SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Cuyuban Siyaasadeed!

Siyaasiyiintu way diideen inay ku dhaqmaan nidaamkii siyaasadeed ee Ilaahay u dajiyey muslimiinta, waxayna doorbideen nidaam gaalo dagsatay oo lagu magacaabo Dimoqraadi. Awoodooda waxay isugu geeyeen siday muslimiinta ugu khasbi lahaayeen nidaamkaas. Goortii uu u meelmaray ayay haddana diideen natiijadiisii; waayo waxaa ku guuleystay dad Ilaahay yeelay. Waa sida hadda Masar ka dhacdaye.

Taas waa markay meesha isku hayaan dad nidaamka Ilaahay doonaya laakiin markay kaligood isku qabtaan qaybsiga xukunka ma yeelayaan in Dimoqraadiyada lagu dhaqmo, natiijooyinkeedana ma aqbalayaan.

Siyaasiyiinta soomaalidu waxay ka midyihiin dadyowga ku ibtiloobay ku baqqista nidaamkaas Dimoqraadiga ah, haddana aan daacada u ahayn ku dhaqankiisa. Saaka waxaan akhriyey khabar sheegaya in magaalada Qardho dagaal ka dhacay oo yaa diriray?, maxaase lagu diriray?.

Puntland markii la aasaasay waxaa gole shuuro laga dhigay 66 xubnood oo ninkay codka siiyaan madaxweyne noqonayo. Marmar la kala boobay mooyee sidaas bay ku soo socotay. Ka dib waxaa la doonay in xagga Dimoqraadiyada iyo xisbiyada badan loo sii durko oo laga guuro 66kii nin.

Maanta dagaalka dhacay macnihiisu waxaa weeye cuyuban siyaasadeed oo ah waan diidnay nidaamkii siyaasiga ahaa ee islaamka, dimoqraadiyadiina waa diidnay, tii aan anagu gaar ahaan u dagsanayna waa diidnay. Mugga waa cuyuban, iyo cub iyo cir!.

Gabagabadii waxaa hubaal ah in aan nina jacayl gaar ah u qabin dimoqraadiyada iyo baarlamaanka 66-da ah ee nin walba wuxuu ku dhaganyahay midda uu is leeyahay way kuugu badinaysaa, waxaase meesha ku baaba’aya ummaddii iyo daneheedii ee siyaasiyiintu Ilaahay ha ka baqeen oo ha u tureen muslimiinta sooman, ninkii wax qoonsadana yaanu dagaal bilaabin ee gartiisa ha jeedado.

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 15, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;