SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xubno ka socda Wargeyska Somali Tribune ee ka soo baxa Wadanka Canada oo soo Booqdey Xarunta Wargeyska Xamar ee Muqdisho
 



Waxaa Xarunta Wargeyska Xamar ee Magaalada Muqdisho soo Booqdey Xubno ka tirsan wargesyka Somali Tribune ee ka soo baxa Magaalada Toronto ee dalka Kanada waxaana Hogaaminayey Xubnahaasi Cabdiraxiim Cali Raage

Waxaa Xarunta Wargesyaka u Soo Dhaweeyey Tafafatiraha Wargeyska Xamar Axmed Maxamuud Dhicisow iyo Qoraa Sare Amiin Yuusuf Khasaaro , waxaana Xubnahaas ka socdey Wargeyska Somali Tribune looga warbixiyey Qaabka uu ku shaqeeyo Wargeyska Xamar iyo maraxaladihii uu soo marey iyo Caqbadaha hortaagan Wargeyska

“Wargeyska Xamar waxaa uu jiraa oo uu soo baxayey Muddo 10 Sanno , waana Todobaadle Madaxbanaan oo soo baxa Maalin kasta oo Isniin”ayuu yiri Tafaftiraha Wargeyska Xamar Mudane Dhicisow Muddo Dheer ka soo shaqeynayey Madbacada Qaranka soona Noqdey Xoghayihii Naadiga Madbacadda Qaranka

Mudane Cabdiraxiim Cali Raage oo ka socdey Wargeyska Somali Tribune oo isna halkaas ka Hadley ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo booqdo Xaranta Wargeyska Xamar , wuxuuna isna ka warbxiyey wargeyska Somali Tribune oo sheegey in Muddo dheer uu ka soo baxayey Magaalada Toronto ee dalka Kanada , waxaa kale uu sheegey in Wargeyska Somali Tirbune uu soo baxo Bishiiba Mar isagoo sheegey in ay u tala jiraan in ay ka dhigaan Tiododbaadle ka dibna Maalinle

“Waxaan ku ku tala jirnaa in Mustaqbalka Dhow Wargeyska Somali Tirbune Muqdisho la keeno isagoo Iib ah ka dibna waxaan ku rajo weynahay in wargeyska Somali Tribune laga soo saaro Magaalada Muqdisho”ayuu yiri Mudane Cabdiraxiim Cali Raage

Labada Dhinac ayaa is,ku afgartey in ay is dhaafsdaan Xogaga ku saabsan Wararka Soomaalida iyo in Wargeyska Somali Tribune lagu Iibiyo Muqdisho Xubnaha wargeyska Xamar iyagana Wakiil uga Naqdaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Isbedal lagu Sameeyey Isku Aadka Kagame Cup

Xafiiska Xoghayaha guud ee ururka Kubada Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA Mr. Nicholas Musonye ayaa is badal ku sameeyay Jadwalkii Tartanka Cecafa Kagame Club Cup oo horay loo soo saaray, waxaana tani ay kusoo beegmeysaa iyadoo maalmo ay ka harsan yihiin Tartanka oo lagu wado in uu furmo 18-ka bishan.

Isbedalka ayaa yimid kaddib markii qaar ka mida kooxo horay isu diiwaan geliyayay ka bexeen Tartanka halka koox cusubna ay Tartanka kusoo biirtay. Kooxda Falcans ee jasiirada Zanzibar ayaa gebi ahaanba tartanka isaga baxday oo aan imaan doonin iyadoo booskeediina ay durbaba soo buuxisay kooxda Electric—sport ee dalka Chad.

Arrintana yaa keentay in Xafiiska xoghayaha guud ee ururka kubada cagta Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA Mr. Nicholas Musonye uu si deg deg ah usoo saaro jadwalka cusub oo la filayo in aan mar dambe wax laga badalin maadaama Kooxaha kale oo dhan ay diyaar yihiinwaqtiguna dhowyahay.

Kooxda Elman ee ka socota dalka Soomaaliya ayaa ku jirta group-ka A oo ay kula jiraan kooxo ad-adag oo ay ka mid tahay Kooxda Elmarrerikh ee dalka Sudan, sidoo kale kooxaha APR iyo Vtalo oo ka kala socda dalalka Rwanda iyo Burundi ayaa ku wada jira group-ka A.

Kooxda Elman ee dalka Soomaaliya ayaa cayaarta ugusoo horeysa waxaa ay la yeelan doontaa kooxda APR ee dalka Burundi cayaartaas oo ka dhici doonta Garoonka Elfasher.

CECAFA KAGAME CUP 2013

18THJUNE – 1st JULY – SUDAN

Team Fixture List

 

GROUP( A) –EL FASHER                                 GROUP( B)-EL FASHER                           GROUP C- KADUGLI
MERREIKH-ELFASHER-SUD                         Rayon sport-Rwanda                                Al-Hilal  (k)- SUD  
                                                                   

APR-RWANDA                                                EXPRESS FC UGANDA                                AL AHLY SHANDI-SUDAN                             

Vitalo –BURUNDI                                         Ports -DJIBOUTI                                               URA- Uganda                        

ELMAN-SOMALIA                                          Electric – sport- Chad                                                                                                      

(QUALIFICATION: GROUPS( A)  AND(B)1 -2-3 & GROUP C 1-2 QUALIFY TO THE QUATER FINALS.

DATE

NO.

TEAMS

GROUP

VENUE

TIME

Tue. 18thJun. 2013

1

Al-Hilal  (k)Vs URA                                                                                            

C

KaduglI

3.00 Pm

Wed.19thJun. 2013

2

ELMAN Vs APR

A

Elfasher

3.00 Pm

 

3

MERREIKH Vs Vitalo

A

Elfasher

5.00 Pm

Thur.20thJun. 2013

4

URA Vs AL AHLY

C

KaduglI

3.00 Pm

 

5

PortsVs EXPRESS

B

Elfasher

3.00 Pm

 

6

  Electric Vs Rayon

B

Elfasher

5.00 Pm

Frid. 21st Jun.2013

7

VitaloVs ELMAN

A

Elfasher

3.00 Pm

 

8

APR Vs MERREIKH

A

Elfasher

5.00 Pm

Sat. 22nd.Jun.2013

9

Express Vs Rayon

B

Elfasher

3.00 Pm

 

10

Electric VsPorts

B

Elfasher

5.00 Pm

 

11

AL AHLY Vs Al-Hilal 

C

KaduglI

3.00 Pm

Sun.23rdJun. 2013

12

VitaloVs APR

A

Elfasher

3.00 Pm

 

13

MERREIKH Vs ELMAN

A

Alfasher

5.00 Pm

Mon 24th Jun 2013

14

RayonVs Electric

B

Alfasher

3.00 Pm

 

15

Express Vs Ports

B

Elfasher

5.00 Pm

Tue. 25th Jun.2013

 

REST DAY

 

 

 

Wed.26th Jun.2013

 

QUARTER FINALS

 

 

 

 

16

B1VsA2

 

Elfasher

TBD

 

17

C1VsA3

 

Elfasher

TBD

Thur.27thJun. 2013

18

A1VsB3

 

Elfasher

TBD

 

19

B2VsC2

 

Elfasher

TBD

 

 

SEMI FINALS

 

 

 

Fri. 28th  Jun 2013

20

WINNER16 VS WINNER 17

 

EL-FASHER

TBD

Sat 29th Jun 2013

21

WINNER18 VS WINNER 19

 

EL-FASHER

TBD

Sun.30thJun. 2013

 

REST DAY

 

 

 

Mon. 1st July 2013

 

      FINALS                                               

 

 

 

 

22

LOOSER  20 VS LOOSER 21

 

EL-FASHER

TBD

 

23

WINNER 20 VS WINNER  21

 

EL-FASHER

TBD



W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;