SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Madaxweyne Xasan “Midowga Yurub waxaan u siinay dhulka inay xafiisyadooda u soo guuraan Dalka Gudihiisa”

  • “Waxaan shirka Brussels ka sugeynaa inuu xasilinta iyo horumarka dalka qeybweyn ka qaato.”

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS:

Muqdisho, 24 July 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii dhul bixinta guddoonsiiyey Nick Westcott oo ah Agaasimaha guud ee Afrika ee Midowga Yurub, si Midowga Yurub ay xafiisyadooda u soo guuraan dalka gudihiisa oo ay si rasmi ah uga howlgalaan.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlayey Muqdisho ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan idin siino dhul si aad xafiisyadii Midowga Yurub ay uga howlgalaan dalka gudihiisa oo ay shacabkii Soomaaliyeed u soo dhowaadaan.”



Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Midowga Yurub waxaan uga mahadcelineynaa sida ay marwalba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, codsiga dhulkana waa calaamad tusineysa sida ay uga go’antahay inay dalka uga howlgalaan, oo ay mashaariic horumarineed oo anfacaya shacabka Soomaaliyeed uga hirgeliyaan.”



Madaxweynaha ayaa sheegey in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad ay tallaabooyin horumarineed key tallaabsaneyso maalinba maalinta ka danbeysa. Midowga Yurub marka uu si rasmi ah uga howlgallo dalkana ay kaalin weyn ka qaadaneyso sidii ay dowladda ugala shaqeyn laheyd mashaariicda horumarineed oo shaqooyinka loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed oo diyaarka u ah inay dalkooda si hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan.

Nick Westcott ayaa aad iyo aad uga mahadceliyey waraaqihii dhul bixinta oo la guddoonsiiyey, sheegeyna in Midowga Yurub uu marwalba garab taagan yahay Dowladda Soomaaliyeed oo uu hoggaamiyo Mudane Xasan Sheekh Maxamud.

- DHAMAAD –

Madaxweyne Xasan “Waxaan shirka Brussels ka sugeynaa inuu xasilinta iyo horumarka dalka qeybweyn ka qaato.”

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS

Muqdisho, 24 July 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgalay shir ay diblomaasiyiinta beesha caalamka isagu yimaadeen Muqdisho oo looga hadlayey shirka 16ka September ka dhacaya Brussels. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamud Xasan Suleymaan, Nick Westcott oo ah Agaasimaha guud ee Afrika ee Midowga Yurub, Marcus Cornaro oo ah Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Xiriirka iyo horumarka ee Midowga Yurub, Erygeyga Gaarka ah ee XG ee QM, Erygeyga Gaarka ee Midowga Africa, safiirka Midowga Yurub iyo safiiro kale iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.



Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirka isla markaana saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa yiri “ Waxaan shirka Brussels ka sugeynaa inuu xasilinta iyo horumarka dalka qeybweyn ka qaato.”

Madaxweynaha ayaa sheegey in shira Brussels rajo weyn laga qabo, dowladdana ay isu diyaarisay, waxuuna yiri “Dowladdu juhdi badan bey gelisay shirkan oo loo xilsaaran guddi farsamo oo latashiyo la wada bulshada qeybaheeda kala duwan, si ay u soo ururiyaan baahiyaha kala duwan si dalka uu u noqdo mid horumar joogta ah ka sameeya dhanka xasilinta, amniga iyo siyaasadda. Rajo weyn baan ka qabnaa shirkan bacdamaa ay Midowga Yurub iyo Soomaaliyaba ay si wadajir ah uga wada shaqeynayaan sidii uu shirkan u noqon lahaa mid najaxa.”

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegey in dokumentiga la diyaarinayo uu yahay mid laga wada qeybgaliyey dhammaan bulshada Soomaaliyeed waxuuna yiri “ Dokumentiga COMPACT ee la diyaarinayo waa mid lagala tashtay bulshada rayidka ah, maamulada dalka ka jira oo dhan, iyo khubaro key takhasustay diyaarinta dokumentiyada. Dhammaan mashaariicda aan dooneyno in dalka laga hirgeliyo waxey noqonyaan kuwo laga fuliyo dhammaan dalka oo dhan.”

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub iyo beesha caalamka sida ay uga go’antahay in Soomaaliya ay u noqoto dal xasilan oo horumar ballaaran taabanaya. Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan uga mahadcelineynaa EU iyo beesha caalamka sida ay ugu go’antahay inay u taageeraan Soomaaliya, shirka Brussels waa mid ay Dowladda Soomaaliya la shir-guddoomineyso Midowga Yurub, kaasoo Dowladda Soomaaliya ay ku bandhigi doonto dokumenti (COMPACT) si wanaagsan loo diyaariyey oo ka tarjumaya baahida mashaariicda dib loogu dhisi karo dalka oo dhan. Waa fursad qaali ah oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay ka wada faa’iideysan doonaan, shaqana u abuuri doono dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana xasilinooda iyo degennaanshaha dalka qeybweyn ka qaadan doona.”

- DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,
engabdirahman@gmail.com
+252 615 479911 or +252 699 998854

Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;