Shirka Nairobi. Qof waliba oo soomaali ah, wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo shir ama uu
qabto shir. Shirarku waa labo midood. Mid wanaag iyo horumar wata ama mid xumaan
iyo dhib wata. Labadabba qofku wuu qaban karaa wuuna ka qayb galikaraa. haddii
uu wanaag soo kor dhinayo wuxuu dan u yahay dalka iyo dalka . siddaa awgeed
waxaa loo bahanyahay in la soo dhaweeyo, haddii uu xumaan iyo dhibaato keenayana,
waa in hogaanka dalka iyo dadkuba ka hortagaan si xigmadaysan. Shirka Nairobi waxay ahayd, in la qabto shirar horre si uusan u dhicin shirkaasi.
Dhaleecaynta, dulduleeladda. waa wax loo bahanyahay si looga faa idaysto, oo
meelaha aa dul duleelka ah, loo dhamaystiro. Haddii ay dhici waydo, oo wax
waliba lagu soo koobo 3 shakhi iyo mid siyaaddo ah kuwaas oo hal meel wax ka
arka, waxaa fufudaanaysa, qof waliba in uu ku damaaciyo ama uu ku ha waysto.kana
faaidaysto jileecaaga. Haddii aad haysato xeedho rashin ka buuxo, dadka kugu hareeraysana baahanyihiin,
adiguna aad la sii jeesato, waad garankartaa, waxa kaaga imankara. Meel haddal
kaaga bahana, haddii aad feer iyo haraati xal moodo, kuuna durbaan tumaan, kuwa
kugu hareeraysan, kuwaas oo dhaqan u leh, qabyaalad iyo burbur . jawaabta aad
hesho ama aad fili karto waa: feer,haraati iyo waliba suxul.haddii uu arinku
sidaa noqdo waxaa meesha ka baxaya in wax la wada wadaago. Sidaa awgeed waa in
la helaa xal ka duwan kaas aan soo sheegay, si loo gaadho xal, loona wadaago
xeedhada rashinka ah. Awood balaadhan, una baahan in la baahiyo, haddii aad ku koobto dhawr qof,
waxaan shaki kujirin in wax badan oo la qaban lahaa, ay dayac mayaan. Mar aan
milicsaday shir ay lahayeen wasiirada arimaha dibbada ee jamacada carabta ,
ayaan is waydiiyey aaway wasiirkenii arimaha dibada, waxaa la igu yidhi waa
dumaroo carabtii ayaa diiday, su aasha igu soo dhacday ayaa waxay ahayd oo ma
rag la,aan ayaa nahaysa?.macnaheedu ma ahan , dumarka in la riixo, ama wax
qaybsiga laga qadiyo. Dumarku waa hooyada dhashay nin waliba oo wanagsan. Waxaa kaloo mudan is tultaag. Midi afbadan, xageeda danbana ka xoogan, suro gal
aytahay in aad mididaa ka taqalusta, balse aysan suuro gal ahayn salkeeda danbe
in aad burburiso , labo arimood xaq ayaad u lahayd. Mididada in aad la
macaamisho, si taxadar leh. Ama in aad salkeeda danbe la macaamisho si iyadana
taxadar leh. Adigoo ah wiil yar oo gur guurad barad ah, haddii aad is moodo in
aad ordikarto, waa riyo aan jiif ahayn. Wax badan oo aan haboonayn, ayaa u
baahan qiimayn iyo tanaasul si aysan meel xun ugaadhin, oo aan wax laga
qabankarin. Waa lagugu hareeraysan yahay , waan lagugu dhex jiraa labaduba waxay
u baahantahay in aad ula socoto si taxadar leh. Dalkanu wuxuu burbursanaa ku dhawaad 23sano,walina waxaa nool dadkii wax ka
burburiyey, waxaa kaloo jira dalalkii ka qeeyb qaatay burburkiisa, waxaa kale oo
aan la inkiri karin in ay jiraan sababihii bur burka keenay oo taagan. Ma dhib
yara waxaas oo dhan, in ay sanad iyo sanado lagu xaliyo. Balse waxaa ka sii
naxdin badan, haddii madaxdii dalka ay fahmi wayaan xalka, oo dalka iyo dadka
sii kala fogeyaan oo ay meshii u baahnayd in la dhayo ay uga sii daraan, taasina
waa ay muuqatay intii ka danbaysay dawladdii dhexe 1991. Dawladihii na soo
maray, markii ay wax qaban wayeen, ayeey sii shideen xalada. natiijadooduna ay noqotay, mid waliba in uu dadkiisa isku koobo. Wixii hanti
ahaa ee dadku lahayeena jeebka uu ku shubto. Waxaa kaloo mudan til maamid. Lataliyaasha madaxda ee aqoonta leh, intooda
badana nooga yimid reer galbeedka ama carabta, ee sida dhabta ah aan u fahmi
karin dhibaatada bulshada ama xanbaarsan fikir kale .waayo xiligii burburka
wuuba ka maqnaa dalka, oo nolol ayuu haystay, maanta in uu usoo xidho garabaati,
dadkana uu ula macaamilo sidii reer galbeedkii ama khaliijka, waa wax aan suuro
gal ahayn. Dadka nocaas ah in ay xal kenaan. cilmigooda waxaa kamihiimsan kan ka
aqoonta yar, ee laga helay labo arimood, koow: daacad nimo labbo: wacyiga dadka
oo uu uleeyahay aqoon, iyo dhaqanka bulshada . Aqoontu waa wax loobahanyahay,
aqoon la,aanu waa iftiin la aan. Balse dad jahiliin ah, oo aan fahmikarin
xisaabta Aljabra iyo cilmiga falaga, u baahan biyo,cunto,cafimaad,nabadgalyo iyo
wax barasho aas aasi ah. Mantoo dhan cirka iyo dayaxa gacmeedka haddii aad uga
sheekayso. Waxaan filayaa jawaabtadu in ay isugu soo aruurayso in lagaa wada
cararo ama laguu arko nin waxi ka qaldan yihiin. Shirka Nairobi waxaa ka muuqda cardho iyo dhaliil xoogan oo loo soo jedinayo
dawladan curdunka ah.balse dadka soo jedinaya waa ku wama? Jawaabta waxaa laga
sugayaa soomaalida. Waxaa kaloo ka cad silsilad isku xidhan ilaa iyo
Kampala,Nairobi iyo Muqdisho. Shirkanu ma wuxuu noqon donaa Jubbaland oo kale,
oo dawladu siddii looga bartay weerer ayeey ku qaadi doontaa mise dhib iyo
weerar jubbaland ayaa ugu filan ee si siyaasadaysan oo taxadar leh ayeey isha
ugu hayn doontaa? Jawaabtu waxay u talaa Aqalka Madaxtooyada. Qorre: Cabdicaziz Bashir Ashkir. Ciwaanku: caweeye@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2013
|