Hadalladii ay Madaxda DFS ka yiraahdeen Qaraxii iyo Weerarkii Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho
Madaxweyne Xasan: Al Shabaab waxey dhib ku hayaan shacabka mana naga leexin
karaan howlaha nabadeynta. Muqdisho, 19 June 2013 – Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya,
Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlayey qaraxii iyo weerarkii kooxaha
argagaxisada ku sameeyeen xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa yiri. "Al Shabaab waxey dhib ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Is qarxintii ay maanta u
geysteen dadkii u soo gurmaday shacabka ee arrimaha gargaarka iyo dib u dhiska
oo aan hubeysneyn waxey na tuseysaa inaysan wax muraad ah ka laheyn shacabka iyo
dalka Soomaaliya. "Waxaa la caddeeyey inay qaraxan ku dhinteen 8 qofood oo afar ay ahaayeen
Soomaali. Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan dowladda Soomaaliyeed waxey
tacsi u dirayaa eheladdii iyo saaxiibadii ay ka geeriyoodeen, isla markaana
EEBBE uga baryey in inta dhaawaca ah uu EEBBE u fududeeyo dhaawacooda. "Waxaan la hadlay Ban Ki Moon, Xoghayaha Guud ee QM iyo Nick Kay, Ergeyga Gaarka
ah ee XG ee QM, oo aan u sheegey sida aan uga xumahay falkan arxan la’aanta ah,
igana gaarsiiyaan farriinteyda dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobey. Xeradan QM
waxaa joogey shaqaale u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed, mana aheyn inay
falal noocan oo kale ah ay ka dhacaan. "Waxaan u mahadcelinayaa ciianka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo si dhaqsi leh u
gurmaday isla markaana badbaadiyey qaar ka mid ah shaqaalaha. Shaqaalaha QM ee
xarunta joogey waxey si geesinimo leh u dhaqmaan xilli ay falalka argagaxa ay
socdeen. Waxaa mahad Alle ah in a in badan bad-baadeen. "Sanadkii la soo dhaafay Soomaaliya waxey ku tallaabsatay horumar. Waxaan ku
jirnaa waqtigii dib u soo kabashada, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.
Argagaxnimo iyo dagaal noocan oo kale ah ma naga leexinayaan waddada horumarka
ee aan ku socono. "Al Shabaab waxey ka soo horjeedaan nabadda shacabka. QM iyo dhammaan hay’adaha
saacida Soomaaliya way ogyihiin in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar oo aan
wadajirkeena si xoog leh u wada taagnaan karno oo aan ka wada shaqeyn karno
sidii dalka amni iyo kala danbeyn loogu soo celin lahaa.” - DHAMAAD - For further information please contact Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,
engabdirahman@gmail.com
+252 615 479911 or +252 699 998854
Ra’iisul Wasaare Saacid “Qaraxyada Fulaynimada Ah Nagama Hor Istaagayaan
Dib U Soo Celinta Nabadda.”
Muqdisho, 19, June,
2013..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax
Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u cambaareyey qaraxii ka dhacay maanta xarunta
QM ay ku leedahay Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan uu la qaatay Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya
Nicolas Kay, uga tacsiyeeyey shaqaalihii ku waxyeeloobay qaraxyadii
ismiidaaminta ahaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dadk reer muqdisho inay is dajiyaan,
dowladuna ay qaadayso talaabooyin lagu xaqiijinayo amniga.
“Ciidanka qaranka ayaa si geesinimo leh uga jawaabay ficilkaan axmaqnimada ah
waxayna ka hortageen khasaaro intaas ka badan, ciidankuna waxay u taagan yihiin
difaaca shacabkooda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana xusay
in Hay’adaha QM ay diyaar u yihiin u dhabar adeegida ficilada ay gaysanayaan
argagaxisadu. Lakiin Al-shabaab ma hor istaagi karaan hanaanka nabad ku soo
dabaalida dalka, ma joojin karaan dib-u-kabashada, rabshaduhuna ma guulaysan
doonaan.
Dhanka kale Ergayga gaarka ah ee QM Nicolas Kay ayaa dhankiisa sheegay inuu soo
dhaweynayo tacsida qaran ee dowladda iyo garab istaagooda, waxuuna si xoog leh u
canbaarayey qaraxii lala eegtay maanta xarunta QM.
“Hay’adaha QM waxay dalka u joogaan sidii ay caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed,
mana niyad jabinayso qaraxyadii maanta lagu qaaday xarunta QM, waxaana halkaan
uga tacsiyeeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxyada oo isugu jira Soomaali iyo
shaqaale Ajanabi ah, ficilkaana maahan mid naga hor istaagaya inaan Soomaaliya
ka sii shaqayno” ayuu yii Nicolas Kay
Ergayga qaramada midoobay ayaa hoosta ka xariiqay inay si xowli ah ku sii socon
doonto garab istaaga dowlada Soomaaliya
“Dowladda Soomaaliya ayaa hormuud ka ah shaqooyinka aan u joogno dalka, waxaana
diyaar u nahay in markasta kula shaqyano duruufaha adag ee soo wajaha shaqada
aan u hayno shacabka Soomaaliyeed, waxaana halkan uga mahad celinayaa ciidanka
Soomaaliya iyo shaqaalaha QM oo ku jiray xarunta oo badbaadiyey dad faro badan”
ayuu yiri Nicolas Kay
----DHAMAAD---
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogdisho-Somalia
Media@opm.gov.so
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo QM Uga Tacsiyadeeyey Weerarkii Argigixiso Ee Maanta
-- June 19, 2013…. WARSAXAAFADEED
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga tacsiyadeeyey QM weerarkii argigixisonimo ee maanta lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ay ku leedahay magaalada Muqdisho. Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “waxaan doonayaa inaan halkaan tacsi ugu diro QM oo aan uga tacsiyadeeynayo weerarkii argigixisonimo ee maanta lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho, runtii falkaasi waa fal argigixisonimo oo aan raad ku laheyn diinta Islaamka” Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” waxaan rajeynayaa falkaasi argigixisonimo inuusan saameyn ku yeelan doonin howlihii samafal ee ay hay’adaha QM ka wadeen gudaha Soomaaliya gaar ahaanna barnaamijyadii hormarinta ee ay Hay’adda UNDP ka waday gudaha Soomaaliya iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Caalamka” Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay inuusan falkaan argigixisonimo saameyn ku yeelan doonin dadaallada hormarineed ee ay Dowladda Federaalka iyo Shacabiga Soomaaliyeed ku doonayaan iney Dowladnimadooda ku hormariyaan. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney meel ugasoo wada jeestaan cadawgooda taasina ay tahay xalka kaliya ee looga adkaankaro argigixisada. ----DHAMAAD---- Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2013
|