SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Cabdulqaadir Xaaji Ibraahim oo Mashruuc Dhaqashada Geela ka Hirgeliyey Duleedka Muqdisho

(Shirkadda DHAAY GEEL Waxaa si Fudud uga Heleysaa Caano Geel oo markaas la soo Lisey)

Waxaan ahayn Koox Wariyayaal ah oo loo qaadey meel Duleedka ka Magaalada Muqdisho una Dhow Ex- Kontrool Afgooye halaas lagu Dhaqo ama lagu Xanaaneeyo Geel loogu talagaley in ay Caanihiisa laga Iibiyo dadka ku Nool Magaalada Muqdisho si ay u helan Caano Geel oo Dhaay ah oo markaas la soo Lisey, waxaana Xeradaan Aas-Aasey rag ka yimid Qurbaha uuna Hogaaminayo Cabduqaadir Xaaji Ibraahim .

Xerada waxaa ku Xareysnaa ilaa Boqol Halaad oo dhamaantood ahaa Wada Irmaan , waxaana Geelaas halkaas loogu Diyaariyey Waxii Calaf ama Biyo ah ay Quudan lahaayeen waxaana ka Shaqeynaya dad Aqoon uleh Dhaqashada Geela , kuwaan oo markaa ku Howlanaa Lisida Geelaha , waxaana ay noo sheegeen in Hashiiba Laba jeer la liso waa Subaxi iyo Galabtii iyadoo Hashiiba laga liso Celcelis ahaan Laba Liitar Caano Geel ah .

Cabduqaadir Xaaji Ibraahiim oo ah Madax Shirkada DHAAY GEEL oo noogu Warameyey Halkii lagu hayey Geelaas ayaa waxaan wax ka weydiiney waxa ku dhaliyey isaga oo Qurba Joog ah in uu ka Ganacsado Caanaha Geela waxaana uu yiri “Asalkeenna marka hore waxaan aheyn Dad Xoola Dhaqato oo aad u yaqaan Waxtarka Xoolaha,waxaan si gaar ah iigu Dhaliyey nin Soomaali reer waqooyiga oo aan isla ahayn reer Norway ah kaasoo Magaalada Berbera ka bIlaabey in uu ku Dhaqo Geel gaaraya ilaa laba Boqol oo Halaad “

Mar aan weydiiyey Cida ka ka iibsata Caanaha Geelal waxaana uu ku jawaabey “Waxaan ku wareejinaa Shirkada kale oo Suuqa sii gelisa , waxaan kaloo Xerada uu Geela ku Xareysan maalin waliba yimaada Dad fara badan kuwaa halkaa ka Iiibsada Caanaha Geela,kuwa kalana halkaab bey ku Cabaan iyagoo markaas la soo lisey , waxaana Mustaqbalka Dhow aan Dooneynaa in aan Sameyno Xerooyin kale iyo in aan intaa ka sii badino Geela sdioo kale waxaan ku Tala jirnaa inaan sameyno Warshada Caanaha Farsameysa ”

 

Sidoo kale waxaa aan weydiiyey Geela uu halkaa ku hayo uu helo Dhaqtar Xoolaad waxaan uu ku Jawaabey “Waxaa Xerada uu Geela ku jira mar waliba Caafimaadkoda la Socdey Dhaqaatiir Xoolaad oo aad ugu Takhasusey Daaweyna iyo la Tacaalida Xoolaha,marka waxaan Dooneynaa in Bulshada Soomaaliyed ay helaan Caano Caafimaad qaba maadaama uu Caafimaadku uu ka mid waxyaabaha Ganacsigaada Hormarin kara “

Dadka Soomaaliyeed ee ka yimid Qurbaha ayaa waxaa waqtiyadaan dambe dalka ku soo Kordhiyeen Fikrado fara badan oo Shaqo Abuur ah kuwaa oo ka faaideystey Dad fara badan oo Soomaaliyeed, waxaana ka mid Hal Abuurada ay la yimaadeen Qurba Joogto Soomaaliyeed in Magaalada Muqdisho ay ka Abuureen Noocyo kala Duwan oo Tagaasi ah kuwas oo si fudud kuugu geynaya Gurigaadii,Goobtaada Shaqada iyo Xarunaha Waxbarasha iyadoo Cabduqdaair Xaaji Ibaraahim ee haatan lef Firkada uu ku Aas-Aasdey in Geel la dhaqdo in uu hore u Aa-Aasey Shirkada weyn ee Tagaasida ee Muqdisho Taxi

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;