SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Xarigga Shiikh Xasan Daahir Aweys

Salaaddii Cishaha wax yar uun ka hor ee xalay ayaa Diyaraddii siday Xasan Daahir Aweys ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho. Ka hor intii aysan Diyaaraddu soo caga dhigan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa halkaa ku sii sugnaa Xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirada arrimaha Gudaha iyo Gaashaa dhigga iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Markii laga soo dajiyay Diyaaraddii sidday Xasan Daahir ayaa waxaa halkaa ka bilowdey hadalo muddo dheer soconayay iyadoo laga wada hadlayay sidii laga yeeli lahaa Wadaadka iyo halkii la gayn lahaa.Muran dheer kaddib ayaa waxaa mar keliya is bedelay Mowqifkii markii hore la waday ee ahaa in Xasan daahir loola dhaqmayo si wanaagsan isla markaana aan wax dhib ah loo gaysanayn taasoo goobta ay soo xaadireen Ciidamo Nabad sugidda Dawladda Federaalka Soomaaliya ka socday kuwaasoo amar ku haystay in ay xiraan Xasan Daahir Aweys .

Odoyaashii Saraakiishii iyo Xildhibaanadii la socday Xasan Daahir ayaa arrintaa ka Madax-adeegay taasoo keentay in Ciidamadu xoog adeegsadaan isla markaana qaar ka mid ah xubnihii halkaa ku sugnaa jir dil loo gaystay.Waxgaradkii iyo Mas’uuliyiintii la socday Xasan Daahir ayaa arrintaa ku tilmaamay in Xukuumaddu uga baxday balan qaadkii hore ee ahaa in aan wax dhibaata ah loo gaysanayn lana xirayn Xasan Daahir arrintaasoo si weyn ay uga xumaadeen.

Warakii ugu Dambeeyey waxay sheegayaan in Shiikh Xasan Daahir uu ku xiran yahay Xarunta Nabadsugida , warar kale aya awaxay sheegayaan in Shiikh Xasan Daahir uu ku Xiran yahay Xarunta Xalane oo saldhig u ah Ciidamada Amisom iyadoo dadkii kale eel ala Xirey la sii daayey waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Cabbduqaadir Cali Cumar , Shiikh Yuusuf Indhacade ,Axmed Diiriye Cali iyo Xubno kale

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdey Shir ay leeyihiin Wagaradka , Siyaasiyiinta , Nabadoono iyo Xildhibaanno ka soo jeeda Beelaha Habargidir kuwaas oo ka arrinsanaya Xariga loo geystey Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ay u geysteen Ciidamada Nabadsugida iyadoo Xubno ka tirsan kuna sugan halka uu shirka ka dhacayo waxayna Sheegeen in Beesha ay ka fiirsanayso sidii kalsoonida ugala laaban lahaayeen Dowladda Fedeeraalka

Dhinaca kale Afhayeenka Dhinaca Hawl galada ee Xarakada Shabaab Shiikh Cabdulcasiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Shabaab ayaa tafaasiil ka bixiyay hawl galo ay sameeyeen Ciidamadooda. Afhayeenka ayaa sheegay in ay jireen rag ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Dhaqdhaqaaqa Shabaab kuwaas oo ku hawlnaa kala gaynta Xarakada Shabaab.

Abuu Muscab ayaa soo hadal qaaday in raggaas loogu baaqay in ay isa soo dhiibaan taas bedelkeedana ay dagaal sameeyeen dagaalkaasna ay ku dhinteen laba ka mid ah Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Xarakada Shabaab.

Afhayeenka ka Cudur-daartay Dhimashada labada Sarkaal ee Ibraahim Xaaji Jaamac Afgan iyo Burhaan oo uu sheegay in ay dhinteen iyagoo doonayay in ay dagaalamaan. Shiikh cabdilcasiis oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray inay jiraan xubno isa soo dhiibay iminka xir xiran kuwaas oo dhawaan maxkamad la soo hor taagi doono halka qaar kalena uu sheegay in ay baxsadeen laguna raad joogo.

Afhayeenka hawlgalada ayaa sheegay in Saraakiishaasi ay ku dhinteen Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose xiligii ay dagaalka sameynayeen isagoona u ku adkaystay Xubnaha iminka gacantooda ku jira in ay soo hor joojinayaan Maxkamad wixii ay ka helaana ay qaadan doonaan.

Shiikh xasan Daahir oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee ururkaas ayaa ka mid ah xubnaha isaga tegay maciin bideyna in ay iska Dhiibaan degaanada uu ka arrimiyo Maamulka Ximan iyo Xeeb taasoo Aakhiritaankii wadahadal dheer ka dib in loo soo qaado Magaalada Muqdisho iyadoo markii uu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ay Xabsiga u Txaabeen Ciidamada Nabadsugida ,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;