Madaxweynaha Somalia oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda Kismaayo
Nairobi, 07 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa aad iyo aad uga xumaaday dagaallo saakay ka
dhacay magaalada Kismaayo, kuna baaqay in si deg deg ah loo joojiyo collaadaha
iyo dagaalada Soomaalida dhexdeeda ah.
Madaxweynaha
Soomaaliya ayaa ugu horreyntii yir “ Waxaan tacsi kal iyo lab ah u direyaa intii
ku geeriyootay dagaalkii saakay ee Kismaayo, ILLAAH-na uga baryayaa inuu janadii
ka waraabiyo, eheledii iyo shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale waxaan EEBBE uga baryayaa in inta dhaawaca ahna uu u fududeeyo
dhaawacooda.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay
in waqtigan xasaasiga ah oo Soomaaliya ay ka soo kabaneyno dagaaladii 22ka sano
inay nasiib daro tahay in Soomaali dhexdeeda is disho, waxuuna yiri “ Waxaan ku
baaqayaa in xasiloonida la wada illaaliyo oo nabadeynta laga wada shaqeeyo.
Dagaal shacab baa nooga dhinta oo qiimo iyo qaayo weyn noo wada leh.”
Madaxweynahu waxuu ku baaqay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay ka fogaadaan
wax walba oo keeni kara collaad, dagaal iyo dulqaad la’aan. Madaxweynahu waxuu
yiri “Dowladdu waa ay ka go’antahay inay wadahadal, dib-u-heshiisiin iyo si
soomaalinimo ah ku wajahdo, kuna dhameeyso dhammaan khilaafka jira si aan u wada
gaarno himilada aan wada hiigsaneyno ee ah in Soomaaliya ay cagaheeda isu
taagto, lana tartanto caalamka kale.” Ayuu madaxweynahu ku soo gabogabeeyey
hadalkiisa.
- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President
The Federal Republic of Somalia
engabdirahman@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2013
|