oo qaarkood loogu qaybiyey Xarunta SWDC kuwa kalena waxay sheegtey in ay ugu tageen Kaamamkooda .

Dadkii ay gaartey Deeqdaas ayaa u Mahadceliyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku Nool Magaalada London gaar ahaan Gabdhihii Soomaaliyeed ee soo dhiibey Deeqdaas , waxayna sidoo kale u soo jeediyeen Jaaliyadaha kale ee Soomaliyeed ee ku nool Dibada ay iyana sidaa si la mid gacan ugu fidiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay isgu darsameen Colaadaha , Abaaraha iyo Cudurada .

Ugu Dambeyntii Maryan Dakhal Xuseen ayaa ugu baaqdey Jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed in ay ku deydaan Gabdhaha Soomaaliyeed ee soo dhiibey Deeqdaas oo ku sugan Magaalada London ee Cariga Ingiriiska sidoo kale waxay ugu baaqdey Hayadaha Samafalka , Ganacstada Soomaaliyeed iyo Dowlada Federaalka in Gargaar balaaran u fidiyaan dadka Soomaaliyeed maadaama ay fooda nagu soo haysa Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;