SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Baarlamaanka oo Walaac ka Muujiyay Xaaladda Amniga ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo looga yeerey Xarunta Baarlamanka


Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Amniga ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho oo maalmahaan si aad ah uga dareysey Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku fashilantay isla markaana ay wax ka qaban weyday falalka Qaraxyo oo muddooyinkii dambe ku soo badanayay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in maalmahan dambe Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen Dilal Qorsheysan iyo waliba Qaraxyo lagu qaadayo Goobaha ay Maamusho Dawladda Federaalka Soomaaliya taasoo uu sheegay in ay ka dhasheen falal isugu jira Dhimasho, Dhaawac iyo burbur.

Guddoomiye ku Xigeenka ayaa ugu baaqay Hay’adaha Ammaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan Qaraxyada iyo falalka liddiga ku ah Ammaanka guud ee Dalka gaar ahaana Magaalada Muqdisho oo haatan faraha ka sii baxaya.

Hadalkan Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli maalinimadii shalay Degmada Xamar Weyne Qarax lagula beegsaday laba Mudane oo ka tirsan Barlamaanka ka gadaal markii Gaari ay wateen lala eegtay Qarax in kastoo ay ka badbaadeen Qaraxaas .

Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayuu Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ciilmooge uu sheegeyin todobaadkan wax badan laga qaban doono Ammaanka Muqdisho isla markaana maalmaha soo socda lagu arki doono Magaalada Muqdisho Ciidamo aan weligeed hore loogu arag oo ammaanka sugaya.

Dhinaca kale waxaa Baarlamaanka Dowladda Federaalka ay waxa Maalinta Axadda ah ay u yeertey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed in uu Hor yimaado Golaha Baarlamaanka Dowladda si wax looga weydiiyo Arrimo fara badan oo la xiriira Amaanka sii Xumaanayo ee Magaalada Muqdisho


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | July 25, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;