Hayadda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo Howlo Samafal oo ku Aadan Bisha
Ramadaan ka Fulisey Dalka Soomaaliya.
Waxaa noo Suurta gashey in aan Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku Booqano
Gudoomiyaha Hayadda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta Mudane Shariif Maxamed
Cabdalla waxaan wax ka weydiiney Howlahii Samafal ee aya Hayadda ka Fulisey
Dalka Soomaaliya inta lagu Guda jira Bisha Barakeysan ee Ramadaan wuxuuna
Sheegey in tan markii ay dhalatey Bisha Ramadaan in Dad aan heli Karin wax ka
Furaan ay Hayada u sameysey Goobo ay ka heli karaan Raashin si ay ugu
Afuraan,Sidoo kale Gobolada dalka ayey ka Hayadu ka wadaa Barnaamijka Afurinta .
Gudoomiyaha ayaa wax laga weydiiyey in ay Hayada Gacan siin doonto dadka aan
heli Karin wax ay ku Ciidaan iyaga iyo caruurtooda waxaana uu ku Jawaabey “
Waxay Hayada Diyaarisey oo ay Maalmahaan qaybineysey in Dad gaareya Toban Kun oo
isugu jira Caruur iyo Dad waaweyn ay siiso Dhar ay ku Ciidaan si Maalinka Ciida
ay iyana Farxada ula Qaybsadaan Dadka kale ee Ciidaya sidoo kale Guud ahaan
dalka ayey ka ka wadaa Barnaamijka Ciida ee lagu Taakuleynayo Dadka aan heli
Karin wax ay ku Ciidaan ”
Mar aan wax ka weydiiney in Waqtiyadaan Dambe uu hoos u Dhacay ku yimid
Gargaarkii ka Imaanayey Adduunka ee la keenayey Soomaaliya wuxuuna ku Jawaabey “
Waa Runtaa Gargaarkii Soomaaliya Waayadaan Dambe hoose u Dhac ayaa ku yimid mana
Garan Garno Sababta arrintaas ay ku timid hase yeeshee Hayadda Bisha Cas
Weligeed waa wadey Gargaarka ay siinayeen Shacabka Soomaaliyeed ee Dhibaateysan
waxaana kuu sheegayaa in Hayadda Bisha Cas ee Imaaraadka Caawinaadaas weligeed
ay wadi Doonto inta Soomaaliya ay ka taagan yihiin Dhibaatooyinka “
Hayada Bisha Cas ee Imaaraadka waa Hayad 23 Sanno ee la soo dhaafey ka
Howlgaleysey Dalka Soomaaliya waxayna Soomaaliya oo dhan ka wadey Howlo Samafal
Dhinacyo badan taabanaya kuwaas oo isugu jira Arimaha Caafimaadka , Waxbarashada
Qodida Ceelasha , Taakuleynta Agoonta iyo u Gargaarida Dadka tabaaleysan
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2013
|