Madaxweynaha oo ka qeybgalay xafladdda Boqoradda UK, kana hadlay shirka
hordhaca G8, kulana la qaatay David Cameron
Warsaxaafadeed: JS/XM/DOC/ 646/13
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud
ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK David Cameron, isla markaana
ka qeybgalay xafladda dhalashada Boqortooyada UK, isla galabtanah khudbad ka
jeediyey shirka hordhaca G8 oo looga hadlayey arrimaha canshuuraha, ganacsiga
xorta ah iyo maamul wanaaga.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey David Cameron sida uu arrimaha
Soomaaliya door hoggaamineed uga qaatay. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay
xiriirka labada dal, horumarka ballaaran ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee
dalka Soomaaliya iyo sidi dalka dib loogu dhisi lahaa.
Madaxweynaha ayaa warbixin kooban ka siiyey David Cameron xaaladda dalka,
shirkii Yokohama ee dalka Japan, qorsheyaasha dib u heshiisiinta dalka iyo sidii
dowladda UK ay door muhiim ah uga qaadan laheyd shirka Brussels ee 16ka
September 2013.
Madaxweynaha ayaa maanta ka mid ahaa madaxda caalamka ee ka qeybgalay xafladda
Boqortooyada Ingiriiska Queen Elizabeth II oo ah markii ugu horreysey ee
Madaxweyne Soomaaliyeed lagu casuumo xafladan muhiimka ah oo muujineysa sida
David Cameron uu ugu qanacsanyahay hoggaanka Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamud iyo qorsheyaashiisa cad-cad ee Soomaaliya lagu gaarsiin lahaa nabad,
bash-bash iyo barwaaqo.
Xafladda Boqortooyada ka dib, Madaxweynaha waxaa qado sharaf u sameeyey David
Cameron iyo ku xigeenkiisa. Ka dibna Madaxweynaha iyo madaxda kale ee caalamka
waxey ka qeybgaleen shirka hordhaca G8 oo lagu qabtay xarunta Lancaster House ee
London oo Madaxweynaha uu halkaas khudbad taariikhi ah ka jeediyey. Shirkan ayaa
looga hadlayey arrimaha Canshuuraha, Ganacsiga, iyo sidii kheyraadka looga
ganacsado sida shidaalka loogu heli lahaa hab fur-furan oo kalsooni siin kara
shacabka deegaanada kheyraadka leh, oo uu David Cameron oo ah Guddoomiyaha
Sanadkan ee G8 uu aad u daneynayo oo go’aanada ka soo baxa shirkan uu la tagi
doono shirka Madaxda G8 oo ka dhici doono Waqooyiga Ireland 17ka iyo 18ka June.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegey in Soomaaliya maanta ay dhidibadda u
aaseyso haykalkii dowladda oo ku dhisan maamul wanaag iyo in dhaqaalaha dalka
loo sameeyey nidaam keeni kara kalsooni oo uu sheegay in shirkan G8-ka uu muhiim
u yahay dalalka Soomaaliya oo kale oo ka soo kabanaya collaado una gudbaya nabad
iyo horumar. Madaxwweynaha khudbadiisa waxuu ku sheegey in Soomaaliya ay
diyaarisay shuruucdii lagu maamuli lahaa maalgashiga dalka iyo sidii kheyraadka
dalka laga soo saaro loogu maamuli lahaa si fur-furan, isagoo uga mahadceliyey
David Cameron sida uu caalamka hormuudka uga yahay arrimaha maamul wanaaga iyo
horumarka oo Soomaaliyana ay ka faa’iideysan doonto khibradaha dalka UK.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xasan
Suleebaan ayaa lagu wadaa inay 16ka Juun 2013 soo gabogabeyn doonaan safarkooda
London.
- DHAMAAD –
--
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2013
|