SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay Guddiga New Deal

Muqdisho 13 July 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddiga Soomaaliga ee New Deal oo u qaabilsan diyaarinta shirka Brussels ee 16ka September 2013. Waxaa kulankan goob joog ahaa Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Maxamud Xasan Suleebaan iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mahdi Maxamud Cali iyo xubnaha guddiga New Deal.

Madaxweynaha ayaa guddiga kula dardaarmay sidii qorshaha qabanqaabada shirka 16ka September uu u noqon lahaa mid heer sare ah oo dhammaan dokumentiyada la horgeynayo shirka ay noqdaan kuwa lala tashtay shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa guddiga ku yiri “Waa in isbedel dhab ah uu ka muuqdaa hab-dhaqanka dowliga ah oo maanta oo aan heysanno dowlad rasmi ah waa in qorsheyaasha la idiin igmaday ay noqdaan kuwa si aad ah loogala tashto shacabka Soomaaliyeed isla markaana aad si heer sare ah isu abaabushaan si shirkaas uu u noqdo mid guuleysta.

“Qorshaha COMPACT oo aad diyaarineysaan waa inaad si taxadar ah uga fikirtaan oo dhammaan hay’adaha dowliga ah ay idinkala qeybqaataan, si qorshaha la gudbinayo uu u noqdo mid la jaanqaadi kara baahida shacabka Soomaaliyeed. Bacdamaa dib-u-dhiska dalka uu u baahanyahay uu aad iyo aad u tiro badan yahay haddana waa in shacabka lagala tashtaa waxyaabaha ay rabaan in mudnaanta gaarka ah loo siiyo, iyadoo la tixgalinayo duruufaha qaaska ah ee gobollada qaarkood. Waana in guddiga uu si joogta ah u wargeliyaa shacabka si ay ula socdaan horumarka guddiga iyo qabanqaabada shirka Brussels oo shacabka Soomaaliyeed ay si aad ah u sugayaan.”

Wasiirka Maaliyadda & Qorsheyna Qaranka oo guddiga madax ka ahaa ayaa u ballanqaaday madaxweynaha inay dadaalayaan oo qorsheyaasha qaarkood ay diyaar yihiin, isla markaana dib-u-habeyn lagu sameeyey hay’adihii maaliyadda si shacabka iyo caalamkuba ay kalsooni buuxda ugu qabaan habka loo maareynayo dhaqaalaha dib-u-dhiska dalka.

- DHAMAAD -

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President, engabdirahman@gmail.com +252615479911 or +252 699 998854

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay dhalinyarada, kuna dhiirageliyay inay nabadda ka qeyb qaataan

Muqdisho July 13, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa galabta kulan ballaaran la qaatay dhalinyaro tiradoodu gaareyso 250 isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasoo ka kala socday ururada dhalinyarada, ardayda Jaamacaddaha iyo kuwa dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa looga gol lahaa in lagu dhegeysto aragtida dhalinyarada iyo dowrka kaga aadan nabadda iyo horumarinta dalka, kaasoo hal ku dheg looga dhigay kulanka maanta, sidoo kalena loogu gudbiyo fariinta dawladda, waxaana ku wehliyay kulanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdikariin Guleed, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Faqi iyo Wasiirka Horumarinta Adeegga bulshada Drs. Maryam Khaasim.

Dhalinyaradan ayaa ka hadlay xaaladda ay dhalinyarada ku sugan yihiin, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin inay qeyb ka qaataan dib u soo celinta nabadda iyo horumarinta dalka, iyaga oo dhanka kalena ka codsaday madaxda in lagu taageero himiladooda mustaqbalka isla markaana fursado loo abuuro.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo la hadlay dhalintan ayaa u sheegay inay yihiin mustaqbalka dalka, isla markaana ay ka fogaadaan qabiilka, argagixisada iyo xumaanta.

“Dhalinyarada maanta iga hor muuqata waxaan ku baraarujinayaa inay ka qeyb qaataan sugidda amniga iyo xasilinta dalka, haddii aan dawladdu helin kaalinta dhalinyarada ee sugida amniga runtii wey adkaaneysaa in la helo amni, maalin kastana waxaad arkeysaan walaalihiina iyo waalidiintiina oo hortiina lagu leynayo si gardarro ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhalinyarada ku adkeeyey in ay xiriir wada shaqeyn dhow la yeeshaan hay’addaha amniga ee dawladda si looga hortago qaraxyada iyo falalka kale ee nabadda lidiga ku ah.

“Waxaad tihiin madaxdii mustaqbalka hogaamin laheyd dalka, anagu waxaan diyaar u nahay inaan idinku wareejino kuraasta, balse idinkana waxaa la idinka doonayaa inaad noqotaan dhalinyaro xil kas ah oo hufan” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tusaale u soo qaatay dhalinyaradii SYL ee dalka u horseeday xornimada.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa soo jeediyay kulan ballaaran oo loogu magac daro “Shirweynaha Dhalinyarada”, inay soo agaasinto Wasaaradda adeegga bulshada oo ay hoostagto Wasaaradda Dhalinyarada, kaasoo socon doona muddo 3 cisho ah, si loo helo talo wadaag dhalinyarada iyo dawladda dhex mara.

Kulankan galabta dhex maray dhalinyarada iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha xukuumada ayaa qeyb ka ah, qorshaha cusub ee uu dhowaan ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha kaasoo looga gol leeyahay iskaashi buuxa oo dhex mara qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xukuumada, si loo horumariyo nabadda iyo degaanshaha dalka 22 sano kadib.
Garad Salad Hersi

Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia 

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;