SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dowladda Soomaaliya oo sagootisay UNPOS iyo Ambassador Mahiga

Muqdisho 10 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud, ayaa maanta qado sharaf ugu sameeyey Danjire Augustine Mahiga madaxtooyada.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen ayuu madaxweynahu yiri "Maanta Saaxiib ayaan sagootineynaa. Saaxiib nala joogey waqtiyo adag iyo kuwo kaleba. Saaxiib aan ka daalin caawinaada Soomaaliya oo suurtogeliyey in Soomaaliya ay afar sano isbedel muuqda ka sameysey amniga iyo siyaaasadda.

"Mahiga waa saaxiibkeyga iyo sidoo kale saaxiibka Soomaali oo dhan. Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan is naqaano, oo marka buugaagta taariikhda la qoro in doorka Dr Mahiga iyo kaalmadiisa Soomaaliya aad loogu riyaaqi doono oo loo sacab tumi doono.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadiyado isgu jiro shahaado sharafeed, iyo dharka dhaqan Soomaaliyeed iyo weliba baat iyo mindi guddoonsiiyey.

"Dr Mahiga waxuu ahaa qoraagii Roadmap-ka. Inkastoo ay jireen shakiyo in si nabad ah lagu dhameystirayo Roadmap-ka, haddana waxuu ahaa Roadmap-kan oo isu keenay Soomaali oo dhan, oo u horseeday dib u heshiisiin keentay in la helo dowlad rasmi ah.

"Khibradiisa, waayo aragnimadiisa, degennashihiisa, dulqaadkiisa iyo dabeecadiisa wanaagsan iyo xushmaddiisa aad baa loo tabi doonaa.

"Waxuu aaminsanaa Soomaaliya goor ay dad badan diidanaayeen. Waxuu shir guddoomiyey shirar badan isagoo ogaa in shirarkaas oo isu tagay inay muhiim u ahaayeen mustaqbalka. Diiradiisu waxey marwalba u saarneyd shacabka Soomaaliyeed, waxuuna ku guuleystay in si nabad ah dowlad rasmi ah loo helo oo dad badan ay aaminsanaayeen inaysan dhaceynin.

"Waxuu Soomaaliya gaarsiiyey waddadii soo kabashada, waxaana u ballanqaadeynaa inaan sii wadeyno shaqadii uu bilaabay inagoo siduu aaminsaa rumeysan. Magaca dalkan wanaagsan ayaa ugu mahadcelinayaa Dr Mahiga.”

- DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson

 Madaxweynaha Somalia oo markale ku baaqan nabad iyo joojin dagaalka Kismaayo.

Muqdisho, 10 June 2013 Madaxweynaha oo warbaahinta maana Muqdisho kula hadlayey ayaa ka hadlay dagaalada Kismaayo oo uu yiri “ Waxaan ugu baaqayaa Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee Kismaayo inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha ka socda Kismaayo. Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Kismaayo ma aqbali karaan dagaalada oo sii socda oo shacabku wey ka daaleen dagaallo.

“Waxaan wada leenahay hal cadow oo ah Al-Shabaab oo ka soo horjeeda nabadeena, qaranimadeena, wadajirkeena iyo iyagoo sumcadda ka dila diinteenna.

“Dagaalka shacabka dhexdiisa ah aad buu noo wiiqaa oo ay fursad ka dhigtaan Al-Shabaab. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin.

“Dowladdu waxey dhowana qaban doontaa shir dib u heshiisiineed oo loo qabanayo dadka deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo iyadoo la tixgelin doono dhammaan aragtiyada kala duwan iyo qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed. Waana inaan helnaa xal danta guud ah oo noo dhisa mustaqbal nabad ah.”

- DHAMAAD _

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor & Spokesperson

Office of the President of the Federal Republic of Somalia
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;