Qiimaha Cadaalada.
W/Q Ahmed Mohamed Roble Hordhac
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena
Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Diinta islaamka Cadaalada waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah Waa mowduuc aad u
weyn oo xiriir la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iwm. waxaana lagu
sheegay quraanka & sunaha sidoo kale waxaa jira aayado iyo xadiisyo badan oo
kusoo arooray in cadaaladu tahay shay muhiim ah u ah dhismaha/jiritaanka
shaqsiyadeed, qoyseed & Midka qowmiyaheedba. Fikrada cadaalada waxa ay la
xiriirtaa sinaanta xaqa iyo runta iyadoo aan la isku kala saareynin sababo la
xiriiro midab, dhalasho ama mararka qaar diin. Cadaaladu makala laha sareyn,
nasab, hanti ama sharaf waa mid ay tahay in loo wada sinaado shaqsi walbana ay
qabato si isku mid ah.
Cadaalad in la bixiyo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u
taagnaan karto dowlad islaam ah hadiise la waayo waxaa la waayi madaxda iyo
dowladaa sidii loo waayay Qadaafi iyo Xusni Mubarak. Mararka qaar waxaa dhacda
dunida in cadaalada aanan la helin in badan sidoo kalana in cadaalada aysan
helin dadkii mudnaa tusaale ahaan inaan si saxan bulshada xoolaheedi ama xaqeedi
loogu maamulin.
Cadaaladu waa waajib. Erey ahaana cadaalad micnaheedu waa isku
dheelitirnaan. Sida aan kasoo xiganaayo Cimlaaqi aqooneed ee masaariga ahaa Dr.
Sayyid qutb wuxuu yiri cadaalada bulshadeed waxa ay ka kooban tahay seddex
sheey: 1) In qofka xurnimo dhameystiran u lahaado dareenkiisa/keeda. 2) In
bani’aadmigu sinaado {Waxyaalaha Qaar} & 3) Isku xirnaanta bulshada taasoo
micnaheedu yahay kasoo bixida masuuliyada bulshadeed micnaheeduna ma aha dareen
ahaan ee waa qaadida ficilo dhab ah sida bixinta zakada Hadiise ay jirto in ay
baahida bulshada kaafin weydo waa in lacag dheeri ah laga qaadaa dadka wax
heysta.
Nabigeena Maxamad {NNKH} wuxuu yiri todobada qof ee aakhiro harka
ilaaheey harsanaya waxaa ku jira shaqsi u cadaalad falay dadkii uu xukumayay.
Waxaa markaa muhiim ah in cadaalad darada laga fogaado. Cadaalada waxeey keentaa
nabada, Midnimada, horumarka dhinacyadiisa kala duwan xag buslsho, xag
Aaqooneed, dhaqan dhaqaale & ilbaxnimo. Gardarada iyo isbidida awooda ee koox,
Qabiil ama reer isbidaan kuna dulmiyaan kuwo kale ayaa waxa ay cadaalad daro soo
jireen ka aheyd soomaaliya in badan. Cadaaladu wax walba ayey soo galeeysaa oo
ay ka mid yihiin:
Ø Hogaanka/Qofka wax xukumaya iyo cadaalada Shaqsigaa wax xukumaya waxuu noqon karaa madaxweyne, Qareen maxkamadeed ama qof
mudan sida oday dhaqameed oo gar goynaya ama looga fadhiyo sameynta cadaalada
waxaa qasab ah in go’aankaa la mariyo cadaalada. Ilaaheey {sc} wuxuu jecel yahay
quraankana ku yiri dadka cadaalada sameeyo hadii ay waxa ay xukminayaan haku
saleeyeen cadaalada. Sidoo kale qofka furaya marqaati hadaladiisa haku saleeyo
run iyo sida dhabta ah ee wax u jiraan. Ø Dhexdhexaadinta bulsho & Cadaalada Waxaa sidoo kale muhiim ah in cadaalada ay noqoto aalad la adeegsado marka
bulsho la dhexdhexaadinayo gaar ahaan bulsho burburtay oo arinteedu murugsan
tahay waxaa lagama maarmaan ah in adeegsiga cadaalada ay wax badan soo dhiseyso.
Dhexdhexaadintaa ayaa waxeey noqon kartaa labbo koox oo diriray, Labo qabiil oo
colaadi dhexmartay, Ninki & xaaskiisa,labbo dowladood oo dagaalamay waxaa waajib
ah in cadaalad laga sameeyo dhamaan. Ø Wadaagida, U sinaanta Fursadaha, & ilaha dhaqaale ee dalka Fursadaha shaqo, waxbarasho, dalacsiin, adeeg, taakuleyn iyo in kale oo badanba
waxaa bulshadu ay u baahan tahay in ay u sinaato si cadaalad ahna u qeybsato.
Kartida iyo aqoonta in lagu qiimeeyo qofka laguna kala saaro dadka waa muhiim.
Ka gudbida reer hebel iyo koox hebel in laga tago oo cadaalad loo gudbo ayaa
qasab ah wax walbana lagu wadaago cadaalad hadii ay noqon laheyd waxbarasho oo
tusaale ahaan hadii minxo waxbarasho la helo dhamaan gobalada dalka si isku mid
ah u qeybsadaan sidaa si la mid ahna shaqooyinka iyo adeegyada bulshada. Wey
adag tahay in si dhaqso ah lagu helo cadaalada noocaan ah balse waxeey u baahan
tahay dadaal badan. Dunida taariikhdeeda waxaa bogag badan ku qoran cadaalad
daro iyo gardarooyin badan tusaale ahaan dalka mareykanka oo ah dal xurnimada,
dimuqraadiyada iyo horumarka ku faana waxaa taariikhdiisa ka mid ah cadaalad
daro badan oo midab takoorka uu ugu weynaa iyada oo waxyaabo badan oo kalana
jireen. Ø Nolosha Qoyska & cadaalada Cadaaladu waxaa sidoo kale ay mudan tahay in marka hore ay kasoo fusho qoyska
dhexdiisa. Hooyada, Aabaha, Iyo caruurta oo dhan in ay cadaalad ku wada
noolaadaan. Qofkii rabo hal xaas ka badan oo u cadaalad fali karinoow iska jir.
Sidoo kale u cadaalad falida caruurta iyo simida xuquuqda ey kugu leeyihiin ayaa
muhiim ah. Ugu dambeynti qofka aad iska soo hor jeedaan ee ama muslimka ah ama
gaalka ah waxaa loo baahan yahay in cadaalad loo sameeyo. Sharciga: Sharciga guud ahaantiis waa hanaan amaro, qawaaniin, xeerar, xeer deegaan iyo
noocyo kale oo heshiis ah ay ku jiraan. Shareeco ahaan waa kala garashada xumaha
iyo samaha {Moral code} inkastoo aan ku dheeraan Karin shareecada balse waxeey
la xiiraartaa ama xal u tahay arimaha la xiriira siyaasada, dhaqaalaha,
dambiyada, iyo sidoo kale nolosha qofka oo badan. Waxa muhiim ah in la fahmo in
sharciga uu salka ku hayo ama baroosin u yahay xuquuqda. sharciga aad fulineyso
wuxuu ka tarjamayaa wacyiga iyo garashada aad u leedahay xuquuqda insaanka.
Hadii aadanba aqoonin wax xuquuqul insaan layiraahdo, sharcigaaguna ma garan
karo xuquuqda insaanka aad ku fulineyso ciqaabta. Sidaa daraadeed xuquuqdu waa
sharci, sharciguna waa xuquuq. Hadii xuquuqda qofku maqan yahay, sharciguna wuu
maqan yahay, sida hadii sharcigu maqan yahay xuquuqda qofkuna u maqan tahay.
Sidoo kale xuquuq sharci ah iyo sharci xaq ah, isma duudsiyaan. Mana jiro wax u
dhexeeya, in labaduba xuquuqda iyo sharcigu wada joogaan ama wada ay meesha
kawada maqan yihiin. Cadaalada, Doorka Nabad dhiska & Dib u heshiisiinta ? Waxaa marag ma doonto ah in cadaalada muhiim tahay marka la rabo in la dhiso
nabad waarta, dad kala irdhoobay oo diriray sida somalida oo kale ah dib loo
heshiisiiyo. Dhow heshiisyo ayaa dalka ka dhacay balse ma aheyn kuwo ku saleysan
cadaalada. Sidoo kale dalka dibadiisa waxaa ka dhacay heshiisyo ilaa 15 gaaraya
oo dowlado lagu soo dhisay waxna kama ay soo naaso cadaan waxaana sabab u ahaa
cadaalad daro iyo iyada oo aan la helin dad u bisil fulinta howshaa cadaalada,
qiyamka & anshaxa mariya. Cadaalada nabada iyo dib u heshiisiinta waa isku xeran
yihiin waxaana muhiim ah in waqti, fikir, maskax badan la geliyo sidii lagu
gaari lahaa si sahlan. Cadaalad daro ayaa keentay in meesha ay ka baxdo dowladii
quwada weyneed ee soomali laheyd su’aasha ugu weyn ee la rabo in jawaab loo helo
waa side cadaalad lagu helaa dalki, calanki & dadki somaaliyeedna dunida dib uga
muuqdaan. Waxaan kusoo gabo gabeynayaa labo qodob oo muhiim ah in la fahmo mudana in
lagana hergeliyo dalka cadaalad ahaan kuwaa oo keeni kara guulo waaweyn. 1) Cadaalad Waxaa muhiim ah cadaalada la kaashado si nabad, degenaan & midnimo lagu gaaro.
Cadaaladuna waxa ay keentaa dhamaan intaas hadii ay ahaan laheyd horumar, nabad,
karti iyo sinaan in wax lagu wadaago iwm. 2) Hey’adihi cadaalada Maxkamado, Qareeno, Xeerar iyo sharciyo dhameystiran in la helo waa lagama
maarmaan. Sidoo kale in maxkamada sare yeelato awood weyn ayaa wanaagsan oo
xitaa ay soo xiri karaan ama awooda ka qaadi karaan madaxda dalka hadii ay dambi
galaan tusaale ahaan Raisulwasaarihii hore ee dalka Pakistan Gillani waxaa
xilkaka qaaday maxkamadii sare ee dalka masuqmaasuq baahsan awadeed. Waxaa kale
oo jira in la helo dad u carbiyeysan oo hufan oo howlahaan oo dhan qabta. W/Q Ahmed Mohamed Roble
Cilmibaare ka tirsan Machadka horumarinta dhaqaalaha Pakistan & Qoraa {BBA, MBA
(Progress)}
amrooble10 [A T } hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 14, 2013
|