Wasiirka Khayraadka oo Baarlamaanka u Gudbiyey Sharciga Kaluumeysiga ee
Baddaha Soomaaliya. Waxaa maanta kalfadhigii Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka horyimid Wasiirka
Khayraadka ee Dowladda Federaalka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed , waxaana uu
Xildhibaanada Baarlamaanka uu u Akhriyey Sharciga kaluumeysiga ee Badaha
Soomaaliya ,waxaana kalfadhigii maanta soo xaadirey Golaha Shacabka Xildhibaano
gaaraya 142 Xildhibaan , waxaana Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka
Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari. Markii uu Wasiirka Dhameeyey Sharcigii ay ugu talagaleen Kaluumeysiga ee Badaha
Soomaaliya ayaa waxaa Xildhibaanada ay Codsadeen in la siiyo waqti ay ku soo
Akhriyaan Sharcigaas taasoo la sheegey in ay qaadan doonto ilaa Maalinta
Isniinta , waxaana Qoraalka maanta loo qaybiyey Xildhibaanada Baarlamaanka uu
ahaa Qoraalkii Koowaad , waxaana Maalinta Isniinta marka ay ka doodaan
Sharcigaas hadana loo qaybin doonaa Qoraaladii kale ee wajigiisa Labaad Sharciga kaluumeysiga ee uu Wasiirka uu soo gudbiyey ayaa waxaa la sheegey in uu
yahay Sharciga ay soo diyaariyeen Sharciyaqaano ku taqasusey Sharciga
Kaluumeysiga , wuxuuna Sharicga maanta la horgeeyey Baarlmaanka uu ku soo
beegmey Xili muddo 22 Sanno ah Badaha Soomaaliya ay ka socdeen kaluumeysi Xoog
leh oo Sharcidaro kaasoo Sababey in si weyn loo Xaalufiyo Badda Somaaliya ,waxaana
Kaluumeysigaas Sharcidarada ay Garwadeen ka ahaayeen dad Soomaaliyeed kuwaas oo
isku sheegayey in ay yihiin Siyaasiyiin W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2013
|